Sign in to follow this  
General Duke

Djibouti changes sides, isolates Eritrea , a step in the right direction

Recommended Posts

JABUTI WANKII WARABAHA WEHESHAY

 

Dagaalkii dhexmaray Dowladaha Jabuti iyo Eretereya ayaa wajiyo badan laga bixiyay, iyadoo dad badani mucjiso ku noqotay qorshaha iyo danaha Dowlada Eretereya u weerartay Jabuuti.

 

Hadaba marka falanqeyn ugu laabano ujeedada dhabta ah ee la oran karo waa soo dadajisay dagaalkan ayaa waxa lagu soo koobaa dhawr arimood oo xaga israatijiyada u badan iyo dagaalka ay kula jirto dowlada Ethiopia, oo garabka ay ka rabtay dowlada Eretereya tan Jabuuti markii ay ka weyday isku dayday in ay u cagajugleyso.

Cagajuglayntaasi waatan keentay in sida ilo hoose ka warbixiyeen tan iyo markii xaalka geeska Afrika ay kusoo biirtay DFKG ah, oo garabsatay ciidamada Ethiopia, ay Dowlada Eretereya rajeynaysay in Jabuti ay isku aragti ka yihiin arintan, taasoo sida lawada xasuusto ayba jidhay inshirarkii Igad ee looga hadli jirat arinta DFKG ah iyo Maxkamadaha, ay isku garab noqon jireen wadamada Eretereya, Jabuti iyo Sudan, lana oran jiray Igad sadex iyo sadex ayay u kalajabtay.

 

Dhacdadaas tii xigtay ayaa aheyd in Ciidamadii Dowlada Ethiopia oo taageerahayay kuwa DFKG ah, ay jabiyaan kuwii maxkamadaha, iyadoo sidoo kale Dowlada Mareykanka iyo kuwo kalena ay ku saacidahayeen dagaalkaas Ethiopianka iyo DFKG ah, wixii markaas ka danbeeyayna waxa bilowday dib u gurashada wadamada Suudaan iyo Jabuuti, taasoo ay noqotay in arintii ay ku kaliyoowdo Eretereya, sidoo kalena ay jabuuti istaagtay meel labalabcayn ah, iyadoo hadii ay arintii Eretereya uga siibatay aan dhinaca kalena cadeyn mowqifkeeda rasmiga ah.

Labalabceyntii Jabuuti ayaa hadaba u cuntami weyday Eretereya, arintaas oo keentay in Esayas Afewerki uu isku dayo in handadaad iyo cabsi galin ku abuuro Jabuuti, oo uu ogyahay in daqaro culus u geysan karo hadii aysan u jilba dhigan, tan iyo maalintaas Jabuuti afka tooska ah lagula hadlay, taasoo u dhigantay hadalkii G.Bush, ku yiri dunida inteeda kale maalmihii ka danbeeyay 11/09/2001, “Every nation, in every region, now has a decision to make. Either you are with us, or you are with the terrorists”, ayaa xaalka Jabuuti ku soo ururray labo daran mid dooro, iyadoo u soo janjeersatay dhinacii ay awal xajiinta iyo didmada ka qabtay, isna tustay in ayan qarsan handadaadaha iyo cagajuglaynta tirada badan ee kaga imaanahaya Esayas Afewerki, ayay fagaaraha caalamka dhex oraday iyadoo kor iyo hoos u leh ku saxiixan

Share this post


Link to post
Share on other sites

“War ninkan waalan maxaa nala kasiiyaa”, waxse beesha caalamka lagu yaqaan ayaa jiray, oo ah in ayan ka hadlin dhiilo ilaa xero iyo fandhaali kala dhacaan, cabashadii Jabuutina dhag jalaq looma siin, taasoo dhiirigalin u noqotay Eretereya iyadoo dharaar cad caga lasoo gashay ciidii Jabuuti, saldhigatay, dhufeysyana ka qodatay, tanoo ay rajeynayeen, in oday Geele oo barya ah u soo jilba dhigan doono, balse ma dhicin Jabuutina iyada oo dhexda marada ku xiranaysa ayay isku dayday in ay hor istaagto Eretereya, dhinaca kalena waxa ay dani ku riixday in DFKG ah, oo ay u taqaanay Maqaar saar ay noqoto garabka kaliya ee ay isku hubto, waxa ay dhegta qabatay taleefoonada Madaxweyne Cabdulaahi, sidoo kalena weedheeda gaarsiisay Addis-Ababa, iyada oo iclaaminaysa garabka ay tahay, labaduna si gacmo furan ah ayay kusoo dhaweeyeen, maadaama ayba xarashkii ay u hayeen Hogaanka Casmara meesha uga muuqday, iyagoo leh “Wankii waraabaha raacaad awalba aheyd”.

