Sign in to follow this  
General Duke

TFG troops hold areas + clashes in Diinsoor front..

Recommended Posts

Ciidamada Dowlada oo kusii siqaya magaalada Buur Hakaba iyo askar kasoo baxsaday Maxaakiimta

Last Updated::2006-12-22 13:19:29

 

pic

moodemoodey.JPG

Baydhabo:- Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa hada 15km u jira magaalada Buur Hakaba ee gobalka Bay.

 

Ciidamada DFKMG iyo Ciidamada Maxaakiimta ayaa shalay iyo doraad dagaalo xoogleh ku dhexmareen deegaanka Moode Moodey iyo Iidaale.

 

Dagaalka ayaa shalay ahaa mid aad u kulul gaar ahaan dhinaca Iidaale ayadoo dhinaca Moode Moode ay gebi ahaanba la wareegeen Ciidamada Dowlada oo kusii durkay dhinaca magaalada Buur Hakaba.

 

Suxufiyiinta ka ambabaxay magaalada Baydhabo ayey u suurto gashay in ay gaaraan illaa iyo deegaanka Moode Moodey oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada DFKMG, waxaana la sheegay in ay hada ku sugan yihiin degmada Buur Hakaba iyo nawaaxigeeda.

 

Deegaanka Moode Moodey ayey ka muuqdeen shalay meydad badan oo kamid ah Ciidamada Maxaakiimta ee halkaasi dib looga riixay.

 

Deegaanka Moode moodey oo ay ku sugan yihiin ciidamada DFKMG

 

Deegaanka Iidaale ayey dagaalo xoogleh ka dhaceen ayadoo Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga ee dowlada uu sheegay in halkaasi ay khasaaro badan kasoo gaareen dhinaca Maxaakiimta.

 

Ciidamada Dowlada ayey laftigoodu khasaarooyin soo gaareen ayadoo la arkayo ciidamo rac rac u socda oo ku jiheysan dhinaca magaalada Diinsoor oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Maxaakiimta.

 

Xalay oo dhan ayaa la maqlayey rasaasta Madaafiicda goobta ee tiirada dheer oo ka dhacayey deegaanada Iidaale, kuwaasi oo la sheegay inay illaa iyo xalay oo dhan ay duqeynayeen aagaga ay fadhiyaan ciidamada Maxaakiimta Muqdisho.

 

Dhinaca kale waxaa deegaanka Moode Moodey soo gaaraya Askar kasoo baxsaday dhinaca Maxaakiimta, kuwaasi oo u badan dhalinyaro sheegay in dagaalka lagu soo khasbay.

 

Qaar kamid ah dhalinyaradan ayaa sheegay in laga soo kaxeeyey qaar kamid ah masaajidada Magaalada Muqdisho isla markaana ay qaarkood sheegeen in aysan raali ka ahayn dagaalka.

 

Maxaakiimta Islaamiga ee Muqdisho ayaa shalay ku dhawaaqay in la joojiyo waxbarashadii ka socotay iskuulada magaalada Muqdisho, dibna loo dhigo imtixaanada iskuulada si markaasi ardayda ay qeyb uga noqdaan dadka la rabo in ay u dagaalamaan Maxaakiimta.

 

Aweys Xasan Macallin oo kamid ah dhalinyarada isu soo dhiibay dhinaca Dowlada ayaa sheegay in laga soo qafaashay masaajidka Salaama ee magaalada Muqdisho.

 

Halka Da'ud Cabdulaahi Axmed oo 19 jir ah sheegay inuu dagaalka usoo galay maadaama uu rabay inuu jihaado.

 

Dagaalka ayaa hada u muuqda in dhinaca jidka u dhaxeeya Baydhabo iyo Buur Hakaba ay saaka degen tahay.

 

Walow dhinaca Iidaale uu ka socdo dhaq dhaqaaq xoogleh.

