Sign in to follow this  
Cowke

SSC Rebels Accused Of Having Secret Agreement With Silanyo. (AUDIO)

Recommended Posts

Cowke   

BUUHOODLE: Hogaanka SSC oo lagu eedeeyey inay Heshiis la galeen Maamulka siilaanyo

Posted to the Web Jul 30, 07:11

 

Buuhoodle: (pp)- Xubno ka tirsan Guddiga khusuusiga ee SSC ayaa la sheegayaa inay heshiis hoose la galeen Maamulka Siilyaanyo ee ismaamulka Somaliland.

 

 

Ragan lagu eedeeyey inay heshiiska la galeen ismaamulka Somaliland ayaa lagu sheegay inay yihiin hogaamiyaha sar sare ee SSC, kuwaas oo kala ah Saleebaan Ciise iyo Col. Cali Sabarey.

 

Eedaan ayaa waxaa u soo jeediyey masuuliyiintan Col. Faarax Maxamed Seed oo ka tirsan isla gollaha khusuusiga SSC, isagoo ka digay in arrinkaasi uu yahay mid lagu majaxaabinayo midnimada halganka dadka ka soo jeeda SSC.

 

Guddoomiyaha Guddi hoosaadka ee Gollaha khusuusiga oo la soo xiriiray Idaacada Daljir qaybtiisa Buuhoodle ayaa saxaafada u xaqiijiyey in Ragaasi ay heshiis hoose la galeen maamulka Siilaanyo ee hogaamiya ismaamulka waqooyi galbeed.

 

Masuulkan eeda u jeediyey hogaanka sare ee SSC Col. Faarax Maxamed Seed, ayaa sheegay inay Ragani ay la kulmeen niman ka yimi maamulka Siilaanyo oo ay kula kulmeen magaalada Huuhoodle , arrinkaas oo uu ku sheegay inuu yahay mid lagu majaxaabinmayo siyaasada hogaanka SSC.

 

Col. Faarax Maxamed Seed ayaa sheegay in inta la haysto Taako ka mid deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn aan wax haddal ah lala geli Karin dadka ku soo duulay deegaanka Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Haddalka Masuulkaan ayaa dhaliyey tuhun xoogan oo horay loo qabay, iyadoo horay loogu eedaynayey in Raga horbooda siyaasada Sool, Sanaag iyo cayn ay yihiin kuwo xiriir hoose la leh Ismaamulka Somaliland.

Weli wax war ah lagama hayo dhanka siyaasiyiinta lagu eedeeyey arrinkaasi, iyagoo ku sugan deegaanka Buuhoodle, waxaana laga sugayaan Jawaab ku aadan arrinkaas iyo sida ay isaga difaaci lahaayeen.

Waa markii ugu horaysay oo eedayn xoogan loo jeediyo maamulkii lagu soo dhisay caasimada Nairobi ee Kenya ee SSC.

 

Saciid C/salaan Saciid

Wakiilka Puntlandpost- Garoowe

Loole15@hormail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this