 

 

Si ay u cadeyso garabka ay tahay ayay Jabuuti ugu durbaan tuntay Isbaheysigii Casmara Jabuuti, iyadoona u balanqaaday saldhig sidoo kalena xodxodasho u gashay sidii ay u hantiyi laheyd xubnaha hogaanka u ah Isbaheysiga, si ay uga faramaroojiso Eretereya, meeshana uga saarto danaha rakhiiska ah ee Esayas Afawerke awalba ku gaar is lahaa Isbaheysiga, iyadoo ku guuleysatay, intii badnayd Isbaheysigiina Jabuuti kusoo urursatay taabagalisayna in jawi isfaham ka dhex abuurto garabyada siyaasada Soomaaliya isku hayay, ayada oo la kaashaneysa beesha caalamka, ilaa lawada saxiixday heshiiskii Jabuuti.

 

 

 

Taasi waxa ay noqotay gool lama filaan ah oo Madaxweynaha Jabuuti uu ka dhaliyay Eretereya, isaga oo aan dabaabaad iyo dayaarado midna ku weerarin, Esayasna ku noqotay falaar uusan fileyn, balse sidii dabcigiisu ahaa Afewerke ayuu hal mar kula soo haliilay Jabuuti buntukhiisii amaanku u furnaa, tanoo dhalisay dagaal socday maalmo, Jabuutina muujisay in ayan caga jugleyn iyo handadaad danbe u dulqaadin doonin, jilibkana u dhigeen weerarka waraabihii beri ay saaxiibka ahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

PUNTLAND:“Cadaawahaagu waa Cadaaweheena”,

 

Docda kalena waxaa carada iyo ciilkoodii muujiyay dad badan oo Soomaaliyeed, iyagoo leh hadii Eretereya ay laheyd dhul Soomaaliyeed ayaan xabashi ka xoreynahayaa, maxaa sababay in ay u hanqal taagto dhul kale oo Soomaaliyeed, maamulada ka jira Soomaaliya ayaa iyaguna u arkay fursad siyaasadeed oo ay ciyaari karaan in halkan ka banaantahay, Somaliland oo ka mid ah maamulada garabsada Ethiopia, ayaa dhaleecayn aan buurnayn u jeedisay Eretereya, halka Puntland oo dagaal dadban kula jirta Eretereyana ay si cad uga booday cayaarta Eretereya iyo Jabuti, iyadoo halhayska luuqdooduna u ekayt “Cadaawahaagu waa Cadaaweheena”, ayay calankii Eretereya holac qabadsiiyeen kuna dul mashxaradeen, deeq xoolaadna xoogagii jabuuti u direen.

 

Malaha Eseyas Afewerk marna isma oran calanka Eretereya ayaa ciida Soomaaliya lagu holcin doonaa, isagoo xasuusanahaya sida uu ugu farxi jiray markii maxaakiimtu gacanta ugu jidhay koonfurta Soomaaliya oo maalin walba taleefishinada caalamka laga daawan jiray iyaga oo gubahaya calanka Ethiopia.

 

 

 

Dhaxalka siyaasada guracan ee Eretereya ayaa ah mid ayadu gacmaha isku jarta, daandaansiga Jabuutina waa talaabo ayan ka fiirsan hogaanka Eseyas Afewerk ee meesha dhow wax ka arka, taasoo ah waxa beesha caalamka go’doonka uga yahay ruuxii raaca ama rafiiq ka dhigtana maalinta danbe in uu cuno isku daya, iyadoo la oran karo garab Isbaheysigii ka mid ah ayaa ka badbaaday dibin daabyadii Eretereya.