 

Saraakiisha Dowlada ayaa xaqiijnaya in dhinaca Diinsoor ee iidaale ay ka dagaalamayaan dagaalyahano ajaanib ah kuwaasi oo ay sheegeen in ay soo bandhigi doonaan dhawaan.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

IIDAALE: Dagaal u dhexeeya Dowladda iyo Maxkamadaha oo ka socda xilligaan Deegaanka Iidaale

 

Posted to the Web Dec 22, 12:41

 

 

Iidaale (PP) - Wararka naga soo gaaraya Deegaannada ay dagaalladu ka socdaan ee Iidaale iyo Diinsoor ayaa waxay sheegayaan in dagaallo xoog badan ay halkaas ka socdaan xilligaan.

 

Dagaalka haatan ka socda Deegaanka Iidaale iyo Diinsoor dhexdooda ayaa waxay ka kulul yihiin kuwii hore, iyadoo wararka ka imaanaya deegaannadaas ay daboolka ka qaadayaan in madaafiicda ay tahay kuwo si weyn ay u adeegsanayaan labada dhinacba.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalka uu yahay mid aad u xoog badan, isla markaana aan la saadaalin Karin khasaaraha halkaas ka dhacay, waxaana wararku ay sheegayaan inaysan jirin cid sheegi karta khasaaraha inta uu le'eg yahay.

 

Madaafiicda ay labada dhinac is dhaaf-dhaafsanayaan ayaa waxaa la sheegayaa in laga maqlayo goobaha ay dagaallada ku dhow yihiin iyadoo dadka goobahaas ku nool intoodii harayna ay ka cararayaan guryahooda iyo beerahooda.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaallada u dhexeeya Maxkamadaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaad kala socon kartaa Aqriste www.puntlandpost.comhaddii EEBBE ogolaado.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadisho

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiil ka tirsan qaramada midoobay oo sheegtay in khasaare dagaal uu soo gaaray maxkamadaha kadib markii....

 

Jimce, December 22, 2006

 

 

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo dagaal maalintii afaraad kula jirta maxkamadaha Muqdisho ayaa sheeganaysa guulo xooggan oo ay kasoo hoyiyeen dagaalladii ka dhacay deegaannada furinta ah ee Diinsoor iyo Iidaale.

 

Dhinaca kale war kasoo yeeray saraakiil ka tirsan qaramada midoobay ayaa sheegay in khasaare baaxad leh uu gaaray maxkamadaha Muqdisho , kadib markii ay soo dagaal galiyeen dad aad u dhallinyar oo aan hub fiican wadan.

 

Saraakiisha u hadashay qaramada midoobay waxay sheegtay in dawladdu ay u durkeen safafka hore ee dagaalka , kadib markii awood lagu durjiyay maxkamadaha.

 

Qodob wareedkan oo aan kasoo xigannay websitka www.theday.com ayaa sheegaya in sargaal ka tirsan qaramada midoobay uu uxaqiijiyay in maxkamaduhu ay dib u gurteen, waxaana la sheegay in maxkamadaha ciidamadooda ay ku yaaceen safafka hore ee dagaalka, taasna keentay in hal hal loo toogto.

 

Saraakiishan oo aan magacooda lasoo xigan ayaa sheegay in maxkamadahu isticmaalayaan qaabab dagaal oo aad u hooseeya.

Wararka kusaabsan dagaallada ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dawladdu ay horay ugu dhaqaaqeen xudduudaha gobollada Baay iyo Shabeellada hoose.

 

Khasaaraha dagaallada maanta dhacay ayaa lagu soo waramayaa inuu aad uga badan yahay kuwa ay gaysteen dagaalladii hore.

 

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in dagaallada maanta dhacay ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee gacanta la iskula tago , halka dagaalladii ka horeeyay la adeegsanayay madaafiicda goobta .

