Sign in to follow this  
General Duke

Clan spokesmen we are not with anti TFG groups

Recommended Posts

MUQDISHO: Xubnaha Beelaha ****** oo beeniyay inay xiriir la leeyihiin Maxkamadihii iyo Xildhibaanada Mucaaradka ah ee Asmara ku sugan

Posted to the Web Apr 09, 07:38

 

 

Muqdisho (PP) - Xubnaha Beelaha ****** ee dadaallada xabadjoojinta ah ka wada Muqdisho ayaa waxay sheegeen inaysan wax xiriir ah la lahayn Maxkamadihii Midoobay iyo weliba xubnaha ka goostay dowladda ee ku sugan Asmara.

 

Xubno ka tirsan Odayaasha Beelaha ****** oo ay Puntlandpost xiriir la sameysay ayaa waxay sheegeen inaysan iyagu wax xiriir ah la lahayn labada qaybood ee inta badan ay warbaahintu sheegto inay xiriir la leeyihiin, waxayna carrabka ku dhufteen in kooxahaas iyo iyagu aysan isku fikir ahayn.

 

Waxay dhanka kale, sheegeen in kooxahaas ay u arkaan inay yihiin kuwo isku bahaystay inay ka soo horjeestaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse aysan iyagu fikirkaas oo kale qabin, ayna qabaan in Dowladda la taageero, balse ay gooni ahaan u qabaan in la joojiyo dagaallada ka dhacay Muqdisho laba jeer oo hore.

 

"Waxaan diyaar u nahay inaan joojinno dagaallada ka dhacaya Muqdisho si dadka Reer Muqdisho ay fursad ugu helaan inay guryahooda ku soo laabtaan, balse annagu fikir intaas ka badan ma qabno" ayuu xubintaan ka tirsan beelaha ****** khadka taleefoonka ugu sheegay Shabakadda Wararka ee Puntlandpost.

 

Xubintaan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in ay dhalay kulan ku yeesheen Muqdisho ayna go'aan ku gaareen inay soo saaraan warkaan ay ku beeninayaan inuu jiro xiriir u dhexeeya iyaga iyo Maxkamadihii iyo weliba xildhibaannada mucaaradka ku ah Dowladda ee ku sugan Eritrea.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xubintaan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in ay dhalay kulan ku yeesheen Muqdisho ayna go'aan ku gaareen inay soo saaraan warkaan ay ku beeninayaan inuu jiro xiriir u dhexeeya iyaga iyo Maxkamadihii iyo weliba xildhibaannada mucaaradka ku ah Dowladda ee ku sugan Eritrea.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaasha Beelaha ****** oo iska fogeeyay xiriir ay la leeyihiin Maxkamadaha

 

Click here to find Shabelle news in English

Mogadishu 09, April.07 ( Sh.M.Network) Odayaasha Beelaha ****** ayaa iska fogeeyay in ay wax xiriir ah la leeyihiin Maxkamadihii islaamka Somalia iyo xubnaha dowladda KMG ah ee ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

 

Afhayeenka Guddiga Beelaha ****** Axmed Diiriye Cali oo shabelle u waramay ayaa sheegay in aanu jirin wax xiriir ah oo ay la leeyihiin Maxkamadihii islaamka iyo waliba xildhibaanada iyo wasiirada ku sugdan dalka Eritrea.

 

Waxa uu sheegay in dhinacyadaasi ay wadaan dadaalo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo looga xun yahay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho.

 

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in gacan laga geysto sidii nabad loogu soo dabaali lahaa caasimadda Somalia ,isagoo sheegay in xubnaha ka tirsan dowladda Somalia ee ku sugan dalka Eritrea iyo iyaga ay kala fogyihiin hasa ahaatee dadkaasi ay yihiin kuwo ka xumaaday dhibaatada taagan caasimadda Somalia.

 

Odayaasha waxa ay sheegeen in dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo beel lagu soo qaaday waa sida ay hadalka u dhigeen, waxaana hadalkaan uu ku soo beegmayaa xilli maalmihii la soo dhaafay ay jireen warar sheegaya in xiriiro ay ka dhaxeeyaan Maxkamadaha, xubnaha dowladda ee aaday Eritrea iyo Odayaasha Beesha ******, walow Afhayeenka odayaasha Beesha ****** uu meesha ka saaray arinkaasi.

 

 

Click here to find Shabelle news in English

 

Shabelle Media Network Uganda

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this