Sign in to follow this  
MoonLight1

Abuu Qataatow Assasinated.

Recommended Posts

Sheikh C/qaadir Xamza Abuu Qataatoow oo dhawaan la qaarajiyey xili uu dhawaan ka soo goostay

 

Waxaa dhawaan gudaha suuqa Bakaaraha lagu dilay sargaal sare oo ka tirsana a Maxkamdaha garabka Sheikh shariif lakiin dhawaaan ka soo goostay dhanka shariifka kuna biiray xoogaga xisbul Islaami

 

Dilka sarkaalkani ayaa waxaa u xaqiijiyay saraakiil sar sare oo ka mid ah Ururka Xisbul Islaam oo uu ka tirsanaa,waxaana ay intaasi raaciyeen in aan la garanayn Sababtay loo dilay iyo Cida dishay Intaba.

 

C/qaadir Xamza Qataatoow oo ahaa shaqsi siweyn ula diriy Itoobiyaanka ayaa dilkiisa waxaa la dhihi karaa mid siweyn looga xumaado mar hadii dhiiga mujaahidiinta sidaa sahal loo dilaayo iyadoo laga doonaayo in illaha aloogu dhawaado

 

 

C/qaadir Xamza Qataatoow waxaa uu ka mid ah saraakiishii Muqaawamada xiliyada adag dagaalada kula jiray Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ethiopia,waxaana markii dambe uu ku biiray dhanka dowladda kadib markii la soo doortay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyadoo Isbuucaan horaantiisana uu ka soo tagay dowladda islamarkaana uu ku biiray Ururka Xisbul Islaam.

 

dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/qadir Xamsa Qataatow Oo Maanta Lagu Aasayo Muqdisho.

29 May, 2009 01:09:00 Toronto t.

Font size:

 

C/qadir Xamsa Qataatow oo dhawaan ku biiray Xisbul Islaam ayaa xalay koox dablay ah ay ku toogteen suuqa Bakaaraha qaybta Cirtoogte. Qataatow oo si wayn looga yaqaano Muqdisho ayaa ahaa dagaal yahan geesi ah, wuxuna ka tirsanaa ciidamadii golihii Maxaakimta oo Muqdisho u taliyay muddo gaaban oo sanadkii 2006 ka mid ahayd.

 

Markii qilaafku uu soo kala dhex galay midowgii maxaakimta ayna u kala jabeen dowlad iyo Xisbul Islaam ayuu Qataatow wuxu ku biiray dhanka dowladda oo uu u dagaalamay bishaan horaanteedii dagaaladii ka dhacay Muqdisho. Todobaad ka hor ayuu ka soo baxay dowladda oo uu ku biiray Xisbul Islaam.

 

Xalay fiidkii ayaa dhalin yaro ku hubaysan bistoolado ay ku toogteen bartamaha suuqa Cirtooge, waxana loo malaynayaa in loo dilay aano ku aadan sababtii uu markii hore ugu biiray dowladda, waxayna u muuqataa inaysan Mucaaradku ka aqbalin toobadii uu keenay iyo biiridii uu kusoo biiray dhankooda, waxaana mayadkiisa lagu aasayaa saaka magaalada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this