Sign in to follow this  
xiinfaniin

JABHADDA FEDERAALKA KU MEEL GAARKA AH.

Recommended Posts

JABHADDA FEDERAALKA KU MEEL GAARKA AH.

 

Dad-dilayaal kooxo badan kala ah baa inta meel la’isugu geeyey lagu yiri: Dadkaad dili jirteen sidaad dilka uga dayn lahaydeen ka’arinsada. Dadkii bey eegeen, dunidii bey fiirsheen, iyagii baa hadana is-dhugtay, kolkaasey iska soo dhex saareen koodii dad dilidda u bilaabay, dunidiina waxay ku yiraahdeen: Waxaan dhisanay dowlad uu madax ka yahay macallinkii sixirka baray.

 

Bulsho weyntiina rajo ayaa gashay, armaa xal la helaa ayey is yiraahdeen. Xaalkooduna wuxuu u ekaaday sidii laga sheegay oday matukade muddo dheer ahaa baa markii danbe masjidkii galay, wuxuu maqlay Imaamkii oo leh, garbaha iyo gumadaha hala isku dhajiyo. Ninkii dadka ugu dhawaa ayuu inta ku jeestay ku yiri: Oo maxay tahay sababtu? Wuxuu ku yiri: Shaydaanku inuusan nakala dhexgalin ayaa saas loo yeelayaa. Salaad bilaabihii oo yaaban ayaa yiri: Oo Shaydaan hadduu tukanayo maxaa loogu diidayaa? Haddeer shacabku wuxuu xaalkoodu yahay kuwii shalay naleynayey hadday dowlad noo dhisayaan maxaa loogu diidayaa?

 

Habaynkey doorashadu dhacday oo natiijadii la sheegay ayuu nin saaxiibkay ahi igu yiri: War bal warran. Waxaan ku iri, waa inoo shan sano dabadeed iyo shir. Ninkale oon mardanbe uga qiseeyey hadalkaas ayaaba iga sii daray oo yiri: Alla war li’idaa. War waa madaxaa haku furto. Duqo intuu noolyahay meelna uma socdo.

 

Sidaasay tahay quluubtii waxgaradka Soomaalida waxay guddoon-satay yaan laga hor iman dowladan, hana lasoo dhaweeyo, sababtoo ah, wax la’aan wax xun baa dhaamaa, horaa waxaa loo yiri: Ninbaa nin kale ku yiri tol xumo, kiina wuxuu ku jawaabay tol laawe. Marka waxay u egtahay dowlad la’aan intii nala dhihi lahaa dowlad xumo-yaal hanalagu sheego.

 

DAD DOWLAD RABA IYO DOWLAD AAN DAD RABIN.

 

Waagii layiri Madaxweyne ayey Soomaalidu dooratay, qaybihii kala duwanaa ee bulshada ayaa dhamaantood soo dhAweeyey, waxay noqotay burburkii kadib dowladii ugu horeysay ee ay dadku soo wada dhaweeyeen.

 

Culimada Soomaalida waxaa u hadlay Sh. Cumar Faaruuq oo dadweynaha ugu baaqay in la taageero dowladda Soomaali u dhalatay. Ganacsatadiina baaqyo ayey kasoo saareen Dubay iyo Muqdisho oo cadeeyeen iney taageerayaan maamulka cusub. Aqoonyahan-kiina shirkoodii Nayroobi ayey taageero buuxda uga direen dowladda. Dowladani wali lama hayo qof Soomaali ah, dabaqadduu rabo ha’ahaadee, oo yiraahda dowladan ma’aqoonsani, marka laga reebo walaalaha W/Galbeed.

 

Xamar uma socdo. Xabashi ayaan dadka hubka uga dhigayaa. Xoog mooyee xod-xodosho la’aan, wa astaamaha dowladdan cusub.

 

DOWLAD JABHADNIMO ISU BADASHAY.

 

Shirkii dhawaa ee Barlamaanka wuxuu la soo baxay dhawr qodob.

 

kooxihii dib-u-heshiisiinta loo qabtay ooba kala maarmay ayaa muuqatay. Shirkii Qaahira C/Laahi Yuusuf iyo Aadan Gabyow ayaa ka baxay hawshii iney guulaysan weysana ayagay sababsatay. Cartana goortii ay diideen dagaal oga-yaashii waa tay gacaha ku socon weysay. Maantana Dowladan iyagoo banaanka jooga ayey ka maarmeen qaybo badan oo caqabad ku noqon kara dowladdii. Marka Jabhad-nimo ayey dooratay.

