Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Why Everyone is Coming in a Xabashi Tank ?

Recommended Posts

Gawaarida gaashaaman ee ciidamada Ethiopia oo ay weheliyaan ilaalada dabageed ayaa kasoo gudbay saaka waaberigii deegaanka kalabayr ee gobolka hiiraan iyagoo kusoo jeeda xarunta gobolka hiiraan ee beledweyne xili uu dibada uga maqnaa ku dhowaad hal asbuuc.

 

Ciidamadan oo la sheegay inay wataan gawaarida dagaalka ayaa gelbinaya Gudoomihii gobolka hiiraan oo mudo asbuuc ah Dibada uga maqnaa Gobolka kadib markii ay ka awood roonaadeen xoogaga kacdoonka wada taasoo la sheegay inuu doonayo inuu mar kale dib ugu soo laabto xafiiskiisa .

 

Sidoo kale Gobolka hiiraan oo ah bartmaha soomaaliya ayaan in ka badan asbuuc aysan ka jirin wax maamul ah kadib markii uu ka baxay gudoomiyaha Gobolkaasi islamrkaana ay is casileen ku xigeenadiisii xaga maamulka taasoo loo aanaynayo Xoogaga kacdoonka oo kaga awood roonaaday maamulkii daba geed islamrkaana ku Qasbay inay inta hadhay iska casilaan jagooyinkii ay ka hayeen maamulka si ay u nabad galaan .

 

Socodka Daba geed uu kusoo jeedo Beledweyne ayaa kusoo beegmaya xili ay maagalada beledweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan aysan Cidina gacanta ku hayn marka laga reebo duqayda dhaqanka gobolkaasi oo hore u shaaciyey inay maamul samaysan doonaan dadka deegaanka .

 

 

 

Afnugaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this