Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Highest Officials Speak Out To Reer Bossaso

Recommended Posts

Cowke   

Waxaan Idinkugu bishaaraynayaa Ciidamadeena Qalabka Sida inay Maanta inoogu filan yihiin Awood ahaan iyo tira ahaanba in ay Amnigeena Sugaan, Guulana ay soo hoyeen

 

31. July 2010

 

 

Allidalaamale:-Madexda Sar sare ee Dawlada Puntland oo uu ka mid yahay Madexweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Gen, C/samad Cali Shire, Wasiirka Amniga Dawlada Puntland Yuusuf Axmed Khayr, Wasiirka Maaliyada Punland Faarax Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawlada Puntland iyo masuuliyiin kale oo kla tirsan Dawlada Puntland ayaa Magaalada boosaso waxay kulan kula qaateen Haweenka Magaalada Boosaso, waxayna Kala hadleen Difaaca Dalka iyo kaalinta ay haweenku ka qaadan kataan.

 

Wasiirka Amniga Dawlada Puntland Yuusuf Axmed Khayr oo ugu horayn Kulankan ka hadlay ayaa sheegay Dawlada Puntland in ay Wado Dadaalo ay Dalka ku difaacayso , Amniga gudahana ay ku hananayso, sidaas Awgeed looga baahanyahay Dumarku in ay soo bandhigaan kaalinta ay ka Qaadan karaan Arrimaha Dawlada horyaala.

 

Wasiirka Maaliyada Punland Faarax Cali Shire oo isna ka hadlay Kulankaasi ayaa ka warbixiyay Xaalada Dalku uu marayo wuxuu sheegay in ay jiraan Dad badan oo Dalka u yimid in ay khalkhaliyaan Amniga lagu naaloodo.

 

Tusaale ahaan wuxuu u soo qaatay in ay Xabsiyada ku jiraan Dad dharka dumarka ku labistay si Amniga u klhalkhaliyaan gaar ahaana uu jiro Nin Jilbaab soo xidhay oo Magaalada u soo aaday in uu wax haleeyo, Ciidmaduna ay qabteen Kadib markii ay shacabku isha la heleen Qof ay dumar u qabeen oo intuu Mobile uu ku hadlayay isku hilmaamay ay ka muuqatay astaan rag, sidaasna ay ku wargaliyeen Ciidamada booliska.

 

Wasiirka ayaa shacabka reer puntland ugu baaqay in ay Amnigooda adkaystaan si uu mira dhal u noqdo ajanadaha Dawlada ee ku aadan horumarinta bulshada, Haweenkuna ay la soo baxaan kaalintii looga bartay ee guubaabada iyo Taagerada ahayd si looga guul gaaro hadafka Dawlada.

 

Faadumo Maxamuud sandheere oo ka mid ah Haweenka Magaalada Boosaaso ayaa sheegtay in ay Haweenku diyaar u yihiin in Dagaalka galaan maadama ay yihiin kuwa ugu jilicsan ee ay saamayn karaan Dhibatooyinka Amni darada la xiriira.

 

Faadumo Waxay sheegtay Magaalada Boosaaso in ay tahay Deegaan dhinaca ku haya bada dhinaca kalana ay Buuralay ka xigaan sidaa Awgeed ay sheegatay Dagaalo hadii ay bilawdaan Ama kooxo ay qabsadaan in haweenku aysan haysan Meel ay Maciin bidaan sidaa awgeed ay Dantu ku khasbayso in ay Dagaalka galgala Dhanka Dawlada ka caawiyaan Taageerada looga fadhiyo si guul loo gaaro.

 

"Hadaanu wax kale weyn ragaanu guubaabinaynaa, biyahana waan idinka dababa wadaynaa" sidaasi waxaa tiro Faadumo Maxamuud Sandheere oo ka mid ahaa Xaweenka magaalada Boosaso oo kulan la qaatay madexda Dalwda oo uu horkacayo madexweyne ku xigeenka Puntland.

 

Madexweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Gen, C/samad Cali Shire oo kulankan soo xiray ayaa sheegay Dawladu in u hogaansantay Baaqyada Shacabka ee ku aadan in ay Difaacdo Dalka, iyadoo Arrinkaasi uu wajib ku yahay.

 

"Waxaan Idinkugu bishaaraynayaa Ciidamadeena Qalabka Sida inay Maanta inoogu filan yihiin Awood ahaan iyo tira ahaanba in ay Amnigeena Sugaan, Guulana ay soo hiyaan" ayuu yiri Madexweynaha ku xigeenka Dawlada Puntland Gen, C/samad Cali shire isagoo bayaaminaya awooda Dawlada ee Dhinaca Dagaalada iyo Difaaca.

 

Waa markii ugu horaysay ee Madex Caynkan ah oo ka socota Dawlada Puntland ay kulan la qaataan Haweenka Magaalada boosaso tan iyo Markii ay dhaceen Dagaaladii Galgala ee u dhaxeeyay Ciidamada Dawlada Puntland iyo kooxo la sheegay in ay gacan saar la leeyihiin Argagixisada Caalamiga ah.

 

Cumar Afguduud

Allidamaale.com

Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Ciidamada ammaanka Puntland oo hawlgal ballaadhan ka sameeyey suuqa Bosaaso

 

Ciidamada booliska oo ay garab siinayaan ciidamada daraawiishta ee Puntland ayaa maanta hawlgal ballaadhan oo hub ururin ah ka fuliyay suuqa wayn ee magaalada Boosaaso.

 

 

Ciidamada oo si lama filaan ah ugu kallahay suuqa ayaa tiro qoryo ah ka soo qabtay bakhaarada ay baadhitaannada ugu badan ka sameeyeen ee suuqaas. Ciidamda ayaa soo xidhay ugu yaraan 20 ka mid ah ganacsatada, kuwaas oo ka madax adaygay sida la sheegey in ay bixiyaan qoryaha ay haystaan ee goobahooda ganacsi u yaalla.

 

 

Rasaas ay ciimadu dadka ku kala eryayeen ayaa uu ku dhintay nin tagsiile ah laba dumar ah oo suuqaas ka ganacsadana waa ay ku dhaawacmeen.

 

 

Hawlgalkan oo ahaa mid si wayn ay ciidamadu u soo qorsheeyeen, ayaa ay barbar socdeen iyadoo loo diiday gaadiidka dadweynuhu in ay soo galaan, kana baxaan magaalada Boosaaso.

 

 

Hawl galka oo saaka bilowday ayaa soo gabagaboobay goor dhowayd oo duhurkii maanta ah.

 

 

Adam Shardi Axmed

dunidaonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this