Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Xaajj Warsame oo baaq u diray madaxda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
1000113006-1440x810.jpg

Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa madaxda Puntland ugu baaqay in ay caddeeyaan mowqifka reer Puntland ee midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaliyeed.

Cali Xaaji ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (hore loo oran jiray Twitter) ku yiri “madaxda Puntland waxaa looga fadhiyaa inay maanta caddeeyaan mowqifka reer Puntland oo ah wadajirka ummadda Soomaaliyeed & midnimadda dhuleed ee dalka”.

“Iskuma heli karaan inay Xamar xilka dalka ugu sarreeya u doontaan ama hadda u socdaan, haddana markii laga hadlayo wadajirka & midnimadda dalka ay hoos u hadlaan” ayuu raaciyay.

Cali Xaaji wuxuu sheegay in khilaafka gudaha ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda dhexe uusan sababi karin in laga aamuso duulaanka midnimadda dalka lagu yahay.

“Waxa ka dhexeeya Puntland & dowladda dhexe waa meesheedii, waxaana looga wada hadlayaa gole furan & war cad oo ah dal la wada leeyahay oo loo wada-talinayo, dastuur heshiis lagu yahay & doorashooyin waqtigoodii ku dhaca laakiin marna lama aqbali karo in laga aamuso duulaanka midnimadda dalka lagu yahay” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this