 

 

 

Faa’iidada kaliya oo Soomaali amase qolo yar oo meel isku xirtaa ka dhaxli karto dagaalka Jabuuti iyo Eretereya ayaa waxa ay noqonaysaa, in isusoo dhawaansho iyo isdugaalaysi Soomaaliyi dhexmarto, iyagoo midaynaya muruqa iyo maskaxda Soomaali, halka qolooyinka ku doodahaya in Somali qaybiyaan maantana ay ka faa’iidahayaan oo kaliya, in sida Jabuuti ku dhacday manta, cagajuglayn, handadaad iyo baad ay ku noolaan doonaan, ileen ayaga ayaa is dhigay halka lagu jiidahayo, marka ay gooni ugu baxaan waraabayaasha dunidan wareershay.

 

 

 

WQ:Muxyadiin X Ciid

Alcarab1@yahoo.co.uk

 

Maqaalkani ka turjumi mayo shakada wararka Waayaha.net,waxaa iska leh qorraaga

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geele oo ka hadley Eritrea

18 Jun 18, 2008 - 5:43:28 PM

 

Wareysi uu Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, siiyey BBC ayuu ku sheegay inuusan jawaab waafi ah u heyn sababta ay Eritrea usoo weerartay dalkiisa.

 

Mar la waydiiyey in laga yaabo in weerarka Eritrea uu salka ku hayo soo wareegista ay qaar kamid ah xubaha Isbaheysiga Dibu Xoreynta kasoo guureen dalka Eritrea, oo ay saldhig ka yeesheen Djibouti ay sabab u tahay, ayuu sheegay in, inkastoo taasi ay mala'awaal tahay, haddana ay tahay arrin lala yaabo, maadaama ay Djibouti u aragto Somalia dal ay bah yihiin.

 

Heshiiska Djibouti & France

 

Madaxweyne Geelle ayaa xaqiijiyey inuu jiro heshiis xagga difaaca ah oo uu dalkiisu la leeyahay dalka Faransiiska, oo ahaa gumeystihii hore. Wuxuuse intaas ku daray in dalkiisu uu diyaar u yahay in askartiisu ay iyaga u dhintaan difaaca dalkooda.

 

Wuxuu kaloo madaxweyne Geelle soo dhaweeyey hadalkii dalka Mareykanka ee lagu cambaareynayey weerarkii ay Eritrea kusoo qaadday dalka Djibouti. Wuxuuse sheegay inuusan jirin heshiis xagga difaaca ah oo ka dhaxeeya dalkiisa iyo Mareykanka

 

Dhexdhexaadin

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in dadaal dhexdhexaadin ah oo uu waday madaxweynaha Yemen, Cali Cabdalla Saalax, uu ku gacan-seyray madaxweynah Eritrea.

 

Dowladda Djibouti diyaar bay u tahay heshiis noocaas ah, ayuu yir.

 

Heshiiska Soomaalida

 

Mar la waydiiyey waxa uu heshiiskii ay dhawaan kooxaha Soomaalidu kaga duwan yahay heshiisyadii hore, madaxweyne Geelle ayaa sheegay in beesha caalamku ay usoo gurmatay dalka Soomaaliya, uuna jiro dadaal gaar ah oo ay beesha caalamku ku doonayso in lasoo afjaro colaadda daba-dheeraatay ee Soomaaliya.

 

Madaxweyne Geelle ayaa si gaar ah u ammaanay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Axmadou Walad-Cabdalla, iyo Boqortooyada Sucuudiga, oo uu sheegay inay daacad ka yihiin heshiisiinta Soomaalida.

 

Mar uu ka jawaabayey saameynta ay heshiiska ku yeelan karto kala jabka Isbaheysiga, ayuu madaxweyne Geelle sheegay in lala shaqeynayo ciddii nabadda dooneysa oo kaliya.

 

Wareysigan oo dheer, ayaa tabanaya dhinacyo kale oo fara badan. Dhgeyso

 

Xigasho/BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Boqor) ayaa sheegay in iskaashi cusub oo dhanka Ganacsiga ah oo kala saxiixdeen maamul Goboleedka Puntland iyo Dawlada Jabuuti.

Khamiis Jun 19 2008

 

Somalia- Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Boqor) oo maalintii shaley ahaeed dalka dib ugu soo laabtey ka dib socdaal dhawar maalmood ah ayaa sheegay in iskaashi cusub oo dhanka Ganacsiga ah oo kala saxiixdeen maamul Goboleedka Puntland iyo Dawlada Jabuuti.

