Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The Good udub speaks out

Recommended Posts

Siyaasi ka Tirsan UDUB oo ku Taliyey in la Dhiso Dawlad Ku-meel-gaadh ah

Hargeysa (Jam)- Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale oo ka tirsan siyaasiyiinta isbeddel-doonka ah ee xisbul-xaakimka UDUB, ayaa si adag ugu taliyey in la dhiso dawlad ku-meel-gaadh ah oo dalka gaadhsiisa doorasho, arrintaasoo uu ku tilmaamay xalka keliya ee badbaadada Somaliland ku jiro.

 

Eng. Ducaale oo ka mid ah xubnihii guddiga fulinta UDUB ee ka biyo-diiday habkii loo maamulay shirweynihii labaad ee xisbigoodu markale murrashaxiinta doorashada Madaxtooyada ugu doortay Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa, haddana ku maqan dalka dibaddiisa, ayaa qoraal kooban uu shalay khadka internet-ka Jamhuuriya ugu soo diray, waxa uu ku sheegay in xukuumadda talada haysaa ku guuldarraysatay inay gudato waajibaadkii ummaddu u igmatay oo ay ugu muhiimsan yihiin doorashooyinku, sidaa darteedna waqtigan lama huraan tahay in la sameeyo dawlad ku-meel-gaadh ah oo dalka gaadhsiiso doorasho.

 

Qoraalka Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale kaga talo-bixiyey xaaladda iyo khilaafaadka siyaasadeed ee xilligan Somaliland dhex dabbaalanayso isagoo faahfaahsan waxa uu dhignaa sidan:

 

“Ciid mubaarik kulu caam wa antum bilkhary, dadka reer Somaliland iyo ummadda muslimiintaba Ilaahay khayr iyo bashbash ku gaadhsiiyo.

 

Reer Somaliland dhaawac iyo dhimasho intaa maanta gaadhay baa ugu filan ee inta kale hala badbaadiyo, dadkii innaga dhintayna Ilaahay ha u naxariisto, ciddii ka masuulka ahaydna waa in maxkamad la soo taagaa sida ugu dhaqsaha badan, haddii kale qaranku jiri maayo.

 

Markaa haddii Madaxweyne Daahir Rayaale danayn waayey dalka iyo dadka toona idinku haddaad Guurtida tihiin wajibaadkiina guta oo ha u qaadanina inuu yahay waajibaadkiinu muddo-kordhin ee wajibaadkiinu waa badbaadada qaran.

 

Haddaba, maanta waxa weeyey Rayaale iyo xukuumaddiisu way ku guuldarraysatay inay dalka dowrasho ka qabataan. Nin hawshii qaban waayey meesha dhaaf mooyee wax kaloo la yidhaadaa ma jiroy. Taas macnaheedu waxa weeye waa inla helaa cid kale oo dalka doorasho gaadhsiisa oo la dhisaa dawlad ku-meel-gaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa. Arrintaasi waa mid adduunka dhan ka dhacda marka dowladi ku guuldarraysato inay qabato wixii shacabku u igmaday, waxana waajib ku ah inay iscasisho, kadibna la dhiso dawlad ku-meel-gaadh ah.

 

Sidaa awgeed, waxa lama huraan ah oo loo baahan yahay in la dhiso dawlad ka kooban labada xisbi mucaarid iyo xukuumadda hadda jirta, wax kale oo mushkiladda maanta ina haysata aynu kaga bixi karnaana ma jirto.

 

Dadka Somaliland ku dhaqan intooda badan bakhtigaa u xalaal ah. Intii ogi way ogtahay, intaan ogayna loo sheegi maayo. Xoolihii ma jiraan, shaqo ma jirto, baayacmushtar socdaa ma jiro, intaasna waxa u dheer abaaro iyo sicir-barar. Intaba dawladda ayaa ka masuul ah oo shaqadeedii gabatay, in la sii eegtaana waa khalad ee ummadda hala badbaadiyo.

 

Wax khasab iyo daruuri ah in dalka loo sameeyo dawlad ku-meel-gaadh ah, ka ku farxaya iyo ka naxayaba sidaas ayey dadka iyo dalkaba dani ugu jirtaa.”

