Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Breaking News on the Cayn front: Officials from PL Cayn region arrive in Galkacyo...

Recommended Posts

News just now in from Gaalkacyo say that a vast delegation compromising of Puntland high officials made up by Cayn Natives from the Puntland government just arrived in Gaalkacyo, capital of Mudug Region, Puntland State for coordination and harmonising the efforts in Ayn region of Buuhoodle.

 

This delegation of High Puntland representatives from Ayn region include the Vice/Deputy Speaker of the Puntland Parliament, the Minister for Fisheries and Marine Resources, Parliamentarians of the Puntland Parliament originally from Ayn region and the Governor for Ayn Region himself.

 

They were whole-heartedly greeted and welcomed by the Mudug Region/district level officials of the Puntland State of Somalia.

 

It is expected that the delegation from Buuhoodle Ayn region of Puntland will hold a press-conference tomorrow about their visit to Gaalkacyo, Mudug Region of Puntland, god-willingly.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Garoowe and Galckayo is the future refuuge camps for displaced SSC rebels so no surprises there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo:Wafdi kasocda Dawlada Puntland oo Gaalkacyo soo gaaray.

 

23. maj 2010

 

APL

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa caawa maqribkii magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug soo gaaray wafdi balaaran oo kasocda Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed waxaana Wafdigan hogaaminayey wasiirka Kaluumaysiga & Kheyraadka badda ee Dawlada Puntland,wafdigan ayaa waxaa kamid ah gudoomiye xigeenka Baarlaamnaka ee dawlada Puntland,gudoomiyaha gobolka Cayn & madax kale oo saraakiil ciidan u badan.

 

Dawlada Puntland & mas'uuliyiinta gobolka Mudug ayaanan ka hadlin safarkan oo ah mid deg deg ah,waxaana madaxdan loo gudbiyey hotel kuyaala bartamaha magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay kulan gaaban la qaateen madaxda gobolka Mudug & kan degmada gaalkacyo oo si diiran u soo dhaweeyey,wuxuuna kulankani socday mudo gaaban.

 

Kulanka kadib waxay labada dhinac ka gaabsadeen inay wax faafaahin ah ka bixiyaan ujeedada rasmiga ah ee kulankan & imaatinka madaxdan,waxayna sheegeen in ay saacadaha soosocda warbaahinta la hadli doonaan uga warami doonaan ujeedada rasmiga ah ee ay magaalada Gaalkacyo u yimaadeen,dadka magaalada gaalkacyo ayaa isla markiibna siyaabo kala duwan safarkan deg deg ah u arkay.

 

Safarkani wuxuu kusoo beegmayaa xili ay 3-dii casho ee u danbaysay xaalada kacsanaan ahi kajirtay meelo badan oo gobolka Cayn katirsan halkaas oo dhinacyo badani ay dagaalo ku galeen,waxaana ay madaxdani dhamaantood kasoo jeedaan gobolada SSC gaar ahaan gobolka Cayn oo ah halka ay qasnaantu ka jirtay mudooyinkii u danbeeyey,safarkoodana waxaa lala xiriirinayaa dagaalada kasocda gobolka Cayn.

 

Cabdiqani Xayir

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg Ah:- Maamulkii Gobolka Ceyn & Mas’uuliyiin Kale Oo Gaalkacyo Soo Gaarey.

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Mas’uuliyiin ka socota Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo maamulka Gobolka Ceyn ayaa maanta soo gaarey gudaha magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

Xubnahani soo gaarey magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka Puntland, Wasiirka Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda Puntland, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Gudoomiyaha gobolka Ceyn ee maamulka Puntland.

 

Wafdigani soo gaarey magaalada Gaalkacyo ayaa dhamaantood ah kuwa ka soo jeeda gobolka Ceyn oo ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeya ciidamo Itoobiyaan ah, kuwa Soomaaliland iyo dadka deegaanka Buuhoodle, waxaana la filayaa in magaalada Gaalkacyo ay u soo gaareen howlo la xiriira arinta Buuhoodle.

 

Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ayaa si diiran xubnaha wafdigani ugu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, walow aysan wax faah faahin aysan ka bixin imaatinkooda, waxaana la filayaa in maalinta berito ah ay warbaahinta xog ka siiyaan arimaha socdaalkooda.

Warar is khilaafsan oo ay shacabka magaalada isla dhexmarayaan ayaa sheegaya in xubnaha wafdigani ay u yimaadeen sidii Isbitaalada magaalada Gaalkacyo loo keeni lahaa dhaawacyada ku soo waxyeelooba dhinaca magaalada Buuhoodle ee maamulka Puntland, halka warar kalena ay sheegayaan in ay u socdaan qaban qaabada ama isku dubaridka ciidamo ka dagaalama dhulka gobolka Ceyn ee maamulka Puntland.

 

RBC Radio.

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

snm supporters will be displaced in Burco, Hargeisa, and Barbara. for the second time they will become refugees in the near future, just like 1980s

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this