Sign in to follow this  
Deeq A.

Wada-hadallada Somaliland iyo Israel oo horumar sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   
Israel.jpg

Tel-Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa “horumar” ka samaysay wada-hadallo ay la leedahay maamulka Somaliland, kuwaas oo ku saabsan qorshe muran dhaliyey oo ah in Falastiiniyiinta laga raro Marinka Gaza, sida ay warbaahinta Israel sheegtay Khamiistii.

Telefishinka Channel 12 ayaa sheegay in Somaliland – oo sannadkii 1991-kii kaga dhawaaqday in ay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya, balse aan helin aqoonsi caalami ah – ay ka mid tahay dhinacyo ay Israel u bandhigtay inay qaabilaan Falastiiniyiinta ku barakacay dagaalka Gaza. Waddamada kale ayaa kala ah Indonesia, Libya, Uganda, iyo South Sudan.

Isagoo soo xiganaya ilo diblomaasiyadeed oo Israeli ah oo aan la magacaabin, ayuu Channel 12 tebiyey in Somaliland iyo Indonesia ay muujiyeen “diyaar ahaansho ballaaran” oo ay ku aqbalayaan Falastiiniyiinta. Si kastaba ha ahaatee, weli wax heshiis rasmi ah lama gaarin.

Telefishinku wuxuu intaa ku daray in la sheegayo in Somaliland ay rajaynayso inay wada-hadalladan uga faa’iidaysato sidii ay ku xoojin lahayd ololaheeda aqoonsi-raadinta ah ee soo jiray tobannaanka sano.

Horumarkan la soo tebiyey ayaa ku soo beegmaya xilli ay Somaliland dareen siyaasadeed oo cusub ka helayso Washington. Khamiistii, Senatarka Mareykanka ee Ted Cruz ayaa ku boorriyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland oo ah dal madax-bannaan, isagoo sabab uga dhigaya xiriirka ay la leedahay Israel iyo arrimo kale.

Warqad uu diray Arbacadii, ayuu Cruz ku baaqay in la aqoonsado Somaliland “iyadoo lagu salaynayo xuduudihii 1960-kii,” isagoo ku dooday inay Somaliland buuxisay shuruudihii dawladnimo isla markaana ay dhistay dimoqraadiyad shaqaynaysa.

“Somaliland waxay u soo baxday inay noqoto saaxiib muhiim u ah Mareykanka dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda,” ayuu qoray, isagoo iftiimiyey iskaashiga ay la leedahay Taiwan, xiriirka ay la leedahay Israel, iyo taageerada ay u fidisay Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords).

Waraysi uu siiyey telefishinka i24 News ee Israel, ayuu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku taageeray hijro ballaaran oo dadka reer Gaza – siyaasad uu sidoo kale horey sannadkan u soo dhoweeyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump – isagoo sheegay in Israel ay xiriir la leedahay “waddamo dhowr ah” oo ku saabsan qaabilaadda dadka rayidka ah ee ka barakacay dhulkaas dagaalladu la degeen.

“Waxaan u malaynayaa in tani ay tahay waxa ugu dabiicisan,” ayuu yiri Netanyahu. “Dhammaan kuwa ka welwelsan Falastiiniyiinta ee sheegaya inay doonayaan inay caawiyaan waa inay albaabadooda u furaan. Maxaad dusha nooga saaraysaan? Annagu ma eryayno – waxaan u sahlanaa inay baxaan… marka hore, [ka bixitaanka] goobaha dagaalka, iyo sidoo kale Marinka laftiisa, haddii ay doonayaan.”

Markii la weydiiyey sababta aysan howshu si degdeg ah ugu socon, Netanyahu wuxuu ku jawaabay: “Waxaan u baahanahay waddamo qaabila. Waxaan la hadlaynaa waddamo dhowr ah – halkan kuma faahfaahin doono.”

Qorshahan ah in Falastiiniyiinta si qasab ah looga saaro Gaza – haddii loogu yeero haajirid “iskood ah” ama si kaleba – waxaa diiday madaxda Falastiiniyiinta, dawladaha Carabta, iyo qayb weyn oo ka mid ah beesha caalamka, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay ku xadgudub sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada iyo kan xuquuqul insaanka.

Weli ma cadda in Somaliland ay sii wadi doonto qorshaha dib-u-dejinta. Heshiis kasta oo la gaaro wuxuu noqon doonaa tallaabo diblomaasiyadeed oo halis weyn ku jirto – kaasoo suurtagal ka dhigi kara inuu horumariyo ololaheeda aqoonsi-raadinta, laakiin isla markaasna khatar gelinaya inay kala kulanto cawaaqib-xumo siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo kaga timaada Soomaaliya, dawladaha Carabta, iyo dhinacyada kale ee ka soo horjeeda qorshahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this