Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

Unearthing Ethiopia's Secret to Invade Somalia with the TFG as Instrument

Recommended Posts

This info. was obtained from the enemy by high level intellegence services of the Islamic Courts who had infiltrated them. But it seems we can defeat them once and for all, insha-Allah, as they utilize the so-called traitors of the TFG.

 

------------------------------------

 

Dowladda Federaalka, Isbaheysigii Sheydaan ee Burburay oo kaashanaya Dowladda Itoobiya oo Qorsheeyay weerar dhinacyo badan ah oo Soomaaliya lagu soo qaado. (Sir Culus oo Qaadisiya ay heshay.

 

Qaadisiya Exclusive

Muqdisho, 11-October-06 ( Qaadisiya.com) Dowladda Ethiopia oo la wada ogsoonyahay cadaawada gaamurtay oo ay u qabto umadda Soomaaliyeed ayaa had iyo jeer waxa ay faraha kula jirtaa shirqoolo iyo hagardaamo lagu beegsanayo masiirka umadda Soomaaliyeed,xilli shacabka Soomaaliyeed uu bilaabay hurdada in uu ka tooso, danahiisana uu garto.

 

Dowladda uu horboodo Tikreega tirada yar ee gumaysta qowmiyadaha kala duwan ee ku dhaqan dalka Ethiopia ayaa dajiyay shirqoolkii ugu ballaarnaa oo looga golleeyahay in lagu baabi'iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed si mar kale dalka Soomaaliya loogu soo rogo gumeysi cusub.

 

Warar xog ogaal ah oo laga helay ilo fara badan oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in dowladda EThiopia iyo dowladda kmg oo ay wehliyaan Qaar katirsan Isbaheysigii Sheydaanka ee Burburay in ay iska kaashanayaan qorshe ballaaran oo la doonayo in dalkan lagu qabsado,waxaana la diyaariyay qorshe ballaaran oo lagu weerarayo magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla dalka Soomaaliya.

 

Shirqoolkan cusub oo ay wada dejiyeen dowladda Ethiopia iyo dowladda kmg ayaa waxaa lagu damacsan yahay in lagu qabsado dalka Soomaaliya,ayadoo lagu soo qaadayo duulaan saf ballaaran ku socota oo isugu jirta cirka iyo dhulka, loona adeegsanayo cudud milatari oo aad u fara badan.

 

Ciidamo Ethiopian ah oo kor u dhaafaya 15,000 oo askari oo kaashanaya ciidamo taabacsan dowladda kmg ayaa la qorsheynayaa in 15-ka ilaa 20-ka October 2006 in ay weerar saf ballaaran ku socda ay ku soo qaadaan magaalooyin iyo goobo istiraatiiji ah oo ku yaalla dalka, ayadoo ciidamadaasi ay xoojinayaan diyaaradaha dagaalka dowladda Ethiopia oo haatan diyaar ku ah magaalada Godey, waxa ayna kala yihiin goobahaasi la bartilmaameedsanayo sida soo socota:

 

-Magaalo Madaxda Soomaaliya Muqdisho.

 

-Magaalada Baladweyn xarunta gobolka Hiiraan.

 

-Magaalada Jowhar xarunta gobolka Sh/dhexe.

 

-Magaalada Kismaayo xarunta gobolka J/hoose.

 

-Degmada Jilib ee gobolka J/dhexe.

 

-Degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

 

-Degmada Qoryeeley ee gobolka Sh/hoose.

 

-Garoonka diyaaradaha Baladoogle ee degmaa Walaweyn.

 

Waxaa kaloo jirta goobo kale oo ayagana la rumeysan yahay in la bartilmaameedsanayo, waxa ayna kala yihiin: -

 

-Deegaanka Gelinsoor.

 

-Deegaanka Girjir oo ku dhaw Matabaan.

 

-deegaanka Xawaadley oo ka tirsan degmada Balcad.

 

-Deegaanka Lego.

 

-Degmada Kuntuwaarey ee gobolka Sh/hoose.

 

-Deegaanka Salagle ee gobolka J/dhexe.

 

-Deegaanka Hargeeso yareey ee gobolka J/dhexe.

 

Dhamaan deegaanada aan soo sheegnay iyo kuwa kaleba waxa uu cadowga soo jireenka ah ee Umadda Soomaaliyeed oo kaashanaya dad iibsaday diintooda iyo dalkooda la damacsan yahay weeraro lagu hoobto oo lagu doonayo in lagu baabi'iyo masiirka umadda Soomaaliyeed ee Islaamka ah.

 

Dhanka kale umadda Islaamka ah ee Soomaaliyeed ayaa iyagu iminka ku jira Feejignaantii ugu weyneed isla markaana diyaar u ah in ay qaabilaan Cadow waliba oo isku daya in uu dalka xoog kusoo galo si uu waxyeello ugu geysto Diinta iyo Dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^You using the word motivation in the wrong context. You motivate people who are not interested of certain things, but defending yourself from an enemy doesn't need to motivate anyone. In fact, that alone is the highest factor of motivation for survival.

 

The more you use the wrong words, the more we excuss your doqonnimo. So, keep using the wrong words, awoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. Defending who? The people in Afgoyee, Barava, Qoryoole. Oh they are not important right. You are defending the occupiers from another all bigger occupation right?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this