Sign in to follow this  
ansaar17

Dagaal ka bilaawday Agagaarta Xarunta Xisbiga ee magaalad Muqdisho

Recommended Posts

ansaar17   

Posted to the Web Apr 10, 22:24

 

 

Muqdisho:-Dagaal qaraar ayaa ka bilaawday iyo Is rasaaseyn xooggan agagaarka xarunta Xisbiga iyo garoonka Stadiyo Muqdisho ilaa wada iskuulka Jen Daa,uud daryanka madaafiicda iyo Taangiyada Itoobiya ayaa si weyn looga maqlayaa dhamaan Xaafadaha ku dhow Xamar Bile ee Muqdisho.

 

Dagaalka ayaan ilaa haatan la aqoon Sababta bilaawday iyada oo ay soctay waan waan labada dhinac waxaase galabta fashilmay kulan ay yeelan lahaayen Saraakiisha Ciidanka Itoobiya iyo Odayaal dhaqameedyo ka tirsan Beelaha ******.

 

 

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

Muqdisho(AllPuntland)- Dagaalo xoogan ayaa caawa ka bilowday aagagii ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo caawinaya Soomaaliya iyo kooxaha kale ee ka soo horjeeda iyadoo caawa magaalada Muqdisho laga maqlayo dhawaqa madaafiicda PM-ka loo yaqaan iyo rasaasta kale ee daran dooriga u dhaca.

 

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii *kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay rasaas laga ridayey qoryaha fudud ay ku fureen fariisamaha ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo ku sugan agagaarka Xamar Bile iyo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho* :D iyadoo ciidamada Itoobiyana ay jawaab culus ka bixiyeen waxaana ilaa hada la maqlayaa dhawaqa madaafiicda.

 

Dagaalkan oo ku soo beegmay xili maanta uu baaqday kulan lagu waday in ay isugu yimaadaan waxgarad kasoo jeeda kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo saraakiisha Itoobiya oo shuruud ku xeray kulankii maanta.

 

Wixii ku soo kordha iyo khasaaraha dagaalkan geystay waxaan idiin kugu soo gudbin doonaan wararkeena danbe hadii Alle Idmo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

Israsaaseyn xoogan oo ka bilaabatay agagaarka xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho.

 

Muqdisho, Talaado, April 10, 2007 Simba Radio

 

WAR DEG DEG AH

 

Israsaaseyn xoogan ayaa daqiiqa ka hor si xowli ah ugu bilaabatay agagaarka xarunta Xisbiga iyo dhabarka dambe ee Stadium Muqdisho wadada Jeneraal Daa'uud.

 

Labada dhinac ayaa is weydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan madaafiic xoogan, iyadoo madaafiicda qaarkood la sheegay inay ku dhaceen deegaano ay kamid tahay xaafada Toowfiiq ee magaalada Muqdisho.

 

Daryanka Madafiicda labada dhinac ay isku adeegsanayaan ayaa laga maqlayaa qeybo badan oo magaalada Muqdisho ka tirsan, iyadoo ilaa iminka aan la xaqiijin karin qasaaraha ay madaafiicdaasi geysteen maadaam xiliga uu habeen yahay.

 

Ciidamada Ethiopian-ka iyo kooxaha kasoo horjeeda ee toddobaadkii tagay ku dagaalamay magaalada Muqdisho ayaa wali is horfadhiyay, iyadoo habeenada qaar la maqlayay madaafiic goos goos ah iyo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku ridayeen.

 

Israsaaseyntaan caawa ka socota magaalada Muqdisho ayaa waxaa walaac xoogan ka muujinaya dadweynaha Muqdisho ku dhaqan oo ka haray intii magaalada ka qaxday, iyagoo maalmihi ugu dambeeyay farta wadnaha ku hayay oo ka cabsanayay in dagaal mar kale magaalada ku dhex maro ciidamada Ethiopian-ka iyo kooxaha aadka ugu soo horjeeda.

 

Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xili xabad joojin ay kala saxiixdeen odoyaasha beelaha ****** iyo saraakiisha ciidamada Ethiopian-ka, iyadoo kulan ay maanta yeelan lahaayeen uu baaqday kadi markii saraakiisha ciidamada Ethiopian-ka shuruud ku xireyn qabsoomida kulanka, waxeyna labada dhinac balameen maalinimada Axada inay mar kale dib iskugu yimaadaan.

 

Waxii kusoo kordha Israsaaseyntaan caawa ka socota Muqdisho wararkeena ayaan sida ugu dhaqsiyaha badan idin kugu soo gudbin doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this