Sign in to follow this  
Nasir

Koox Askar ah iyo Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Ciidamada Maamulka C/Laahi Yuusuf Oo Isk

Recommended Posts

Nasir   

Hargeysa (Haatuf): koox askar oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa afar askari oo ka tirsanaa maamulka C/laahi Yuusuf ayaa habeen hore isku soo dhiibay maamulka Somaliland ee magaalada Ceerigaabo.

 

Nimankaa askarta ahi hadda waxay ku sugan yihiin magaalada Ceerigaabo.

 

Weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag C/Rashiid Xasan Cabsiiye ayaa ku soo waramay inay nimankaa askarta ah ee isku soo dhiibay Somaliland ee iska soo dhiibay dhinaca maamulka C/laahi Yuusuf ay wareen baabuur yar oo xaajiyad ah, waxaana la sheegay in baabuurka ay wataan uu lahaa ninka wasiir ku xigeenka wasaarada dawlada hoose ka ah maamul goboleedka Puntlad, nimankaa askarta ahna waxa hadda gacanta ku haya maamulayaasha iyo saraakiisha dawlada ee gobolka Sanaag, kuwaas oo la leh xog-wareysiyo.

 

Weriyaha Haatuf ayaa ku simaha badhasaabka gobolka Sanaag, C/Casiis Xasan Siciid wax ka weydiiyey askarta iska soo dhiibtey dhinaca Puntland, wuxuuna isaga oo nimankaa ka hadlaya yidhi “Nimankaa askarta ah ee isa soo dhiibay waxaan ku wareejiyey taliyaha bileyska gobolka Sanaag, hawlahooduna baadhitaan ayey ku jiraan”, laakiin ku simaha badhasaabku waxa uu intaa ku daray “Nimankaa askarta ah ee isa soo dhiibay marka uu gobolku hawlihiisa ka dhamaysto ayaa si sharci ah loogu gudbinayaa dhinaca Hargeysa”.

 

Askartan dhinaca Puntland ka soo baxsaday waxa la dejiyey hudheelka ku yaal magaalada Ceerigaabo ee Sanaag Hotel, halkaasna waxa kula kulmay weriyaha Haatuf oo xog-waraysi kooban la yeeshay, waxayna xaqiijiyeen in baabuurka xaajiyada ah ee ay wataan uu lahaa wasiir ku xigeenka dawladaha hoose ee maamulka C/laahi Yuusuf.

 

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay taageersan yihiin siyaasi mucaarad ku ah maamulka C/laahi Yuusuf oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed X. Aaden.

 

Sidoo kale todobaad ka hor waxa maamulayaasha iyo saraakiisha dawlada ee gobolka Sanaag isu soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa ciidamada C/laahi Yuusuf oo u soo talaabay Somaliland.

 

Weriyaha Haatuf ayaa ku simaha badhasaabka Sanaag weydiiyey halka uu ku dambeeyey sarkaalkaa iska soo dhiibay dhinaca maamulka C/laahi Yuusuf, wuxuuna ku jawaabay “Waxa uu ahaa laba xidigle taliye ka ahaa ciidanka Puntland ee fadhiya meesha la yidhaahdo Laag, waxaananu ninkaa sarkaalka ah ku wareejinay ciidanka qaranka ee Somaliland saldhiga saddexaad”.

 

Dhinaca kale wararka naga soo gaadhay dhinaca gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ay kooxdan askarta ahi hordhac u yihiin kala jajab iyo burbur fara badan oo ku yimid ciidamada C/laahi Yuusuf ee ku sugan maamulkaa gudihiisa iyo xataa kuwa uu keenay magaalada Laascaanood lafteeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this