Sign in to follow this  
General Duke

Abdiqasin Salad to replace Shiekh Sharif

Recommended Posts

Cabdi Qaasim Salaad Booy oo kusoo biiraya is bahaysiga Mucaaradka ee Asmara

 

05 August, 2008 By _Dowladnimo

Inkastoo uu Is bahaysigani hada dagan yahay dalka Jabuuti ayaa hadana wali uu wataa magaca meeshii lagu dhisay oo ah is bahasyiga Asmara, waxaana warar xog ogaal ahi ay sheegayaan in hada uu heer gabo gabo ah marayo dadaal ku aadan sidii ay is bahaysiga ugusoo biiri lahaayeen siyaasiyiin caan ka ah dalka Soomaaliya.

Maalmaha soo socda ayaa magaalada Qaahira waaxa ka dhici doona kulan balaaran oo ay isku arki doonaan madaxda is bahasyiga iyo siyaasiyiinta caanka ah ee lagu wado in ay kusoo biiraan, sida ay shabakadan ka ogaatay ilo ku dhow dhow.

 

Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo horayna madaxweyne uga ahaa dowladii carta ayaa ka mida raga sida weyn loo hadal hayo in ay is bahasyiga kusoo biiraan, iyadoo qaban qaabiyaha kulanka qaahirana uu isaga yahay.

 

Guddoomiyaha is bahaysiga Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeyb geli doona kulanka qaahira.

 

Wararka ayaa sheegaya in Cabdi Qaasim uu aad u jecel yahay in Isbahaysiga uu ku biiro, hadii ay suuragal u noqon weysana uu ugu yaraantii si dahsoon ugu lahaan doono taladiisa joogtada ah.

 

Warar aanu si hoose u helnay ayaa sheegaya in magaalada jabuuti ay dhawaan tageen madaxda is bahaysigana kulamo la qaateen siyaasiyiin kasoo jeeda beesha **** oo ay ka mid yihiin Xasan Dhimbil iyo Dr Culusow kuwaasoo u gogol xaarayey is aragaan ka dhicidoona magaalada qaahira ee dalka Masar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Shariif oo lagu wado in uu iska Casilo Gudoomiyenimada Isbahaysiga Asmara iyo Cabdi Qaasim oo xilkaa la wareegi doona

 

06 August, 2008 By _Dowladnimo

Warar aanu ka heleyno shaqsiyaad u dhuun daloola siyaasada isbaheysiga Asmara ee hada fariisinkiisu yahay dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Sheekh Shariif Sheekh Axmed lagu wado in uu iska casilo guddoomiyenimada Isbahaysiga Mucaaradka,taas oo uu la wareegi doono Ina Salaad Booy oo dadka qaar ay u yaqaanaan Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Ina salaad Booy ayaa horay madaxweyne Uga noqday dowladii carte, waxaana dhawaanahanba uu ahaa ninkani mid aad ugasoo hor jeeda hana qaadka dowladda federalka Soomaaliyeed.

 

Wararka ku saabsan la wareegida Ina Salaad Booy ee hogaanka isbahasyiga mucaaradka ayaa waxaa uu soo shaac baxay kadib markii Nuur Cadde uu qoraal u diray golaha amaanka ee Qaramada Midoobay,kaas oo uu ku sheegay in waqti la siiyo isbahaysiga fadhiya Jabuuti si ay u doortaan wax uu ku sheegay Nuur Cadde hogaan cusub oo ruug cadaa siyaasadeed ah lana saan qaadi kara barnaamijka siyaasadeed ee xiligan dalka soomaaliya ka jira.

 

Shaqsiyaad ka tirsan golaha dhexe ee isbaheysiga ayaa arinkaan si weyn uga soo horjeestay waxayna ku doodayaan hadii talaabadaasi lagu magacaabayo C/qaasim la qaado in ay isaga bixi doonaan golaha dhexe ee isbaheysiga.

 

Maalmaha inasoo aadan ayay wararku sheegayaan in dalka Masar oo fariisinka Ina Salaad Booy ah lagu qaban doono shir weyne looga gol leeyahay in jagada guddoonka is bahaysiga qaran diidka lagula wareejiyo Ina Salaad Booy.

 

Laakin waxaan rasmi ahaan loo garanaynin sida ay suruagal u noqon karto in xubnaha golaha dhexe ee diidan Ina Salaad booy loogu qancin karo.

 

Arrintan ayaa waxaa Nuur cade ku dhaliyay la taliyihiisa gaarka ah Axmed Cabdi Salaan, iyadoona aan la garanaynin waxa uu Nuur Cade u adeegsaday qancinta wadaadka siyaasadiisu dhex dhexaadka tahay ee hada hogaamiya is bahaysiga iyo maxkamadaha beelaha midoobay intaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^lool. what do you think of this?

Since you've always accused me of being an e-surrogate of Abdiqasin Salad, I guess,we will be in the same side of the coin now huh? :D

 

*still waiting on you to say anything*

Share this post


Link to post
Share on other sites
money   

Well, I think Abdiqasim & Sheikh Sharif and Sheikh Aynte were in Cairo and talked about ways to patch up the difference between ARS-D & ARS-A. That was the whole purpose and it is working. You will soon see that Sheikh Aweys coming back to the fold and giving Nur Adde's peace train a boost. We will see what the traitors do. I think they have been outsmarted and put all their eggs in one ailing and dying basket ...aka yeey! yeey is done and Kaput. Nur Adde is outsmarting Yeey.

 

Future is with peace-loving Somalis. the era of warlords and traitors and clannish hogwash is over. People sense a wind of change for the better. Somalis are thinking beyond yeey and Ethiopian invasion.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

the era of warlords and traitors and clannish hogwash is over. People sense a wind of change for the better. Somalis are thinking beyond...[X, Y and Z.]

I heard this so many time, so many different reasons. It is a struggle to hear it again. I so want to believe...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farax Brown, adeer this is great news, because the whole thing was a bout A/Qasin and the other group or Moneys former militias bosses.

 

Nothing religious or nationalistic about it.

 

Mr Abdiqasin and the otehr exiles are now moving from one hotel to another.

Share this post


Link to post
Share on other sites
money   

Ibtisam you are right..we heard that so many times and we gotta have hope and be optimistic...if we give up on peace and better tomorrow despite all the pain and suffering of today ..then they (our enemies) conqured us and we are doomed to more failures.

 

So these words are like my daily affirmation..tomorrow is better..clans and warlords would be defeated in the near future and Somalia would come back inshallah with the help of almighty...forget about Abdiqasim, or yeey or the warlords or the fiefdoms and above all forget the cheerleading clan bozos in SOL too. Hope never dies!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this