 

Xasan Daahir Uways oo madax u ah maxkamadahana wuxuu ka dhawaajiyay in iskuullada ku yaalla caasimadda irdaha loo laabo si ardaydu ay dagaallada uga qayb qaataan.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Maxkamadaha oo sheegay in Barri dagaal aan la arag ay qaadayaan .

 

Jimce, December 22, 2006

 

Muqdisho(AllPuntland)- Maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalladii labadii maalmood ee ugu danbeeyay dhacayay inaysan ahayn dagaallo waawayn, hase ahaatee kuwo aan horay loo arag maalinta bari ah inay bilaabi doonaan.

 

" Ciidamadeennu wali weerar ma qaadin , laga bilaabo bari weerarku waa bilaaban doonaa " waxaa sidaasi yiri ku xigeenka afhayeenka maxkamadaha Sheekh Ibraahim Shugri.

 

Maxkamaduhu waxay sheegeen inay qaadayaan dagaal aan joogsan doonin , cawaaqib xumadiisana ay arkaan ciidanka dalka Itoobiya.

 

Sheekh Xasan Daahir Uways oo maxkamadaha madax u ah wuxuu sheegay inay qabteen maxaabiis aan tiradooda la qiyaasi karaynin , saxaafaddana ay usoo bandhigi doonaan.

 

Sheekh Maxamuud oo asaguna kamid ah maxkamadaha ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidanka Itoobiya ay isu soo dhiibayaan ciidanka maxkamadaha , ayaguna ay qorshaynayaan sidii ay dalkooda si nabad ah ugu celin lahaayeen.

 

Maxkamadaha Muqdisho waxay sheegeen inaysan dagaalkaba ka galin ciidankooda marka la eego 10% in kabadan, maalinta bari ah iyo wixii ka danbeeyana waxay ballan qaaden dagaal xooggan.

 

Xiisadda deegaananda dagaalladu ka dhacayeen maalmihii ina dhaafay ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dagaalladu saamayn ku yeesheen shacab fara badan.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

New York:Qaramada Midowbay Oo Sheegtay in Maxkamadaha lugu janshey Dagaalada ka socda Bay.

 

New York(Carmooyin)-Xukuumada Soomaaliya oo Maalintii Afraad dagaal ay soo qaadeen maxkamadaha Muqdisho kula jira ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaasi ka gareen Guulo waa weyn sida noo sheegeen qaar ka mid ah Saraakiisha Madaxtooyada.

 

Dhinaca kale war kasoo yeeray saraakiil ka tirsan qaramada midoobay ayaa sheegay in khasaare baaxad leh uu gaaray maxkamadaha Muqdisho , kadib markii ay soo dagaal galiyeen dad aad u dhallinyar oo aan hub fiican wadan.

 

Saraakiisha u hadashay qaramada midoobay waxay sheegtay in dawladdu ay u durkeen safafka hore ee dagaalka , kadib markii awood lagu durjiyay maxkamadaha.

 

Qodob wareedkan oo aan kasoo xigannay websitka www.theday.com ayaa sheegaya in sargaal ka tirsan qaramada midoobay uu uxaqiijiyay in maxkamaduhu ay dib u gurteen, waxaana la sheegay in maxkamadaha ciidamadooda ay ku yaaceen safafka hore ee dagaalka, taasna keentay in hal hal loo toogto.

 

Saraakiishan oo aan magacooda lasoo xigan ayaa sheegay in maxkamadahu isticmaalayaan qaabab dagaal oo aad u hooseeya.

Wararka kusaabsan dagaallada ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dawladdu ay horay ugu dhaqaaqeen xudduudaha gobollada Baay iyo Shabeellada hoose.

 

Khasaaraha dagaallada maanta dhacay ayaa lagu soo waramayaa inuu aad uga badan yahay kuwa ay gaysteen dagaalladii hore.

 

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in dagaallada maanta dhacay ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee gacanta la iskula tago , halka dagaalladii ka horeeyay la adeegsanayay madaafiicda goobta .

