Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu religious groups support bringing foreign peace keepers to Somalia

Recommended Posts

Culumaa'udiinka Ahlu Suna oo Maanta Taageeray in ciidamo shisheeye oo hub ka dhigis sameeyo la keeno dalka

October 31, 2004

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Dalladda culimaa'udiinka Ehlu Sunna wal-Jamaaca ayaa maanta hadal ay soo saareen ku sheegey in ay ka soo horjeedaan hadal dhowaan ka soo yeeray qaar ka mid ah culmaa'udiinka Soomaaliyeed, iyaga oo sheegay in ay soo dhoweynayaan in ciidamo shisheeye oo nabad sugid sameeya ay dalka yimaadaan.

 

Culumaa'udiinka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa culimaa'udiinku waxay sheegeen in aanay hobboonayn in ay waddaadadu ka hor tagaan wixii dhibaatada amaan ka saaraya dadka Soomaaliyeed.

 

Culimaa'udiinka Ehlu Sunna Wal Jamaaca waxay sheegeen in ay amaan xumidu gaartey heer dadka lagu diley masaajidda dhexdooda, isla markaan loo baahan yahay in la taageero cid kasta oo amaanka sugeysa.

 

Dalladan ayaa gaashaanka u daruurtay hadal ay horay u jeediyeen qaar ka mid ah culimada oo sheegayey in ay ka soo hor jeedaan in dalka la keeno ciidamo amaanka suga, taas oo ay ku sheegeen mid aan xilkasnimo ku dhisnayd ee laabu kac uun ah.

 

Dallada culimaa'udiink Ehlu Sunnah Waxay intaasi ku dareen in aanay wadaadadaas sheegay in ay ka soo hor jeedaan ciidamada aanay meteli karin culimada Soomaaliyeed.

 

Culimaa'udiinka soo saaray warsaxaafadeedkan ayaa ah qaar si weyn looga yaqaano koonfurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho sida; Shiikh Cismaan Shiikh Xiddig iyo Shiikh Abba.

 

Culimadu waxay sheegeen in ay taageersan yihiin dawladda cusub ee federaalka ah ee Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Maxamed Cali Maxamuud (Madka)

 

Xafiiska Markacadeey ee Muqdisho

 

xafiiskamuqdisho@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Culimada diinta qaarkood oo ku sugan magaalada Muqdisho oo soo dhoweeyey in ciidammo ajnabi ah dalka la keeno si hubka looga dhigo maleeshiyooyinka hubaysan

- Sunday, October 31, 2004 at 18:08

 

Muqdisho(Allpuntland)-War saxaafadeed ay maanta soo saareen culumada diinta ee Ehlu Sunna wal jamaaca ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayay ku soo dhoweeyeen inay taageersan yihiin ciidammo ajnabi ah in la keeno dalka.

 

Culumadaan ayaa waxay sabab uga dhigeen warsaxaafadeedkooda inay ku muujiyaan inaan dalku marna hurayn in hubka laga uruuriyo si loo soo celiyo ammaankii iyo nabadgelyadii ,taasina aysan suurtagal ahayn in Soomaalidu fuliso maadaama 14sano oo dagaallo sokeeye ka socdeen dalka in la waayey cid ka dhigta maleeshiyooyinka hubka .

 

Culumadaan ayaa waxay sheegeen inaysan isku mid ahayn xilligii ay dagaalladu dhexmareen ciidammadii UNOSOM iyo maleeshiyooyinkii Soomaalida ee ku dhaqnaa magaalada Muqdisho sababtoo ah waagaas ma jirin wax dawlad ah oo laga amar qaato oo metesha Soomaaliya ,maantase ciidammo kasta oo la keenaa waxay ka amar qaadanayaan dawladda cusub ayay yiraahdeen.

