Sign in to follow this  
Gar-haye

geesinimo aan la arag

Recommended Posts

Gar-haye   

Askari Itoobiyaan ah oo maanta lagu dilay gudaha Baydhabo, Qoray uu sitayna laga qaatay

 

Jimco, January 11, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in maanta Salaaddii Jimcaha kadib halkaas lagu dilay askari ka tirsan CIidamada Itoobiyaanka ah ee magaalada ku sugan.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in Askarigaas oo isagoo Qorigiisa wata ka adeeganayay Suuqa Baydhabo uu weerar ku qaaday nin Mindi ku hubeysnaa, kaasi oo ku guuleystay in uu Askarigii Mindida ku dilo, dabadeedna uu ka qaato qorigii uu watay.

 

Markii uu dhacay dilka Askarigaas ayaa waxaa mar kaliya qasmay jawiga magaalada Baydhabo, waxayna dadkii ku ganacsanayay Suuqa Baydhabo ay xireen goobahooda ganacsiga, si aysan dhibaato ugu geysan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ee magaalada ku sugan.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa waxay yihiin kuwo dadka iska dhex laafyooda iyagoo aan wadan wax hub ah oo aad u badan, hayeeshee wuxuu dilka askarigan u dirayaa farriin ah in aysan ka soo bixin xerooyinkooda sida maanta dhacday kadib markii askarigaas laga dilay.

 

Wuxuu ahaa Askarigii ugu horeeyay oo si toos ah magaalada Baydhabo loogu dilo, marka laga reebo Askar uga geeriyootay Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo mar sii horeysay lagu qarxiyay Xero ay ka degan yihiin Magaalada Baydhabo oo ah Xarunta Warshaddii Oomada ee Avv. Xasey.

 

Ugu dambeyntiina, Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa waxay tahay mid kacsan, waxaana gudaha magaalada lagu arkayaa Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo qudhooda dareen qaba. Magaalada Baydhabo oo weli fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay falal nabadgelyo darro ah oo isugu jiray dilal, qaraxyo iyo weerarro lagu qaaday mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

that is what a call a brave man.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

This reminds me of the man who said during the 77 war 'Hubkey maanta wadato waa mid aan wadaagnaaye'

 

What a shame - the men who used to plough the fields of Beerta Dowlada near Afgooye in their humiliating white shirts and shorts today roam free at that very spot and on top of that dictate its inhabitants.

 

If not for this incredibly incompetent pseudo-government of ours, No living or dead soul of a scrawny Ethiopian would be seen on Somali Soil.

 

Their bodies, decapitated and decaying would be dragged through a culvert to rot in their cesspit! nothing less...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

the geesinimo you praise today will get people killed tomorrow and you will be to complain about people killed in a baidoba market= caqli xumo

Do you really care haddii Soomaali la dilo unless those you think are on your side other than inaad baroorato markii Itoobiyaan la dilo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its not the death of Ethio Solders that bother me to be honest but caqli xumo being mistaken for geesinimo. LX Maandhey any day rather then xawayaan. Blessed, his name is two testicles for god sake, what do expect?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this