Sign in to follow this  
Jacaylbaro

18th May

Recommended Posts

Somaliland's 17th Anniversary, Toronto 18 May

 

Toronto 18 May Original Organizing Committee is pleased to invite you to the 17th Anniversary of Toronto's Somaliland Celebration be held on Sunday 18, 2008 - See flyer from more and Special Gust from Norway

 

Location is the same as last year Armenian Community Center located at 45 Hall Crown near Victoria Park and Sheppard, Between Sheppard

 

Please feel fee to distribute.

 

On behalf of the original 18 May Organizing Committee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dad weynaha sharafta leh ee reer Somaliland ee dagan dalka UK waxaanu ogaysiinaynaa in

 

Xafladii sanad guurada 17 aad ee gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland sanadkan lagu qaban doono goobta casriga ah ee lagu magacaabo:

 

Silver Spoon Newlight Complex

 

Popin Building

 

Southway. Wembley. Middlessex . HA9 0HB

 

Behind Wembley Stadium

 

Xafladaasoo bilaabmi doonta maalinta Sabtida ah ee 17ka May 08, ( 7 pm oo socondoonta illaa 5 am). Halkaasoo ay isugu iman doonaan oo ay idin maaweelin doonaan fanaaniinta ku dhaqan dalka Britain iyo kuwa kaloo dibadaha ka iman doona. Waxa intaa idiin dheer majaajilo, ciyaarihii hidada iyo dhaqanka oo aad jeclaysan doontaan oo ay idiin daadahayn doonaan Mohamed Adan Dacar iyo dhalinyaro reer London ah. Intaa ka hor waxa halkaa dadka kala hadli doona waxgarad iyo odayaal reer Somaliland ah, dad ajanabi ah oo loo yaqaano ( Friends Of Somaliland) oo isugu jira xubno ka tirsan ururada inaga caawiya Dhaqaalaha, Caafmaadka, Waxbarashada, siyaasiyiin, kuwa kale oo xilal kala duwan ka haya dalka UK iyo qaar kamida madaxda Ururada Bulshada UK.

 

Xafladan oo ku salaysan arrimo samofal ah oo laga hirgalinayo dalkeenii Somaliland, waxa aanu dad weynaha sharaftale ka codsanaynaa inay ku soo dhawaadaan xafladan qiimaha iyo qadarinta mudan.

 

Waad Mahad Santihiin.

 

British Somalilanders United Group

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

I understand Tanya is a naturalized Somalilander. Not entirely bad. I applaud any effort at expanding our values and attire-I mean the somali one. Suffix's to the name don't bother me one hoot!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Faniinta have learnt a good way to make money, what is more better idea of money making machine than the creation of 18 May... That's the day and the night that all the Faniinta will be happy regardless of their origin...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Yeah good ole JB, now you got the Idea, Im forced to agree with you on that pal.

 

Throw one heck of a party, let us all enjoy and be happy together.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Emperor:

Throw one heck of a party, let us all enjoy and be happy together.

Just make sure I see you clapping when the speeches are being made and people are chanting "SL haa Nalato"

 

Every year there those that come to these events with a frown in their faces. If you don't believe the cause..stay home.

Share this post


Link to post
Share on other sites

TORONTO

 

 

hadhwanaag 2008-05-12 (Hadhwanaagnews) Toronto-(HWN)- Xafladda sanad guurada ee Gooni isku taga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa laga xusayaa aduunka oo dhan waxaana Magaalada Toronto ee dalka Canada ay tahay meelaha xafladaha sida aad ka ah looga qadariyo amaba looga xuso maadaama ay dad badani oo reer Somaliland ahi deganyihiin, sida caadiga ah waxaa xafladaha qaban qabiya hadba Xafiiska ay leeyahiin Community- gaasi, hadaba Xafladan sanadkan 2008 waxaa qabanqaabinaya xafiiska Somaliland Canadian Society.

 

Sida ay ii sheegeen Somaliland Canadian Society gudida qaban qabada xaflada ee magaalo weyntan Toronto iney sanadkan ay ku tala jiraan si ka heersareysa sanadadii hore iyagoo tixgalinayaa maalintan qiimaha ay leedahay kuna raali galinaya dadweynaha degan Toronto iyo agagarkeeda soona bandhigi doona waxyaabo cusub siiba waxa anfaca da’yarta iyo dadweynaha jecel taariikhda dalkooda.

 

Mar aan la kulmay fanaaniinta qaarkamid ah sida Fanaanka weyn ee caanka ah C/Qaadir Juba oo hoogaamin doona fanaaniinta habaynkaasi waxa uu iisheegay inuu u diyaargaroobey soo bandhigida habaynkasi si hagar la’aan ah kuna soo darayo Alban Cusub dadkuna ay daremi doonaan inay tahay maalin farxadeed ama maalin ciideed, dhinaca kale waxaa isna aan lakulmay Fanaanka kale ee Caanka ah C/Jibaar Al-Khaliiji waxa uu isna ii sheegay in dhankiisa diyaar uyahay muujinna doono wacdaro sidoo kalena uu soo bandhigi doono Heeso cusub uu habaankaasi ka tumi doono goobtasi, waxaa iyadana aan wax ka weydiiyay fanaanada caanka ah Shamis Qardajeex iney wax iiga sheegto siday ugu diyaargarowday xafladaasi 18 May oo dhici doonta sabtidan fooda inagu soo haysa waa 17 May 2008. “Xaflaada habaynkasi waxay noqondoontaa Xaflad Qaran dadkuna ay qiimeeyaan” Hadalkasi waxaa tidhi Fanaanada Shamis Qardajeex.

 

Sikastiba ha ahatee xafladu waxay u muuqataa habaynkaasi in ay noqondoonto Xaflad si heer Qaran ah loosoo agaasimay Waxaana ka muuqata gudida qabanqabinaysa inay yihiin dhalinyaro u hagar baxday xilka ay umada u hayaan waa community-ga’e oo si firfircoon xilkooda u gudanaya, iskusoo wada duuboo waa inoo iyo sabtida soosocata taarikhduna tahay 17 May 2008 iyo magaalada Toronto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

OSLO

 

 

Dhamaan dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Oslo iyo agagaarkeeda waxaaa lagu wargelinayaa in la qabanaayo munaasabad lagu xusayo sannad guuradii 17-aad ee ka soo wareegtay gooni isutaaga J.Somaliland oo ku beegan Axada 18 May 2008.

 

Munaasada Xafladaha lagu xusayo waxa loo kala qabanayaa sidan soo socota:

 

* Tar-tan Kubadda Cagta ah oo dhawr kooxood ku tartami doonaan. Kooxdii ku guulaysatana la guddoonsiin doono koob loogu talagalay munaasibadan.

 

* Xaflad habeenkii ah oo lagu soo bandhigi doono Khudbado ka hadlaya maalintan iyo qiimaheeda. Waxaa kaloo goobta ku diyaara dhalintii fanka iyo hidaha oo iyana dhanka maaweelada daadihin doona.

 

Tar-tanka kubada cagtu wuxu dhacayaa maalinimada Axada 18/05, isagoo bilaaban doona 11:00 baraqnimo. waxaana lagu qabanayaa garoonka Dæhlenenga idrettsanlegg, Malmøgt.

 

Halka xaflada fiidnimadu ka dhaceyso Tøyenbekken, Grønland. Waxaanay soconaysaa inta u dhaxeysa saacadaha 17:00 - 01.00.

 

 

Allaa Mahad Leh

 

Gudiga Qaban-qaabada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this