Sign in to follow this  
General Duke

PM Geedi holds a press conference in Nairobi embassy..PICS

Recommended Posts

Prof.Cali Geedi::: Shacabka Muqdisho Fursadan ka faa'iideysta (Shir jaraa-iid/Sawiro)

Last Updated::2007-02-13 16:48:33

 

Nairobi:- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shir jaraa'iid ku qabtay magaalada Nairobi uga hadlay Amniga dalka Soomaaliya.

 

Ra'iisul Wasaaraha Cali Maxamed Geedi oo ay wehliyaan qaar kamid ah Wasiiradiisa oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha Dibada, kuxigeenkiisa, wasiirka Dekkada, Safiirka Kenya, iyo mas'uuliyiin kale ayaa shir jaraa'iid oo balaaran ku qabtay Xarunta Safaarada Somalida ee Nairobi.

 

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa shirkan jaraa'iid diirada ku saaray xaalada magaalada Muqdisho oo uu sheegay in dowlada ay dhawaan hawlgal baaxadleh ka fulin doonto.

 

Prof.Geedi oo si qoto dheer arrimahan uga hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay:

 

Waxaan la soconaa in maalmihii tagay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen qaraxyo iyo weeraro la doonayo in lagu qaso jawiga daganaansho ee magaalada Muqdisho,

 

Su’aasha waxay tahay Muqdisho 16sanno ka dib dan ma u tahay magaalada Muqdisho inay sidaan sii ahaato? Su’aashaasi waxaan usoo jeedinayaa dadka reer Muqdisho gaar ahaan Odayaasha dhaqanka, Culuma’udiinka, Siyaasiinta, Haweenka. Dhalinyarada iyo dhamaan dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho.

 

Mudaddii aan joogay magaalada Muqdisho waxaan xaqiiqsaday oo aan ogaaday in dadka reer Muqdisho ay nabad rabaan , Nolol iyo camal iney helaan, 16 sano kadib Markey ku jireen Dagaalo sokeeye,Abaaro,Daadad iyo Culeysyo ka dhashay Dagaalada sokeeye.

 

Waxaa hubaal ah in hadddii Muqdisho hagaagto in dalka iniisa kalana ay dageyso,waxaase in leys weydiiyo mudan yuu xilkaasi saran yahay? xilkaasi wuxuu saran yahay dadka reer Muqdisho Dowladdu siddaan maku fiirsaneyso waxayna Dowladdu qaadeysaa Qorshe baaxad leh oo Nabadda wax looga qabanaayo.

 

Prof. Cali Maxamed Gedi ayaa sheegay in Odayaasha, Culumadda iyo Dhamaan waxgaradka ku nool waxaan weydiisanayaa inay gacan ka geystaan sidii nabadda magaalada loo sugi lahaa iyadoo la waafajinaayo Habka deriseynta ee degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxaan ugu yeerayaa in degmo waliba ay is abaabusho sameystaana Ciidan deggaanku leeyahay oo Booliska gacan ku siiya sugida Amniga soona sheega kuwa raba iney dilaan Magaca Magaalada Muqdisho si ay Ummaddu ugu sii jirto dhibaatadda.

 

Waxaan rabaa in aan idiin caddeeyo in Dowladani la lahaa waa fadhiid, waa dabacsan tahay, waxaan dhoowreynay in Shacabkeenu aanu Dhiig danbe ka daadan maadama lagu soo jira 16sano oo uu qulqulaayay dhiigga Ummadda Soomaaliyeed, waxaanse rabaa maantay in aan ku faano hadddii aan nahay DFKMG in aanan duullaan amo colaad aanan abuurin muddadaasi,haseyeeshee aan ka shaqeyneynay isu soo dumid, dib u heshisiin iyo in la samata-bixiyo Ummadda Somaaliyeed.

 

Dowladdu wey sii waddeysaa Dib u heshiisiinta sida uu Madaxweynuhu balanqaaday si loo gaaro Nabad waarta, soo celinta Qaranimadii, sharaftii iyo karaamaddi Qaranka soomaaliyeed lahaa oo aan dib ugu soo noqono kaalintii aan Besha caalamka kaga jirnay intii aanu dagaalka sokeeye dhicin.