 

Waxaa iyagu jirey koox culimo Soomaaliyeed oo 7aadkii la soo dhaafay baaq ay ka soo saareen magaalada Muqdisho ku sheegay inay ka soo horjeedaan in dalka la keeno ciidammo shisheeye ,sidaa darteed culimadaan ayaa iyaguna muujinaya bedelkii culimadaas in loo baahan yahay in si ammaanka loo sugo la fuliyo keenitaanka ciidammo ajnebi ah oo maleeshiyooyinka ka aruuriya hubka .

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

AHLU SUNA WAL-JAMEECA OO TAAGEERTAY IN

CIIDAMO SHISHEEYE DALKA LA KEENO

 

Warsaxaafadeed ay maanta soo saareen Culimaa’uddiinka Ahlu Suna Wal-Jameeca ayaa lagu sheegay iney taageersan yihiin in ciidamo shisheeye oo hub ka dhigis ku sameeya maliishiyooyinka Soomaaliyeed dalka la keeno.

 

“Hiil iyo hoo ayaan la garab taaganahay Dowladda cusub ee lagu dhisay dalka Kenya†ayey yiraahdeen Culimaa’uddiinka Ahlu Suna Wal-Jameeca oo shuruud ku xeray ciidamada shisheeye ee dalka la keenay, shuruudahaasi oo kala ah.

 

 

· In la baaro ciidamada shisheeye ee dalka la keenayo marka hore.

 

· In aysan ku jirin ciidamadaasi dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

 

· In Taliyaha Ciidamada uu noqdaa nin Muslim ah.

 

Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay iney jiraan kuwo ay yiraahdeen waxay ku qaraabanayaan magaca culimaa’uddiinka Soomaaliyeed iyadoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen iney ka fogaadaan kuwa sheeganaya magaca culimada Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale waxaa ay warkooda ku sheegeen iney ka dalbanayaan maamulada Somaliland iyo Puntland iney joojiyaan colaada kasoo cusboonaatay deegaanka Ari Cadeeye ee Sool.

 

Warsaxaafadeedkan waxaa ku saxiixnaa culimaa’uddiin magac iyo maamuus ku leh dalka kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cismaan Xiddig, Macalin Nuur Maxamed Siyaad, Sheekh Maxamed Abba, sheekh C/risaaq Yuusuf Aadan, Sheekh Maxamuud sh. Xasan Faarax iyo kuwo kale.

 

Cali Muxiyaddiin Cal alisomali@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

SW, I came across similar post, which I emphatically opposed the notion of bringing foreign troops to the country. My stance on this one is different the fact that a Muslim countries become involve in disarmament of the militia in Mogadishu and other areas of the country. However, one thing must be noted is that having the same religion will not make their task,forcing them to relinquish their weapons, easier. Some of the positive aspects of their involvement are:

 

First, they share similar religion; thus, they may have some respect for culture and norms of the local people. History teaches us that it is essential to have awareness of political situation of the host country before the intervention and peacekeeping take place. In most cases, driven by tribal hostility, the third party can be seen as an enemy when some of the adversaries feel ignored its demand whatever that may be. these adversaries can find a way to mobolize the people against peacekeepers.

 

Second, the fact that they share some similarity, they are capebale of understanding the mindset of people/group so as to detect any hostility before it emerges and as well preventing further escalation. these are my assesment, though they may seem contrary to the reality on the ground.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Smith I don't think the question should be whether we bring in foreign troops or not. I think it should be; when is the right time to do so?

Share this post


Link to post
Share on other sites

I would like to say:

 

The Moqadishu ppl won't understand the peace keeper foreign troops.

 

Why Do I say that?

 

The troops are foreigers and the ppl of moqadishu will start a war.

If they have the troops there "which could be American troops or British,or any country" it will be a state of disorder and will build more problems for the Somalian people living.

 

The last thing we need is a "SO CALLED PEACE KEEPING TROOPS".

 

 

I just would like to know? Who will be the foreiger troops??? huh who will "SO CALL HELP" the SOMALIA COUNTRY?

 

We are Muslim We NEED to work together NOT fight eacother, Did we forget to FEAR ALLAH?

 

O

h

Allah forgive us all :( !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this