Sign in to follow this  
Qudhac

shiekh X. Daahir aweys gathering large millitia

Recommended Posts

Qudhac   

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ciidama xoogan uu uga hortaga DFKMG ku aruursanooya

 

 

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ah ninka sida xoogan uga soo horjeeda Dowlada uu garwadeenka ka yahay Col. Cabdulaahi yuusuf Axmed ayaa kawada malmahaan aruursi ciidamo beeleed xoogan uu ugu hortaga maamulka cusub ee socod baradka ah oo aan wali jaanqadin.

 

Maalmahaan ayuu ku sugnaa Sheeikh asal ahaan deegaanka uu ka soo jeedda ee ah Guriceel si uu uga helo ciidamo xoogan uu la taga magaala madaxda Muqdisho si uu uga hortaga wax uu ugu yeeray cadawga Ilaahay oo uu ula jeeda DFKMG ee la filaayo in ay dhawanahaan soo caga dhigata dalka .

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ahaan jirey nin ka tirsan ciidankii xooga dalka daraja ahaan ka soo gaaray Korneel ayaa hadda u eg nin isku diyarinaya dagaalo faraha looga gubtay asagoona doonaayo in uu gabi ahaanba gacanta ku dhiga talada dalka oo uu ku riyoonayey muda badan ee kamid ah nolashiisa.

 

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo asagu ah nin ku caanbaxay dagaalada ayaa ka qeyb galay dagaalo badan oo ka dhacay gudaha dalka sidii kuwii ka dhacay gobalada Bari iyo Gado uu lagalay Col. Cabdulaahi Yuusuf ciidamo uu wato iyo kuwa Itoobiyaan ah

 

Wararkaan ayaa laga helay dad ku nool deegaanka oo diiday in la magacaabo sababa la xariiro xaga amaankooda

 

Si kasataba h ahaatee la arki doonee meesha ay isla gaaraan Sheikh iyo xukumada cusub oo ayagu ahaa kuwa inmuda ah ka dhaxeye qilaaf .

 

xigasho

 

dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this