 

Ninka Madax u ah maxkamadaha ayaa wuxuu Albaabada uxiray dhamaan Goobahii Iskuulada isagoo ku sheegay in ay ardaydu Joojiyaan guud ahaan Waxbarashada.

 

Faarax C/qaadir Max'ed

 

Carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga Sheegta iyo kuwa Dowlada Federaalka oo dagaalo aad u weyn ku dhex marayo Idaale iyo Diinsoor inta u dhaxaysa

 

Dagaal aad loogu hoobtay ayaa wuxuu ka soconayaa inta u dhaxaysa Idaale iyo Diinsoor, Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Md. Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in buur ku taala deegaanka Safar Noolees oo u dhaw degmada Diinsoor ay ku hareeraysan yihiin Ciidamada Dowlada isagoo intaa raaciyey in halkaasi aysan gali Karin wax gurmad ah.

 

Mr. Jeelle ayaa intaa ku daray in halkaasi ay kasoo qabteen Maxaabiis u badan Arday taasoo uu ku sheegay inuu aad uga xun yahay in lasoo marin habaabiyey oo lagu soo siray isagoo sheegay inuu u tacsiyeynayo waalidiintii caruurtaasi laga soo qafaashay isla markaana dagaalada ku dhintay.

 

Dagaalada ka dhacaya deegaanadaasi si aan wax uga ogaano ayaan qadka Teloofoonka kula xiriiray haweeney joogta magaalada Diinsoor waxayna ii sheegtay in cisbitaalada la keenayo dhaawacyo tiro badan, isla markaana ay aragtay sedex qofood oo meyd ah oo la duugay.

 

Dhanka kale Ciidamada dowlada federaalka ayaa iyaguna cisbitaalka lagu daweynayaa qaar iyadoo ay jirto dhimasho balse aan la cadeyn inta ay yihiin, goobaha dagaalka ayaanan wax war ah laga hayn waxaana wali dagaalka ka soconayaa oo la isu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala gadisan.

 

Dagaaladan ayaa dhici karta inuusan istaagin sababo badan oo kasoo baxaysa saansaanta dagaal taasoo dadka aqoonta u leh dagaalada ay sheegayaan inay dhici karto inuu balaarto oo ay dhici karto inuu dagaalada ka dhaco meelo kale oo hada nabdoon.

 

Deegaanka Buurhakaba ayaa xasiloon inkastoo dadka reer guuraaga ay kuu sheegayaan inay mar mar dhacayaan xabado goos goos ah.

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali govt claims victory

 

Mogadishu - Somalia's transitional government claimed on Wednesday that its Ethiopian-backed armed forces had inflicted heavy losses on Islamic fighters in an upsurge in a conflict threatening to embroil the entire region.

 

Rival forces pounded each other with heavy shells and rockets near the seat of government in Baidoa, about 250km northwest of the capital, Mogadishu, and hundreds of terrified civilians fled the battlezone.

 

The information ministry in Baidoa said: "The onslaught of the Islamic Courts Union and their terrorist allies has been defeated", adding that "hundreds" of Islamic fighters had been killed.

 

The clashes began overnight on Tuesday after Islamist forces attacked government training camps in Daynunay and Manas, each within 30km of Baidoa.

 

Hundreds of civilians flee

 

The ministry said: "The ICU sustained hundreds of their combatants dead while other hundreds are wounded." Earlier, Islamic commander Sheikh Mohamed Ibrahim Bilal said the fighting "could result in heavy casualties".

 

Residents said hundreds of civilians fled the battlezones in southern Somalia, where nearly a million people had already been affected by heavy flooding.

 

Muhidin Ali Mursal, a resident of a village near Idale, said: "People have already started fleeing from the area and there are a lot of armed forces from both sides."

 

The fighting came a day after the expiry of an Islamist ultimatum for Ethiopian forces backing the weak government to withdraw.

 

The statement made no mention of Ethiopian troops despite witness accounts of them participating in the fighting that erupted midnight on Tuesday, two hours after the expiry of the Islamist ultimatum.

