Sign in to follow this  
nuune

ICU captured 16 technicals with their millitias from Barre

Recommended Posts

nuune   

ICU said they will bring those 16 technicals to Kismaayo so the press can witness and take pictures, not good news for Barre and his Online Kaaba-laadaryaal.

 

 

anyway, read it here

 

Barre Hiiraale oo fara cijiyo leh ku badbaaday iyo 16 Gaari oo kuwa dagaalka ah iyo Gaarigiisa khaaska ah oo gacanta lagu dhigay.

 

22-October-06 ( Qaadisiya.com) Warar xog ogaal ah oo shabakada islaamiga ee Qaadisiya ay ka soo xigatay saraakiisha ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ee ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa xaqiijinaya in ciidamada maxkamadaha islaamiga ee ku sugan degmada Bu'aale ay qabsadeen 16 gaari oo kuwa dagaalka ah iyo gaari khaas ah oo uu lahaa Col. Barre Hiiraale oo maalmihii ugu danbeeyay waday abaabul dagaal oo kadhan ah maamulka islaamiga gobollada Jubooyinka.

 

Maleeshiyaadka Barre Hiiraale ayaa maalmihii laga soo gudbay waxa ay abaabul dagaal ka wade qeybo ka mid ah gobolka Gedo,waxa ayna qal qal weyn geliyeen amniga qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada gobolka Jubbada dhexe.

 

Wararkan oo ah kuwa hordhac ah ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada maxkamadaha islaamiga ay weerar ku qaadeen goob maleeshiyaadka Barre Hiiraale ay ku sugnaayaeen oo ku taallay duleedka magaalada Bu'aale.

 

Saraakiisha ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa sheegay in gaadiidka dagaalka ee gacanta lagu dhigay la geyn doono magaalada Kisamayo oo loogu soo bandhigi doono saxaafada si ay indhahooda ugu arkaan.

 

Lama garanayo halka uu qabtay Barre Hiiraale,ilaa iyo iminka ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka jabka lixaadka leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii Barre Hiiraale ee duulaanka ku ahaa gobollada Jubooyinka.

 

Wixii warar ah oo ku soo kordha arrinkan waxaan u ballan qaadeynaa akhristayaasheena in aanu u soo gudbin doono isla markaana ay na soo gaaraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Fartaag oo gacanta u galay ciidanka maxkamadaha.

 

Published: 22 October, 2006 14:15

Dagaalkii degmada Bu’aale ku dhex marayey ciidamada maxaakiimta iyo kuwa Barre Hiiraale ayaa iminka noqday mid qaraar oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan dhamaan hubka ay heystaan.

 

 

 

Wararka ka imanaya degmada Bu’aale ayaa xaqiijinaya in labada dhinac uu soo gaarayo gurmad joogta ah oo ka kala imanaya magaalada Kismaayo iyo degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

 

 

 

Sarkaal qariyey magaciisa oo u hadlay ciidamada maxaakiimta islaamiga ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay la galeen ciidamada Barre Hiiraale ay kaga qabsadeen 18 gaari oo kuwa dagaalka ah waxaana uu sheegay in dagaalkii maanta ay guulo wax ku ool ah kasoo hoyeen.

 

 

 

Waxa uu sheegay sarkaalkan in gawaarida ay maanta qabsadeen inuu ka mid ahaa gaarigii gaar ahaa ee wasiirka gaashaandhiga dawlada federaalka Barre Hiiraale.

 

 

 

Sarkaalkan waxa uu sheegay in dhankooda uusan soo gaarin khasaare sidaa u buuran oo la shaacin karo waxa uuna tilmaamay in ciidamada maxaakiimta ay ku guuleysteen in waabiyaan ciidamadii maanta kusoo duulay degmada Bu’aale.

 

 

 

Dhinaca kale sarkaalkan ayaa tilmaamay ciidankooda ay gacanta ku dhigeen C/laahi Sh Ismaaciil Fartaag oo ah sarkaalkii hogaaminayey ciidamada Barre Hiiraale waxa uuna intaasi ku daray in ciidankooda ay joogaan degmada Saakow.

 

 

 

Sheegashada sarkaalkan maxaakiimta ka tirsan ma jirto cid kale oo madax banaan oo xaqiijisay in dagaalkii maanta ciidamada Bare Hiiraale lagaga qabsaday gawaari gaareysa 12 gaari ,balse wararka halkaasi naga soo gaaraya ayaa xaqiijinaya in dagaalkii maanta labada dhinac dhex maray uu geystay khasaare xoogan oo labada dhinac ee dagaalamaysa gaaray.

 

 

 

Jibriil Nuur Alghamidi

Xafiiska MarkaCadey

 

Muqidisho - Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ lool ani maa been sheegaayo, news sourceka aan keenay dheh waa beenaalayaal, laakin aniga ..........., ciid wanaagsan sxb

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this