Sign in to follow this  
Sharmakee

Qeybdiid puntland militia attack courts

Recommended Posts

Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu ku dhex maray saakay ciidamo ka tirsan Maxkamadaha iyo kuwa Puntland oo ay wehliyaan xoogag taabacsan Cabdi Qeybdiid agagaarka deegaanka Galinsoor ee gobolka Mudug.

 

 

Cali cabdi Awaare iyo Sheekh Yuusuf Indho Cadde

 

Madaxa waaxda amaanka ee Maxkamadaha islaamka Sheekh Yuusuf Indho cadde ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland in ay duulaan ku soo qaadeen fariisin ciidamada maxkamadaha islaamka ay ku lahaayeen agagaarka Galinsoor, isagoo sheegay in ay iska caabiyeen.

 

Sheekh Yuusauf Indho cadde oo shir jraa'id ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uusan jirin wax qasaaro ah oo ka dhashay weerarkaasi oo uu ku eedeeyayin Puntland ay ku soo qaaday agagaarka Gelinsoor.

 

Sheekh Yuusuf Indho cadde ayaa sheegay in Puntland ay weerarkaasi kaga gol leedahay in shacabka ku dhaqan Puntland ay tustay in maxkamadaha ay yihiin qabiil doonaya in ay qabsadaan si la isaga horkeeno maxkamadaha iyo shacabkaasi, isagoo ku celiyay in maxkamadaha islaamka aanu weerar ku aheyn Puntland.

 

Waxa uu sheegay in labada ciidan ay isku jiraan meel isku muuqata, ayna ku amreen ciidamadooda in aaneey wax jawaab ah ka bixin weerarka uu sheegay in saabay lagu soo qaaday hadii aan mar kale lagu soo duulin.

 

Sheekh yuusuf Indho cadde ayaa sheegay in maxkamadaha islaamka ay taageersan yihiin maxkamaddii dhowaan laga furey Puntland, isagoo sheegay in ay bilow u tahay maxkamado islaami ah oo dhowaan looga dhawaaqay Puntland.

 

Shacabka Puntland ayuu ku amaanay in ay yihiin dad nabadda jecel, isagoo boqorada iyo salaadiinta reer Puntland kula taliyay in ay ka hortagaan dhibaato uu sheegay in uu wado madaxweynaha MG Puntland Cadde Muuse, isagoo xusay in maxkamadaha hadii ay duulaan ku yihiin Puntland aysan joogi laheyn 4 bilood gobolada dhexe.

 

Qorshaha Puntland ee maxkamadaha damacsan yihiin waxa uu ku sheegay in uu yahay sidii dadka ay uga dhaadhicin lahaayeen ku dhaqanka shareecada islaamka.

 

Laakiin Maamul goboleedka Puntland ayaa dhinac isaga riixay wararka ka soo eedeymaha ka soo yeeray Maxkamadaha ee sheegaya in ciidamo Puntland ay ay weerar ku qaadeen fariisin ay dagan yihiin xoogagga maxkamadaha islaamka.

 

Wasiirka horumarinta iyo reer Miyiga MG Puntland Cali Cabdi Awaare ayaa beeniyay wararkaasi, ka dib hadalo uu siiyay saxaafadda.

 

Awaare waxa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay eedeymahaasi, isagoo yiri" Puntland weerar ma ahan balse waa difaac".

 

Cali Cabdi Awaare ayaa ku tilmaamay shirka Jaraa'id ee Indho cadde uu qabtey uu mid macnihiisu yahay in maxkamadaha islaamka ay weerar ku yihiin gobolada Puntland.

 

Deeganka Galinsoor ayaa waxa uu 90 km u jiraa magaalada galkacyo, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamada Puntland iyo kuwa Cabdi Qeybdiid ay abaabulo dagaal ka wadeen deegaanka Bandiiradleey oo wax yar u jira deegaanka Gelinsoor.

 

Iska horimaadkaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli gobolada Puntland laga cabsi qabo in ay ka dhacaan kacdoono ka dhan ah maamulka Puntland, iyadoo Maxkamad islaami ah oo ay leeyihiin dad ka soo jeeda Puntland lagaga dhowaaqay magaalada Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

November -05 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia .

 

Golaha maxaakiimta Islaamka iyo maamul goboleedka Puntland ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay dagaal ciidamada labada dhinac maanta ku dhexmaray nawaaxiga deegaanka Galinsoor ee gobolka Mudug.

 

Shirar jaraa'id oo ay ku kala qabteen magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo mas'uuliyiin ka kala tirsan golaha maxaakiimta Islaamka iyo maamul goboleedka Puntlnad ayaa dhinacba dhinaca kale ku eedeeyey qaabka uu dagaalka uga dhacay tuulada Farcaano oo ku taalo duleedka magaalada Galinsoor.

 

Madaxa ammaanka golaha maxaakiimta Islaamka Sh. Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha cadde ayaa sheegay in fadhiisimada ciidamadooda ay soo weerareen ciidamada maamul goboleedka Puntlnad halka wasiirka dowladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare uu ka beeniyey arrintaas.

 

Sh. Yuusuf Indha cadde oo sheegay in aanu jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidamada maxaakiimta Islaamka ayaa tilmaamay in masaafo sidaa u kala fogeyn ay isku jiraan labada dhinac.

 

Maamul goboleedka Puntlnad iyo maxkamadaha islaamiga ayaa maalmahan dambe is dhaafsanayey weeraro dhinaca afka oo ay warbaahinta isku marsiinayeen iyadoo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse iyo golihiisa wasiirada ay soo buuxiyeen magaalada Gaalkacyo ee bartamaha Soomaaliya.

 

Arrintaas oo sababteeda tahay si ay isaga difaacaan waxa ay ku tilmaameen weeraro daandaansi ah oo ay maxkamadaha Islaamka la damacsan yihiin magaalada Gaalkacyo oo ku taala bartamaha dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka dowladaha hoose ee maamul goboleedka Puntlnad Cali Cabdi Awaare oo ka mid ah xubno wasiiro ah oo kulamo wada tashi ah Gaalkacyo kula yeelanayey dadwaynaha halkaas ku sugan ayaa HornAfrik u sheegay in dagalka ka dhacay duleedka Galinsoor uu yahay mid halkaas ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan maxkamadaha Islaamka oo Puntlnad ciidamadeeda aaney ka dhaqaaqin fadhiisamadooda magaalada Gaalkacyo.

 

Hore ayaa maxkamadaha Islaamka waxa ay ugu eedeeyeen maamul goboleedka Puntlnad iyo weliba ciidamo uu watay Col. Cabdi Qeybdiid inay fadhiyaan magaalada Bandiiradley iyadoo wasiirka dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyaga uu arrintaas qiray in ciidamo Cabdi Qeybdiid taageersan ay ku sugan yihiin deegaanka Bandiiradley.

 

Waxaa jirta cabsi weyn oo laga qabo in magaalada Gaalkacyo uu dagaal ku dhexmaro maamul goboleedka Puntlnad iyo ciidamo taabacsan golaha maxaakiimta Islaamka iyadoo hore ay u jirtay maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqay dhinaca Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo islamarkaana mas'uuliyiintii kaga dhawaaqay qaarkood ay yimaadeen magaalada Cadaado si ay gacan uga helaan golaha maxaakiimta Islaamka waxaana labadii maalmood ee la soo dhaafay ku qulqulayey dhinaca Galinsoor ciidamo taabacsan maxkamadaha Islaamka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this