Sign in to follow this  
Che -Guevara

Xuseen Caydiid oo ciidamada Eleteriya xabsiga u taxaabeen ka dib markii looga shakiye

Recommended Posts

Xuseen Caydiid oo la sheegay in lagu xiray Magaalada Asmara kadib markii looga shakiyay basaasnimo.

 

Warar maalmahan ay isla dhexqaadaysay saxaafada caalamka iyo tan somalidaba ayaa siwayn u hadal haya in Xuseen Maxamed Caydiid uu ku jiro Xabsi ku yaal magaalada Asmara halka warar kale ay sheegayaan in lagu xukumay Xabsi guri iyadoo lagu wargaliyay inuusan banaanka u soo bixi karin adeegsana karin wax telefoon ah ama aalada Internetka toona.

 

 

Wararkan oo siwayn isu soo taraya ayaysan wali jirin cid beenisay oo ka tirsan kooxda fadhigeedu yahay Asmara iyadoo in mudaana aan la maqal codka Xuseen Caydiid oo looga bartay inuu hadalo is burinaya ka sii daayo Saxaafada.

 

Hadaba xuseen caydiid ayaa horay u ahaa taageerayaasha ugu dhaw ee Xukuumada Ethiopia isagoo hada ka hor ku baaqay in laysku daro somaliya iyo Ethiopia ka hor intii uusan ka baxsan Magaalada Muqdisho isagoo markii uu baxsaday iska xaadiriyay magaalada asmara oo ah magaalada ay magaceeda ugu neceb yihiin Taliska Addis ababa.

 

AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somalidaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka ka ka imaanaya magaalada Asmara ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee dalka Eleteriya ay xabsiga u taxaabeen Xuseen Caydiid oo ka mid ah isabahaysiga dhowaanta lagu dhisay magaalada asmara ..........

 

 

Xariga Xuseen caydiid ayaa sida waraku nagu soo gaadhayaan yimid ka dib markii xukuumada Eleteriya iyo isbahaysiga uu ka mid yahay ay uga shakiyeen in uu ushaqeeyo dowlada Ethiopia ...

 

Ma jiraan ilaa hada cid madax banaan oo si rasmi ah u xaqiijisay xadhiga xuseen caydiid, sidoo kale ma jiro war ka soo baxay dowlada Eleteriya iyo isabaysiga dib uxoraynta Somalia toona oo la xidhiidha xadhiga xuseen caydiid ,wallow wararka sida hoose lagu helayo ay sheegayaan in xuseen caydiid ku jiro xabsi ku yaal galbeedka magaalada Asmara..

 

Xuseen Caydiid oo ka mid ah raga ugu caansan hogaamiyayaashii wakhtigoodu dhamaaday ee magaalada Mogadishu ka talinayey tan iyo intii ay burburtay dowladii dhexe ee Somalia ayaa beryahan danbe waxaa la soo deristay xaalada adag oo dhinaca siyaasada ah , caydiid ayaa laba jago oo aad u muhiim ah ka soo qabtay dowlada Federaalka ee Somalia , waxyar ka dib markii uu xuseen caydiid ku wareejiyey Villa Somalia Madaxwayne C/laahi yuusuf ayaa hadana waxaa uu ku biiray mucaaradka dowlada ee ku sugan Eleteriya taas oo la yaab ku noqotay in badan oo taageerayaashiisa ah ..

 

Afnugaal news Disk

 

Info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Originally posted by -:

Xuseen Caydiid oo la sheegay in lagu xiray Magaalada Asmara kadib markii looga shakiyay basaasnimo.

LOL. Good riddance.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

Waxaas waa been. Caydiid yare waa in wadani ahaa, haddana mujaahid mar kastana Mariin mareekan ahaa. Bidaar ku sheeg, Buufis ku sheeg laakiin marnaba ha ku sheegin Basaasnimo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

Sida dadka qaarkii ay aaminsanyihiin, ninkan wuxuu awal ahaa wax macno ah oo ay leedahay ma jirto, marba haddii uu ku biiray bahda Asmara ku dhuumata.

 

Mujaahid haddaad mar noqotana towbad ma u baahantahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Sxb, mujaahidnimada wax la iska noqda ma ahan, jagadaydi wasiirnimo ayaan waayey sidaa darteed Asmaraan aadi wax lagu hadla ma ahan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

^^^ Mujaahidnimada in Asamara laga baxsho laguuma sheegin miyaa?

War ruuxii Asmara taga, ku biira ama taageera mucaaradka waxaa lagu abaal marayaa mujaahidnimada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

^Let my sijui self translate for you Ayoub...

 

War jiro uma eko=the news is highly unlikely to exist..MMA is saying its fabricated news!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this