Sign in to follow this  
Gabbal

Barre Aadan Shire and Yusuf Mire Seeraar enroute to Baidoa?

Recommended Posts

Gabbal   

Xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud “Seeraar†ayaa sheegay in isaga iyo wasiirka dibu dhiska Bare Hiiraale dhowaan ay u amba bixi doonaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

 

March 29, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Sahro Cabdi Axmed. Kismaayo.

E-Mail: - sahroaxmed@hotmail.com

 

Xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud “Seeraar†ayaa sheegay in isaga iyo wasiirka dibu dhiska dhowaan ay u amba bixi doonaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

 

Xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud “Seeraar†oo kamid ah mudanayaasha baarlamanaka dowlada KMG ee Soomaaliya ahna guddoomiye kuxigeenka Isbaheysiga Dooxada Jubba ayaa maanta sheegay iney tagayaan kulanka baarlamaanka ee ka soconaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay isaga iyo wasiirka wasaarada dibu dhiska iyo dibu dajinta DKMG ee Soomaaliya Barre Aadan Shire oo ku wada sugan magaalada Kismaayo.

 

Inkastoo xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar uu ka gaabsadey inuu sheego wakhiga rasmiga ah ee ay u amba bixi doonaan shirka ayaa haddana waxaa uu shaaca ka qaadey Seeraar iney tagayaan soo noqoshada madaxda DKMG ah ee magaalada Baydhabo ay imanayaan kadib.

 

Sido kale, Seerar iney ku qanacsan yihiin waxa kasoo baixi kara kulan kaasi iyagoo kamid noqonayaan mudanayaasha baarlamaanka ee looga fadhiyo iney soo saaraan qodobo cad cad oo ka turjumaya hanaanka dowlada ay dooneyso iney ku shaqeyso, wana ugu qabato bulshada Soomaaliyeed ee mudada ka dhur sugeysay waxqabadka dowlada.

 

Xubnahani ayaa horey uga harey xiligi ay isugu tageen mudanayaasha baarlamaanka DKMG ee Soomaaliya magaalada Baydhabo sababo la xiriirey markaasi magaalada Kismaayo oo ay ka jireen shaqaaqooyin ka dhex taagnaa ciidamada amaanka ee Isbaheysiga Dooxada Jubba iyo waliba mas’uuliyiinta sar sare iyo korneyl Cabdi Cigaal, hase yeeshee waxaa uu sheegay in xildhibaan Seeraar maanta in lasoo afjarey xiisadaasi, isla markaana la dhaqan galiyey qaar kamid ah qodobadii lagu heshiiyey.

 

Iyadoo uu sheegay in kuwa kalana la rajeynayo in dhowaan loo amba qaado, wuxuuna qirey maanta iney kamid noqonayaan mudanayaasha baarlamaanka ee tagaya magaalada Baydhabo si loo soo afjaro isla markaana wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this