Sign in to follow this  
ANWAR

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay dib u furtay Bankigii dhexe, laguna xareyn doon

Recommended Posts

ANWAR   

Sabti, 16 January 2010(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u furtay Bankigii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay ku shuban doonto lacagaha kasoo gala gudaha dalka iyo kuwa deeqaha ah ee ay beesha caalamka ugu deeqdo, ayna ka kaaftoontay isticmaalka xawaaladaha.

 

Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho gallinkii dambe ee shalay ayaa sheegay in dowladdu ay furtay Bankiga dhexe, ayna ganacsatada kusoo dhaweynayso inay lacagaha dhigtaan. "Dhaqaalaha dowladda loogu deeqo waxay horay u soo mari jireen dalal kala duwan sida Jabuuti iyo Kenya, balse maanta wixii ka dambeeya waxay si toos ah ugu soo dhacayaan Bankiga dhexe" ayuu yiri Prof. Ibbi.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in beesha calaamka ay ku wargeliyaan inay lacagaha deeqda ah ugu soo hagaajiyaan Dowladda Bankiga dhexe, isagoo sheegay in tani ay qayb ka qaadanayso inaan si khaldan loo istimcaalin lacagaha dowladda soo gala.

 

"Xukuumaddu waxay horay lacagaha u dhigan jirtay Shirkadaha xawaaladaha sida Dahabshiil iyo Qaran, balse waa laga kaaftoomay maanta, maadaama la furay Bankiga dhexe ee dalka" ayuu yiri ra'iisul wasaare ku xigeenka oo sheegay in Bankigu soo dhaweynayo cid walba oo lacag dhiganaysa ama si kale u adeegsanaysa.

 

Bankiga dhexe Soomaaliya ayaa xirmay sannadkii 1991 markaasoo ay dhacday dowladdii dhexe ee Milateriga ahayd, isagoo aan shaqeyn muddo ku dhow 20-sano oo ay dalka ka jireen dagaallo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this