Sign in to follow this  
General Duke

Puntland Minister visits Nato Flag Ship...

Recommended Posts

Masuuliyin Ka Tirsan Dawladda Puntland iyo Ciidanka Badda NATO Oo Kulmay

 

August 3, 20100 comments| leave your own!Wefdi u horkacaayo Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka Badda Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage iyo saraakil ka tirsan Ciidanka Badda Puntland ayaa duleedka xeebta magaaladda Bosaaso ee xarunta gobolka Bari kulan kula qaatay Saraakil ka tirsan Ciidanka Badda NATO ee xeebaha Soomaaliya u jooga howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida.

 

Kulanka ayaa ka dhacay mid kamid ah Maraakiibta dagaal ay iska leeyihin Ciidanka Badda NATO oo yimi xeebta Bosaaso,waxaana goobjoog ka ahaa kulanka Taliyaha guud ee Ciidanka NATO Commodore Michel Hijmans oo dhowaan xilkaas la wareegay.

 

Sida ay wararku sheegaayan kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Puntland,iyadoo si aad ah lagu dheeraaday arrimaha la dagaalanka Burcadbadeeda.

 

Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka Badda ayaa Saraakiisha ciidanka Badda NATO u sheegay in Dawladda Puntland ay ka go’an tahay in ay la dagaalanto Burcadbadeeda,waxaana Taliyaha Ciidanka NATO sheegay inuu soo dhoweynaayo go’aanka NATO isla markaasna diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan.

 

Kulanka ayaa ahaa mid aan loo ogolayn in ay Saxaafada ka qaybgasho,waxaana kulamo noocaan oo kale dhexmaray masuuliyinta Dawladda Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada ku sugan xeebaha Soomaaliya.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this