Dowladdii Carta lagu soo dhisay goortii wakhtigeedii dhamaaday ayey isku dhacii ugu horeeyey bilaabeen, gaar-ahaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka, tanna iyadoon dhalan bey dhiciskii ka hor dirireen. Talow maxay ku danbeyn doontaa? Malaha jabhadnimo.

Fadhigii dhawaa wuxuu bilaabay in lakala maarmi karo, haddii Shariifkii laga tashaday, waliba isagoo meel u dhaw jooga, taasi waxay keeni kartaa in isaguna uu ka maarmo ragga kale ee dowladda ugu sareeya.

Baydhabo oo hada dagaal fool u ah ayey dowladdu dagaysaa baa la go’aamiyey. Xamarna waa meel aan ladagi karinna waa lagu dhawaaqayaa. Sidaasi waxay kuu muujineysaa in maskax aan Soomaali ahayni ay talada dalka hayso.

Dowlad-nimo magaceed iyo wada socod wixii lagu waayey miyaa lagu heli doonaa Dalxa oo shir guddoon ah. Geeddi oon horay uga mid ahayn kuwii caqabadda ku ahaa dowladnimada. Iyo C/Laahi oo raba inuu adkaado ama uu dhinto isagoo jidkii adkaanshaha haya.

 

BAYDHABO KA BILOW KUNA DHAMAYSO.

 

Waxay dad badani isleeyihiin duqu hadduu Madaxweyne helay waa xiligii uu nasan-lahaa, laakiin sidaasi manoqone, wali inuu dagaal sii wado ayuu diyaar uyahay, sidii uu ku sheegayba khudbadiisii koowaad.

 

Qadarta ilaahay, waxaa yaab leh, Baydhabadii uu dagaalka firkadiisa ku bilaabay ee uu Madaxweyne-nimo ku gaaray, ayuu mindhaa isyiri, hadana hadaad dagaal-kaada Baydhabo ka bilowdo, mindhaa sidaad Madaxweyne ugu heshay, ayaad dalkana ku dajin doontaa.

 

Somalitalk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Dhacdada dhabta ah ee waddanka ka jirta waa tanaa.

 

PS: Hope I sound like "YOU" bro xiinfaniin in Somali lol. Ina cafi saaxib in case I have hurt your feelings or said something wrong to you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You see, Xoogsade, I just posted this piece precisely to make the likes of you happy and to keep this forum a live and worthy of the visit! As for the ‘cafis’ and hurting feelings, Xaashaa awoowe!

 

In all honesty, that discussion was useful and informative. And though fiercely heated at times, and bordering to ranting at others, it didn’t spin off the track. As a mature debater I would expect you appreciate other side’s argument. My intention was not to blow a hot ear to that city (Xamar that is ). It was not to breath your neck and blackmail you to hastily admit the guilt of the civil war. No hard feeling bro.

 

P.S: I disagree with Fahad’s analysis (though he’s an old friend of mine and real Muqdishaawi who can--like xiinfaniin--speak and write like GALTI).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

...Sidii laga sheegay oday matukade muddo dheer ahaa baa markii danbe masjidkii galay, wuxuu maqlay Imaamkii oo leh, garbaha iyo gumadaha hala isku dhajiyo. Ninkii dadka ugu dhawaa ayuu inta ku jeestay ku yiri: Oo maxay tahay sababtu? Wuxuu ku yiri: Shaydaanku inuusan nakala dhexgalin ayaa saas loo yeelayaa. Salaad bilaabihii oo yaaban ayaa yiri: Oo Shaydaan hadduu tukanayo maxaa loogu diidayaa?

:D:D:D

 

But seriously, that is a pure philosophical question. I hope aw surwaal-gaabyaasha lugahaaga ku istaago everyday jameecada markii lagu jiro, as though literally believing that xadiis, ponder to that question.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Well, Xiinfaniin, Your friend is very rational and made perfect sense of what is about the current situation of somali politics. I like nondenominational guys like him(according to this article of his anyway) who are beholden to no one or to no clan but to the truth. To have freedom of conscience, to be at peace with oneself all the time, to be credible, one has to disassociate himself from any sentimentality.

 

I have no problem with a different view point if it is not tainted with biased views that are constructed to favour one group at the expense of others. And there is always room for changing views if mine turns out to be less rational.

 

PS: The website is worth visiting although my visitations are sporadic.

 

Macruuf.

 

The unsaid answer is that Satan isn't there to pray to begin with but to distract people so that they lose concentration.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this