Sign in to follow this  
Deeq A.

Pakistan iyo IRAN oo heshiiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Pakistan iyo Iran waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo ay ku ballan qaadayaan in ay kor u qaadaan ganacsiga laba geesoodka ah oo gaadhaya $10bn, waxaana ay ballan qaadayaan in ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan sidii meesha looga saari lahaa khatarta “argagixisada” si loo helo nabad iyo barwaaqo gobolka.

Heshiiska oo uu ku jiro iskaashiga dhinaca tamarta iyo ganacsiga, ayaa la saxiixay inta lagu guda jiro booqasho laba maalmood ah ee Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ku joogo Pakistan.

Sharif ayaa ku celiyay mowqifka Pakistan ee ah in ay taageerto xuquuqda Iran ay u leedahay barnaamijka Nukliyeerka ujeeddooyin nabadeed sida waafaqsan axdiga Qaramada Midoobay, wuxuuna cambaareeyay gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, isagoo sheegay in aysan jirin “wax cudurdaar ah” oo ku aaddan iskahorimaadkii 12-ka maalmood ahaa ee bishii June kaas oo uu Mareykanku la saftay Israel.

Waxa uu sheegay in labada dal ay qaadi doonaan tillaabooyin wax ku ool ah oo ay ku ciribtirayaan “argagixisada” ee gobolka. Pakistan iyo India oo ay isku hayaan gobolka ayuu dagaal dhexmaray horaantii sanadkan kahor inta aan lagu dhawaaqin xabad joojinta kadib dhowr maalmood oo ay isweydaarsanayeen duqeyn culus.

Madaxweynaha Iran waxa uu yidhi, “Runtii waxaa rumaysanahay in aan si fudud, muddo gaaban gudaheed, u kordhin karno mugga xiriirka ganacsi ee naga dhexeeya $3bilyan oo iyo yoolka la saadaalinayo oo ah $10bilyan.”

Wuxuu u mahadceliyay dowladdaha iyo dadka taageeray Iran “intii lagu jiray dagaalkii gardarrada ahaa ee 12-ka maalmood ay argagixisada maamulka Sahyuuniyadda iyo Mareykanka”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this