Madaxweyne Cade Muuse wuxuu intaasi ku darey in boqoshadii u kutagay dalkaasi Jabuuti u ah mid ahmid balaaran u leh Dadyoowga reer Puntland una rajeynayo inuu noqdo mid kaba dhaqaalah Puntland cadde Muse ayaa sidoo kale xusey in iskaashiyadaasi ganacsi ay si weyn uga faa’ideysan doonaan dadweynaha Puntland iyo kuwa Jabuuti.

 

Dhinac kale Cade Muse wuxuu guul ku tilmaamay kulan kii ay yeeshen ganacsatada dalka Jabuuti, uu ahaa mid is afgarad iyo niyad sami ku dhamaday.

 

 

 

 

Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan

 

Allidamaale@hotmail.com

 

 

Xaafiiska Waraqabadka Somalia

 

Allidamaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't think isolating some group would change anything to the situation on the ground. Your uncle will still be hiding under that Ethio tank when he leaves the heavily Ethiopian fortified Villa Somalia. Nor will the Ethiopians be relaxing in their baracks either any less.

 

The Sheikh Sherif group do not call the shots on the ground.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Does it matter what an ill informed secessionists thinks. You do not know anything about politics and the implications of these latest moves. With Djibouti on side, the TFG has gained a new friend, and isolated the bombers and their pay master Afewarki.

The secessionists have not even been recognized by Djibouti, while Abdullahi an old rival was accorded the red carpet treatment.

 

Cayrow: Its boring I know no killing of southern children, and bombings of Mogadishu and capture of southern villages by the Mujahi’s led by your kinsmen from Burco. How boring indeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^as always, good example of junior high school level .

 

Its been almost 4 years since Col. Yey was selected from the list of who-is-who of the crimininals and warlords of Somalia in the Pigfarms of Kenya. It is funny to look back and think now that the very first words that came out of this old dying warlord were none other than his desperation in having foreign troops to protect him from the people he supposedly precided over.

 

Now dukey, what the people want is simple, freedom from foreign occupation and freedom from warlordism. Two things that you and your uncle can't live without.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

The secessionists have not even been recognized by Djibouti, while Abdullahi an old rival was accorded the red carpet treatment.

 

How come A/Yusuf never came to Hargeysa yet? I'm pretty sure he will get the red carpet treatment as well when he comes here.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Duke

 

That uncle of yours was "selected" not for red carpets and photo galleries. It seems you are enamoured by those things of late. Ma wax kale ood ku amaantaad wayday!

 

Yours is reminiscent of the fool, stingy, cruel, worthless man who died and after people came back from his funeral, in line with the tradition of the land; it was necessary for someone to praise him.

 

A realtive who was at loss to pick any thing the man could be credited for, chanted "Alla!Tolaay, waligay kolkuu dhagaxa tuurayo nin ka tuuryo dheeraa majirin!!"

 

Wax aad ku amaanto odaygan useless ka ah ayaad wayday!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AfricaOwn:

quote:Originally posted by General Duke:

The secessionists have not even been recognized by Djibouti, while Abdullahi an old rival was accorded the red carpet treatment.

 

How come A/Yusuf never came to Hargeysa yet? I'm pretty sure he will get the red carpet treatment as well when he comes here.
You are making it too hard there sxb. He can't even go to Kismaio or Beledwein or Jowhar or even anywhere outside the Ethio's army control in Mogadishu itself - which is basically most of the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Originally posted by Abtigiis & Tolka:

Duke

 

That uncle of yours was "selected"
NOT
for red carpets and photo galleries. It seems you are enamoured by those things of late. Ma wax kale ood ku amaantaad wayday!

 

Yours is reminiscent of the fool, stingy, cruel, worthless man who died and after people came back from his funeral, in line with the tradition of the land; it was necessary for someone to praise him.

 

A realtive who was at loss to pick any thing the man could be credited for, chanted
"Alla!Tolaay, waligay kolkuu dhagaxa tuurayo nin ka tuuryo dheeraa majirin!!"

 

Wax aad ku amaanto odaygan useless ka ah ayaad wayday!!!

Qadow!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this