 

“Haddaba, waxaan Golaha Guurtida leeyahay ceebta iska ilaaliya, tashiga badiya oo bulshada qaybaheeda oo dhan la tashada sida; culimada, madax-dhaqameedka, baayacmushtariga, aqoonyahanka, ardayda jaamacadaha, iwm. Wax badan baa ku guulaysateen, tanna waa ku guulaysanaysaan, Ilaahayna waa idinku garab gelayaa. Iska ilaaliya nin-jaclaysi iyo xisbi-jeclaysi iyo dano gaarka ahba, danta gaarka ahna ta caamka ah ayuun bay ku xidhan tahay ee taas ogaada,” ayuu qoraalkiisa ku soo gunaanaday Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haddaba, maanta waxa weeyey Rayaale iyo xukuumaddiisu way ku guuldarraysatay inay dalka dowrasho ka qabataan. Nin hawshii qaban waayey meesha dhaaf mooyee wax kaloo la yidhaadaa ma jiroy. Taas macnaheedu waxa weeye waa inla helaa cid kale oo dalka doorasho gaadhsiisa oo la dhisaa dawlad ku-meel-gaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa. Arrintaasi waa mid adduunka dhan ka dhacda marka dowladi ku guuldarraysato inay qabato wixii shacabku u igmaday, waxana waajib ku ah inay iscasisho, kadibna la dhiso dawlad ku-meel-gaadh ah.

 

Sidaa awgeed, waxa lama huraan ah oo loo baahan yahay in la dhiso dawlad ka kooban labada xisbi mucaarid iyo xukuumadda hadda jirta, wax kale oo mushkiladda maanta ina haysata aynu kaga bixi karnaana ma jirto

He is 100% right dawlad doorasho qabban karii weyday oo mar loo kordhiye oo mar labaad loo kordiye oo mar sadexaaad loo kordhiye oo rabba mar affaraad loo kordhiyo, ma fahmin anigu

And the funny part is dawladu they don’t ask for a muddo kordhin but that’s what they want , we all know it , remember in April gudigii dhex dhexaadka eeh somaliland dawladeeda iyo mucaraadka dhex dhexaadiinaye they put some few points on the table. Which was that guurtidu inanay kordhin karreyn mar danbe haday doorashado qabsoomii waydo Daahir riyaale wuu diiday inu saxeexo he knew inanu doorasho qabbanayn 27 september guurtidu isku halayneye, But we will see.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

VIVA UDUB....VIVA UDUB...

 

NO OFFENSE SAXIBAYAL...BUT I WOULD TRUST ETHEIR OF THESE TWO GUYS FAISAL OR SILANYO AND FAISAL IS HAILS FROM THE SAME REGION AND CLAN AS ME, BUT WHO CARES, I WOULDNT TRUST HIM WITH MY COUNTRY. I TRUST A MAN WHO COMES FROM BORAMA, NOT BECAUSE HE IS FROM BORAMA BUT BECAUSE HE HAS PROVEN HIMSELF EFFECTIVE, SOMALILAND IS NUMBER ONE UNDER HIS HELM.

 

VIVA UDUB, VIVA RIYALE !!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by GAAROODI:

VIVA UDUB....VIVA UDUB...

 

NO OFFENSE SAXIBAYAL...BUT I WOULD TRUST ETHEIR OF THESE TWO GUYS FAISAL OR SILANYO AND FAISAL IS HAILS FROM THE SAME REGION AND CLAN AS ME, BUT WHO CARES, I WOULDNT TRUST HIM WITH MY COUNTRY. I TRUST A MAN WHO COMES FROM BORAMA, NOT BECAUSE HE IS FROM BORAMA BUT BECAUSE HE HAS PROVEN HIMSELF EFFECTIVE, SOMALILAND IS NUMBER ONE UNDER HIS HELM.

 

VIVA UDUB, VIVA RIYALE !!

Sxb you would trust Silanyo to lead the snm from 1982 till 1988 the longest snm chairman of Somaliland, the liberation army of Somaliland. I would trust him with Somaliland more then any one. To be honest I was supporting daahir riyaale and axmed yusuf yasin and udub till 2006. But my friend udub hasn’t made any progress since they where in office we are where we where when cigaal died aun.

No elections no democracy no running water in hargeisa no road from gabiley to borame , if you would say riyaale is from borame he didn’t even fix the road from dila to borame sxb .

Sxb we have one option is to have an interim government that will hold elections.

Because mar bala kordhiye mar labaad bala kordhiye mar sadexaad bala kordhiye , ma mar affaraad hadda la kordhiyo do you think riyaale and udub will hold election haba ka yaabin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this