Sign in to follow this  
Daandurreey

War in Kismayo again. This time Hassan Turkey commandos join the fight

Recommended Posts

Kismaayo,(WNT):-War deg deg ah:Warar goordhaw naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in uu halkaasi dagaal xoogan ka qarxay.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka caawa ka qarxay Magaalada Kismaayo soo galeen ciidamada gaarka ah ee daacada u ah Sheekh Xasan turki.

 

Dagaalkaan ayaa la sheegay in uu ka socanayo duleedka Magaalada Kismaayo kaasi oo u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Al-shabaab iyo Xisbul islaam.

 

Saxafiyiin ku sugan magaalada Kismaayo oo aynu xiriiro kala duwan la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay in caawa fiidkii dagaal uu ka qarxay duleedka Magaaladaasi.

 

Dagaalka ayaa haatan la sheegay in uu u socanayo si aad u xoogan isla markaana aan la ogaan karin khasaaraha ka dhashay.

 

Saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul islaam oo goordhaw la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay dagaalka isla markaana sheegtay in guulo hordhac ah ka gaareen.

 

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa caawa ah mid aad u kacsan isla markaana wal wal xoogan soo wajahay dadka magaaladaasi ku dhaqan.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco

 

www.waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

KN:Warar hadda ku soo dhacay xafiiska warsidaha KismaayoNews ayaa sheegaya inuu dagaal ka qarxay Deegaanka Guba-Kibir oo u dhaxaysa Kismaayo iyo Janaa Cabdalla oo fadhiisin u ahayd ciidamadii Xizbul Islaam ee laba maalmood ka hor laga soo saaray magaalada Kismaayo.

 

Xabaddu way socotaa, wuxuuna dagaalku bilawday 5:30 galabnimo ee saacada geeska Afrika ilaa iyo haddana ma hayno wax tafaasiil ah oo intaasi dheer.

 

Xalay ayay ahayd markaan soo tabinay inay xoogagga Alshaab ku sii jeedaan oo kuluf ku bixiyeen fadhiisimaha ciidamadii Xizbul Islaam ee ay kaga adkaadeen dagaalkii Kismaayo.

 

Waxaan sidoo kale soo tabinay inay masuuliyiinta ugu saraysa labada Xarako ee Alshabaab iyo Xizbul Islaam ay isku afgarteen inaan labada qolo midna duulaan ku bixin midka kale, shaqaaqadana lagu xaliyo wada hadal.

 

Guba-Kibir Kismaayo waxay u jirtaa qiyaastii hilaada 30km, waxaana laga yaabaa in dagaalka uu ku fido illaa iyo Kismaayo xilli ciidamada Xisbul Islaam ay magaalada kaga wajahanyihiin 3 meelood

 

Dagaalka oo bilaw ah faahfaahintiisa iyo halka uu ku biyo shubto kala soco KismaayoNews.

Share this post


Link to post
Share on other sites

KN:Wararka naga soo gaadhaya Biibi iyo Qooqaani ayaa sheegaya

inay joogsadeen daryaanka iyo madaafiicdii cuslaa ee ay maqlayeen halkii saac

iyo barkii ugu danbeeyay ee la soo dhaafay adoo wali la maqlayo dhawaaqa

rasaasta qoryaha darandooriga u dhaca oo teel teel ah.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in reenka rasaasta la

maqlayaa ay u muuqato inay u durugtay dhinaca Kismaayo.

 

Wali ma jiraan warar waafi ah oo ka soo baxaya jiidda hore

ee labada garab isku faro saareen. Warsidaha KismaayoNews oo isku hawlaya inuu soo tabiyo wararka ugu

danbeeyay ee dagaaladda qarxay ayayna wali noo suuro galin inaan taleefan ku

helno saraakiisha kala hogaaminaysa labada dhinac ee dirirtu u dhaxayso.

 

Warar

dheeraad ah goor walba ka filo KismaayoNews.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this