Sign in to follow this  
Xoogsade

Warbixin:- Taariikh Nololeedka Sheekh Saciid Yaxye -The Sheekh Killed By The Xabashis

Recommended Posts

Xoogsade   

Warbixin:- Taariikh Nololeedka Sheekh Saciid Yaxye

 

Beerdhiga 22.04.2008 01:46

 

Shalay galinkii danbe waxa ay Ciidamada gumeysiga Itoobiya ee macatab ku dagaalka ahi ka geysteen caasimada Muqdisho xasuuq ba’an oo ay kula kaceen qeybo kala duwan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan hal-bowlihii ummadda sida culumaa’udiinka, iyada oo culimo badan ay Ciidamada gumeysiga Itoobiya ku gowraceen qaar kalena ku dileen gudaha iyo daafaha Masjidka Al-Hidaaya ee deegaanka waxara cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana culimadaasi ka mid ahaa Sheekh Saciid Yaxye oo la sheegay in si bani aadamnimada ka baxsan loo dilay iyada oo sheekha la isku jajibiyay.

 

 

Taariikh Nololeedka sheekha oo kooban

 

Sheekh Saciid Yaxye Maxamed oo ka mid ah Culimada ugu waaweyn ee Jamaacada Tabliiqa, iyo maamulka sare ee Masjidka AL-Hidaaya waxa uu ku dhashay Degmada Ceel-Dheer ee Gobolka Gal-gaduud sanadkii 1956 waxaana ay waalidiintiisii ku bilaabeen yaraantiisii Barashada Qur’aanka Kariimka iyo Tarbiyada Islaamka.

 

Waxbarashadiisii iyo Ganacsigiisii

 

Sheekh Saciid Yaxye waxa uu Waxbarashadiisii Qur’aanka Kariimka iyo Dugsiga Hoose ku qaatay Degmada Ceel-Dheer. Iyada oo sanadii 1974 – 1978 uu ku qaatay Magaalada Muqdisho Waxbarashada Dugsiga Dhexe iyo midda Sare.

 

Sanadii 1978 waxa uu Sheekh Saciid ganacsi u aaday Dalka Sacuudiga, iyada oo 1980 u soo laabtay ganacsigiina u soo wareegsaday Muqdisho.

 

1984 Sheekhu waxa uu goob ganacsi oo lagu iibiyo SPARE PART-ga gawaarida ka furtay degmada Beexaani taas oo illaa maantana jirta laguna magacaabo “Garuun” oo uu ku wareejiyay walaalkiis Max’ed Yaxye.

 

Dhibaatooyinkii ka soo gaaray Sheekh Saciid Faafinta Diinta Islaamka

 

Sheekh Saciid waxa uu ahaa nin ka ganacsada wadamada Carabta iyo Yurub, waxaana uu Dacwada faafinteeda u jeestay sanadii 1986 illaa uu ka geeriyoodayna waxa uu ku jiray faafinta iyo barida dadka Diinta Islaamka.

 

Sheekh Shariif Sharafoow ayaa ahaa Sheekha gaarka ah ee uu Sheekh Saciid ka bartay Diinta Islaamka gaar ahaan Tafsiirka oo uu Sh. Shariif Sharafow ka akhrin jiray Masjidka Arbaca Rukun ee degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho.

 

Tan iyo intii uu Sheekh Saciid bilaabay Fidinta Diinta Islaamka iyo waliba Barashadeeda waxa ka soo gaaray dhibaatooyin badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin balse mid iyo labo hadaynu ka taabano ayaa waxaa ka mid aha:-

 

1980 waxa sheekha iyo Culimo kale oo ay ka mid ahaayeen:- Sheekh Ibraahim Suuleey, Sheekh Shariif Sharafow iyo culumo kale xiray Ciidamadii Nabadsugida Soomaaliya iyaga oo faafinaya Diinta Islaamka

 

Sheekha iyo culimadaasi kale oo lagu xiray xaruntii FIAT ayaa Jirdil waxa loogu geystay xabsiga gudihiisa iyada oo lagu haystay oo kaliya faafinta Dacwada Islaamka, balse mudo 25 bari ka dib iska sii daayay markii ay wax mar marsiiyo ahi u waayeen haysashadooda.

 

Intii ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya soo galeen Soomaaliya

 

2006 markii ay ciidamada gumeysiga Itoobiya soo galeen gudaha Dalka Soomaaliya waxa ay ciidamadaasi ka qafaasheen Sheekh Saciid agagaarka Miisaanka Dhuxusha Towfiiq iyaga oo ku xirtay fariisinkooda Asluubta ee magaalada Muqdisho, mudo ka dibna iska soo daayay.

 

Sidoo kale Sheekh Saciid iyo Sheekh Ismaaciil oo wada socda ayay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku xireen Baydhabo xili ay Dacwo ugu socdeen Magaalada Hargeysa ee Waqooyiga Soomaaliya

 

2007 ayaa Culimo dhowr ah oo uu ku jiro Sheekh Saciid Yaxye waxa ay ciidamada gumeysiga Itoobiya ka soo qafaasheen Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe isla markaana ku xirtay xabsi ku yaala xarunta CID halkaas oo ay ku jireen mudo Todobaad ah.

 

Sheekh Saciid Yaxye Maxamed illaahay ha ka aqbalo shahaadadiisee waxa uu ahaa mid fidinta dacwada soomaaliya qeyb wayn ka qaatay isaga oo la dhihi karo Gobol,Degmo iyo Tuulo waliba oo Dalka Soomaaliya ka mid ahi waxa uu u tagay gaarsiinta dacwada islaamka oo uu ku dhex jiray mudo 25 sano ah , iyada oo uu Dalka Dibadiisana sidaas oo kale u tagay Faafinta Diinta Islaamka.

 

Sanadihii 1992-1996 Sheekh Saciida waxa uu Dacwo ka waday wadamada Maraykanka iyo Canada.

 

Sheekha waxa uu masjid ka dhisay magaalada Buulo-Barde ee Gobolka Hiiraan, iyada oo uu sheekhu unkay jameecooyin badan oo dalka soomaaliya goboladiisa ka wada Dacwada Diinta Islaamka.

 

Sheekh Saciid Yaxye Maxamed waxa uu ifka kaga tagay 3 xaas oo mid ka mid ahi uu dhalay sheekhiisii gaarka ahaa ee Sheekh Shariif Sharafow, iyo waliba 11 caruur ah oo ay labda xaas ee kale u kala dhaleen iyo sidoo kale qaraabo farabadan, ardaydiisii iyo saaxiibbo fara badan oo diinta iyo dacwada ay ku walaaloobeen. Ilaahay waxaan uga baryaynaa in uu sabir iyo iimaan ka siiyo, sheekhana uu dambigiisa dhaafo, qabrigana uga dhigo beer beeraha jannada ka mid ah, hooskiisana uu hariyo maalinta aan hoos kale jirin, jannadiisana uu ka waraabiyo, raallinimadiisana ku arzuqo… Aamiin.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this