Sign in to follow this  
miles-militis

Men of political ambitions should never meet in close corners, not even in the sauna.

Recommended Posts

Business is booming. Employment opportunities are generated. Services, public as well as private are provided. The locals are on cloud nine. Life continues as usual for ordinary Farah and Isse, yet the political squabbling amongst government officers continues in Garowe. I guess once you summon a group of highly ambitious, smart men in a relatively small city, all coud be expected - swords out of the shields and all.

././

Garoowe, (Yamayska)- Hormarka Caasimadda Puntland Iyo Xurgufta Masuuliyiinta Dowladda - 09 July 2003 , 12:31

 

Naqdin

 

Garoowe, (Yamayska) Magaaladda Garoowe ee caasuumada Puntland waxaa dib ugu soo laabtay intii badnayd xafiisyada dowladda, waxaana si wayn looga dareemay shaqooyinka kala duwan ee wasaaradaha dowladda. Inta badan dadka shaqeeya Garoowe waxay u shaqo tagaan xafiisyadaas iyo ganacsiga meheradaha kala duwan ee magaaladda.

 

Hoteellada magaalada ayaa waxaa adkaatay inaad jiif ka hesho si sahlan kadib markii ay wada buuxsameen. Waxaan iyana la dhayalsan karin mashquulka ay ku jiraan gadayaasha iyo mulkiilayaasha makhaayadaha cuntada iyo kuwa sharaabka lagu gaddo.

 

Ganacsatada magaaladda sida mulkiilayaasha bakhaarada raashinka iyo dukaamada dharka ayaa sheegay inay saddex jibbaarmeen safaradoodii wax ka soo gadashada dibadda.

 

Arday kala duwan oo isugu jidha dugsiyada sare, dhexe, iyo hoose, ayaa ku howlan barashada culuumta kala duwan.

 

Isbitaalka guud ee Garoowe ayaa sidookale waxaa ka soconaya howlaha caafimaadka ee loogu gargaarayo bukaanada caadiga ah. Ciidamada Booliska dagmada Garoowe ayaa iyaguna ku mashquulsan qaadista canshuurta kala duwan ee dowladda gaar ahaana xiligan oo wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidku waddo olole gaadiidka looga qaadayo canshuurta ku waajibtay.

 

Wasaaradaha qaarkood ayaad arkaysaa in dad badani hordhooban yahay sida wasaaradda maaliyadda oo malaha dadka aan shaqayni u shaxaad tagaan. Waxay dadku ka sheekaystaan in shaqada darteed ay is la'yihiin dad ay dani ka dhexaysay, maadaama ay waqti helayaan oo kaliya maalinta Jimcaha ah ee ay ka nasanayaan shaqooyinkooda.

 

Bilicda magaaladda oo awalba ka mid ahayd magaalooyinka ugu waddooyinka fiican Puntland ayaa waxaa ka soconaya dhismayaal badan oo kuwo ganacsi iyo deegaanba isugu jira, kuwaas oo xataa ay ku jiraan guryaha Dabaqyada loo yaqaan.

 

Goobaha lagu falanqeeyo siyaasada ee Garoowe waxaa inta badan looga sheekaystaa masuuliyiinta dowladda gaar ahaana xurguf la sheegay inay ka dhaxayso madaxdeeda sare -sare, taas oo sida muuqata soo bilaabatay dhismihii xukuumadda hada shaqaysa ee Puntland. Waxaa markasta la hadal hayaa inay jiraan kooxo soo kala horjeeda dhinaca aragtida, kuwaas oo wasiiro, baarlamaan, saraakiil ciidan iyo madax kale intuba ay ku jiraan.

 

Arintan oo saamayn wayn ku yeelan kartay hormarka iyo waxqabadka guud ee dowladda iyo kan wasaaradaha kala duwan intaba ayaa waxaa dhinac socda xurguf ka jirta wasaarad walba dhexdeeda oo waxaa yar wada shaqaynta wasiirada, ku xigeenada iyo masuuliyiinta kale ee la shaqeeya.

 

Lama garanayo sababta dhabta ah ee ka danbaysa xurgufta, isximinta, iyo baratanka wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee dowladda, hase yeeshee waxaa dad badani rumaysan yihiin in dirirtani ay salka ku hayso awood u baratan uu mid walba doonayo inuusan kan kale waxba u ogolaan, adeegyada xafiisyada wasaaradaha dowladda oo ay isku haystaan wasaarad walba masuuliyiinteedu & arimo kale oo la mida.

 

Xasuusta dad badan waxaa wali ku jirta in burburkii ku yimid Puntland kal hore ka soo bilowday khilaafka madaxdii dowladda ee xilligaas, iyadoo sidoo kale aan wada ognahay dibu dhaca & khasaaraha naf iyo maalba leh ee ay inagu qaadatay soo celintii midnimada Puntland.

 

Shaki kuma jiro in haddii masuuliyiintu isku mashquusho, dagaalamaan, iska soo horjeestaan, ay meesha ka baxayso shaqadii dowlada iyo u adeegidda bulshada daallan ee nasiinada u baahan.

 

Su'aasha iswaydiinta u baahani waxaa weeye mar haddii aan ka soo kabanay dhibaatadii shalay ee khilaafku aabaha iyo hooyada u ahaa, isla markaasna aan soo baranay faraqa u dhexeeya isku-duubnida iyo qaybsanaanta, maxay tahay baahida loo qabbo in dib loogu noqdo godkii madoobaa ee shalay Puntland laga qaniinay?.

 

Ugu danbayntii waxaa la gudboon masuuliyiinta dowladda inay ka tagaan wax barito lagu soo xasuusto maadaama uusan qofna waligi iska hayndoonin xilka ummadda. Shacabka Puntland waxaa la gudboon inay soo kabaan dib u dhicii ku yimid Puntland ee aysan dib ugu laaban raad mar hore laga soo gudbay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this