Sign in to follow this  
General Duke

Fighters taken to Mogadishu/ Battles entering the city of Kismayu

Recommended Posts

Muqdisho: Dhaawac aad u fara badan ee Huwanta Al-Itixad iyo Dooxada Jubba oo loo soo Daadgureeyey Muqdisho

- Tuesday, September 21, 2004 at 00:21

 

Muqdisho, 20.09.04 (AllPuntland) - Dhaawac aad u tira badan oo ka tirsan Huwanta Al-Itixaad iyo Dooxada Jubba ayaa maanta galinkii horey lagu soo daadgureeyey cusbitaalada magaalada Muqdisho.

 

Cusbitaalka Kismaayo ayaa la sheegay in uu buux dhaafay, hadaba dhaawacu daadsan yahay banaanka cusbitaalka. Cusbitaalka oo aanay hore u joogin wax dhakhaatiir ah ayaa waxaa ka muuqda dayac aad u baaxad weyn. Kalkaaliyayaal caafimaad ee iyagu joogay ayaa la sheegay in ay la qaxeen badi dadkii joogay magaalada oo ka qaxay dagaalo maalmihii la soo dhaafay ku dhexmaray deegaanka ku xeeran Kismaayo malayshiyada Al-Itixaad iyo Dooxada Jubba, iyo ciidamada deegaanka ee SPM.

 

Sida uu ku soo waramayo weriyahayaga magaalada Muqdisho badi dhaawaca la keenay cusibtaalada Madina iyo Banaadir oo la sheegay in ay ku dhow yihiin boqolaal ayaa ah malayshiyada Al-Itixaad Al Islamiya ee Xasan Daahir Aways, Yusuf Indhacade iyo Xassan Turki oo maalmihii la soo dhaafay ay dagaalo isaga horyimaadeen ciidamada deegaanka ee SPM.

 

Dhaawaca intiisa badan ayaa lagu soo daadgureeye diyaarado ka soo haaday Kismaayo, maadaama aanay mari karin jidka dheer isku xira Muqdisho iyo Kismaayo.

 

Wararkii ugu damabeeyey ee aan ka helay aagga hore ee dagaalka ayaa dhigaya in dhawr iska horimaad oo maanta ka dhacay aagga Joore iyo Santaara oo ay ka dagaalamayaan ciidamo daacad ah Xassan Turki iyo kuwa Xasan Dahir Aways; khasaare xoog lihina uu ka soo gaaray Huwanta Al-Itixad iyo Dooxada Jubba oo wararku ay sheegayaan in ay difaac hadda kaga jiraan Dekedda iyo Madaarka Kismaayo oo ay ku mintidayaan, maadaama gebi ahaanba deegaanka ku meeran magaalada Kismaayo ay fadhiyaan ciidamada deegaanka ee SPM, ayna dagaalo ka socdaan.

 

Sida uu xaqiijiyey Bille Maxamed Qabawsade, af-hayeenka ciidamada SPM, oo u waramay Radio Daljir ayaa sheegay in uu ku sugan yahay duleedka magaalada Kismaayo, isla markaana beeniyey warar sheegaya in jab xoog lihi ku dhacay ciidamada deegaanka ee SPM. Tobaneeyo dhimasho ah, dhawr iyo toban dhaawac ah, iyo laba gaari oo laga gubay wax aan ka ahaynna aanay soo gaarin wax kale oo khasaara ah marka la barbardhigo dhinaca kale ee dagaalka isaga soo horjeedaan oo sida uu sheegay uu soo gaaray khasaare lixaad leh.

 

Waxaa sidoo kale ay noo xaqiijiyeen dad aan la hadalay oo jooga Kismaayo in gebi ahaanba ay qaxeen badi taageerayaashii huwanta Al-Itixaad iyo Dooxada Jubba aan ka ahayn malayshiyada isku uruursatay Dekedda iyo Madaarka, ayna hadda wadaan daadgurayn ay kaga qaxayaan magaalada oo sida la saadaalinayo aan sinaba ku gefayn dagaal ka qarxa bartamaha magaalada.

 

Xarunta AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this