 

It added that the two military outposts had come under sustained mortar fire on the outskirts of Baidoa.

 

Mediated peace talks collapsed

 

The fighting took place on the day European commissioner Louis Michel held talks with President Abdullahi Yusuf and Islamists chief Sheikh Hassan Dahir Aweys.

 

Olol.News

Diiriye Ali

Minneapolis MN

Share this post


Link to post
Share on other sites

The clan courts web-portals have played down the significance of the latest clashes..

Here is the latest from Shabbele radio, Mogadishu.

 

aalo la isku habeensaday oo wali ka soconaya gobolka Baay

 

Baydhabo 22, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Dagaal qaraar oo la isku habeensaday ayaa wali ka soconaya deegaanka Idaale ee gobolka Baay iyadoo uu sii kululaaday dagaalkaasi, ka dib markii ciidamada Ethiopia oo difaacaya dowladda iyo kuwa maxkamadaha islaamka ay si toos ah isaga hor yimaadeen dagaalo maalintii afaraad socda.

 

Dagaaladaan ayaa wararka naga soo gaaraya deegaanka iidaale ee gobolka Bay ay tilmaamayaan in uu dagaalku weli socdo oo la isku habeensaday dagaalkuna uu sii qaraaraanayo marba marka ka dambeysa.

 

Dagaalkaan oo qarxay barqo nimadii maanta ayaa sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya halkaasi waxaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo ay adag tahay in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka oo si kulul u socda aawadiisa.

 

Dagaalkaan oo maalintii 4aad galay ayaanu jirin cid isku howshay in ay dhex gasho, iyadoo dagaalka uu u muuqdo mid faraha ka sii baxaya oo ciidamada dowladda Ethiopia ay si toos ah ugu soo lug yeesheen, iyadoo ku dhowaad 50 gawaari isugu jirta taankiyo iyo waliba baabuurta uralka ah oo ay wataan ciidamada Ethiopia ay ku soo biireen dagaalka, kuwaasi oo xalay soo gaaray magaalada Baydhabo sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan magaalada Baydhabo.

 

Sheekh ibraahim shukri oo goordhow aan xiriir la sameynay ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay maxkamadaha ay kaga geeriyoodeen ilaa 2 askari aynna kaga dhaawacmeen tiro kale, isagoo sheegay in wali maxkamadaha islaamka ay joogaan meel 5 KM dhanka Baydhabo ka jirta deegaanka idaale.

 

Dhinaca dowladda Somalia, xiriir aanu la sameynay ayaa waxa ay inoo suurto galin in aynu helno Mas'uuliyiinta dowladda Somalia.

 

Wararka kale ee laga helay degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay tilmaamayaan in ciidamo fara badan oo wata taangiyo oo Ethiopian ah ay ka soo gudbeen gobolka Gedo, kuwaasi oo qaarkood soo gaaray magaalada Baydhabo una ruuqaansaday goobaha dagaalka..

 

Dhinaca deegaanka Daynuunaay iyo Moode Moode ayaa dagan, inkastoo mararka qaar la isku ridayo madaafiic, laakiin dagaalka ugu xoogan waxa uu ka soconayaa deegaanka idaale ee gobolka Baay.

 

Wariyeyaal ka tirsan Shabelle ayaa u baqoolay dhanka Diinsoor, kuwaasi oo u gudbi doona dhanka idaale, kana soo qaadi doona sawiro.

 

Waxii ku soo kordha kala soco wararkeena dame

 

Shabelle Media Network Baay

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal kharaar oo dib uga soo cusboonaaday aagagga Buur-Hakaba iyo Diinsoor oo saacad ka hor qarxay

 

Baydhabo 22-12-06

 

Dagaal aad u kharaar ayaa hadda dib uga biloowday agaggii shalay ay ku hardameen xoogagga Dawladda FKS iyo kuwa Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho,ayadoo maydkii shalay weli horan yihiin aagaggaas.

