Sign in to follow this  
Abdiyare

Koox dalxiisayaal ah oo ka socda wadanka Ingiriiska oo ku sugan Gobolka Sanaag.

Recommended Posts

Abdiyare   

Koox dalxiisayaal ah oo ka socda wadanka Ingiriiska oo ku sugan Gobolka Sanaag.Aug-05-03

 

HWN: Waxaa maalmahan ku sugnaa gobolka Sanaag gaar ahaana magaalada Ceerigaabo koox dalxiisayaal ah,oo ka soo kicitimay dalka Ingiriiska kuwaasoo ujeedada dalxiiskoodu tahay sidii ay u daawan lahaayeen kaymaha quruxda badan ee Gobolka Sanaag,Buurta Daalo,geedaha dayibka ah iyo ugaadha kala gedisan.

 

Kooxdan dalxiisayaasha ah ayaa ku wareegay qaybaha kala duwan ee magaalada Ceerigaabo iyo deegaanka ku gedaaman waxaanay sheegeen in ay aad ula dhaceen waxa ay ku arkeen gobolka Sanaag,iyagoo intaasna ku daray inay ka heleen jawiga cimilada ee gobolkaa iyo dadka ku dhaqanba.

 

Kooxdan dalxiisayaasha Ingiriiska ah oo ku qaadanaya fasaxooda si ay daraasad ugu sameeyaan gobolka Sanaag iyo guud ahaanba Somaliland ayaa waxay xuseen in nabadgelyada Somaliland ka jirtaa ay tahay mid heer sare ah waxaanay sheegeen in ay meel kasta oo ay jeclaysteenba soo mareen waxyaabo ay jeclaysteena ay arkeen kuwaasoo ku amaanay dadka Somaliland sida ay uga suurogaliyeen wadankooda nabad caam ah.

 

Dhianaca kale ,waxaa waayadan dambe ku soo qulqulayay Somaliland dad kala duwan oo ka soo jeeda beesha caalamka kuwaasoo badanaa indha indhayn u yimaada Somaliland,iyadoo ay intaasi dheer tahay arday ajanabi ah oo cilmi baadhis u yimaada Somaliland kuwaas oo sida ay sheegeen markii hore ugu

bixi jiray cilmi baadhistaa wadamada kale ee Afrika,laakiin sheegay in ay ka heleen J.Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this