 

 

Wararka naga soo gaaraya xarunta dawladda FKS ee Baydhabo ayaa noo xaqiijiyey in hadda uu ka socdo dagaal aad u kharaar oo la isku adeeg sanayo hub nooc-yadiisa culus,agagaarka Buur-Hakaba,ayadoo maydkii dagaalkii hore ee shalay uu waran yahay dhammaan aagaas.

 

Sidoo kale waxaan helay in dagaal kale ka biloowday aagga Diinsoor inkastoo uu ka khafiifsan yahay kan Buur-Hakaba,sidoo kale dhaqdhaqaaq cusub ee abaabul dagaal ayaa ka socda degeenada Bandiiradleey, Caabud-Waaq iyo Hiiraan,ayadoo kulankii deg-degga ahaa ee saaka ay galeen golaha wasiiradda ee DFKS si ballaaran uga munaaqishoodeen difaaca guud ee dalka.

 

 

 

 

Weli ma hayno xaqiiqda khasaaraha dagaalada shalay iyo maanta ayadoo labada dhanba sheeganayaan guulo milatari,hase ahaatee waxaad moodaa in ciidamada Maxkamadaha Muqdisho ee aaga Buur-Hakaba ay jug culs ku dhacday,sida ay noo xaqiijiyeen dad ka madax bannaan labada dhanba.

 

Siidoow Ali

Olol News

Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waraa Duke....With the powerful "national army" and its Ethio 'allies" on your side I thought the TFG would have defeated the courts by now. The goverment didn't gain an inch of land. This is turning into Hizbullah/Isreal thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Idaale: Xerada Manaas oo si buuxda gacanta ugu gashay xoogaga midowga maxaakiimta, kadib markii loo awood sheegtay ciidamadii Ethiopianka!!!

Wararka degdeg ah Godeynews kusoo gaaraya khadka thuraya ee jiida hore ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maxaakiimta ay galabta gacanta kudhigeen dhamaanba xerada Manaas iyo deegaanada kuhareeraysan oo kasaareen ciidamada Ethiopianka ay afarta cisho kula dagaalamayay aagga Iidaalle.

 

Faahfaahinta dagaalka ayaa waxaa lagu sheegayaa in ciidamada maxaakiimta cutubyo kamid ah ay dhabir jabin culus kusameeyeen oo gacanta kudhigeen xerada Manaas iyo dhamaanba waxii Gawaari dagaal, hub iyo saanad ahaa ee halkaas u yiilay ciidamada Ethiopianka.

 

Gawaarida laga qaniimaystay Ethiopianka ayaan tiro lahayn, inkastoo lagu soo waramayo inay kor udhaafayaan 35 gawaaraida dagaalka sida Kaaraha, Beebega iyo kuwa jiida madaafiicda goobta.

 

Xooggaga maxaakiimta ayaa noo xaqiijiyay inay wali sii baacsanayaan firxadka ciidamada Ethiopianka ee u baxsaday dhinaca Baydhabo, isla markaasna aysan jirin wax xero dhufays ah oo ay Ethiopianka iskaga kaana caabin karaan inta udhexeesa Manaas oo aan joogno iyo magaalada Baydhabo oo aan kusii siqayno.

 

Waxii warar dheeraad ah dib ayaan idinka soo sheegi doonaa Inshaallah.

 

Godeynews.com

Goobta hore dagaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Ciidamada Dowlada oo kusii siqaya magaalada Buur Hakaba iyo askar kasoo baxsaday Maxaakiimta

Dowladdee? You mean Dowladda Itoobiya? Alla Soomaalidii qaar waa waasheen...maa la iska dhaafo hadalladaan laga shallayn doono oo islaannimo iyo wadddaniyad dhab ah lala yimaado marka Amxaaradda meydkoodu meelaha waran yahay dowlad lagu sheegayo?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this