 

Dowladdu ma doonaneyso Qabiil gaar ah, mana jirto Colaad gaar ah oo ay qabiil u heyso, balse waxay ka shaqeyneysaa inay ka soo wadda qeybgaliso Shirarka dib u heshisin ee ay Qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo qeybaha Siyaasadda kaga qeybqaadanayaa sidii dib loogu dhisi lahaa Qaranka Soomaaliyeed loona abuuri lahaa Soomaalida cusub ee hiigsaneysa inay ka qeybgasho Tartanka loogu jiro gaarsiinta Bulshada Horumar, Nabad iyo Xasilooni suurtagalisa in Ummadda Soomaaliyeed gaarto isku-filnaasho oo aan hubo in lagu gaari karo Nabadda oo aan si wadajir ah uga wadda Shaqeyno.

 

Haddii aan si kooban uga hadlo Dib u Heshiisiinta Beesha Caalamku ku baaqeyso waan soo dhaweyneynaa, sidaan horay u sheegay, balse waxaa haboon in mid aan caddeeyo taas oo ah in Shirar is barbar socdo lagu baaqayo in dadalaka qaarkiis lagu qabto Shir, taasi waa nasoo daashadeen,maanta waxaan wadnaa shirar dib u heshiisiin oo bilow u ah qabashada shirweyne ay kasoo qeyb galaan dhamaan qabaa’ilada soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee siyaasadeediyo ururrada bulshada Rayidka.

 

Umadda soomaaliyeed dan uma ahan in shirba shirka kale lagu dumiyo, shirka dib uheshiisiintana waxaa lagu qabanayaa dalka gudahiisa waxaana awoodnaa oo aan hido iyo dhaqan u leenahay in aan geed hoostiisa fariisano oo ku dhamaysano.

 

Wixii qilaafaad ah oo jira maanta soomaaliya waxaa u curtay waa cusub waxaa jirta fursad qaali ah oo lagu kaalmayn karo dowlada iyo shacbiga soomaaliyeed su’aasha kale ee in la isweydiyo ay haboon tahay waa Somalia maanta maxay u baahan tahay?

 

Taa jawaabteeda waa in la taageero dowlad soomaaliyeed si ay usoo celiso amaanka iyo kala danbaynta loona abuuro qorshe wax looga qabanayo dhinaca amaanka tababarna lagu siinayo ciidamada loo diyaarinayo Booliiska, Militariga, Asluubta iyo ciidanka amniga si loo xaqiijiyo amaanka dalka Somalia gaar ahaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

 

Kooxihii laga adkaaday ee sheegan jiray midowgii maxkamadaha Qatar kuma ahan guud ahaan amniga dalka gaar ahaan kan gobolka, balse waxaa loo baahan yahay in sida uga dhaqsi badan laba arrimood ay beesha caalamka gacan uga geysato

 

 

In sida uga dhaqsi badan loo soo dedejiyo ciidanka Midowga Afrika ka socda ee la keenayo dalka Somalia si ay gacan u siiyaan dowladda tababar ay ugu fidiyaan ciidamada DAlka Somalia.

 

Si loo joojiyo qaska iyo weerarrada dhuumaaleysiga waxay dowladu beesha caalamka ka dalbaysaa in loo fidiyo gurmad deg deg ah si loo sugo amaanka guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, oo looga qeyb galiyo nabadeeynta magaalada (Comminute Policing).

 

Waxaan soo dhaweynayaa dadaalka ay wada beesha caalamka sida Contact group, iyo taageerada dowlada Mareykanka ay u fidinayso dowlada iyo shacbiga Soomaaliyeed sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa midowga Yurub kaalmo wax ku ool ah ugu deeqay shacabka Soomaaliyeed.

 

Waxaan kaloo mahad balaaran u jeedinayaa wadamada IGAD guud ahaan gaar ahaan dalalka deriska Kenya, Ethiopia iyo Uganda iyo dalka aan walaalaha nahay ee Yemen oo dhamaantood si hagar li’ ah ugu taagan sidii dalka Somalia ay dhibaatada ugu bixi lahayd.

 

Waxaan dadweynaha reer Muqdisho kula dardaarmayaa inay fursadaan qaaliga ah ee soo martay ay ka faa’ideeystaan aanay u ogolaanin kuwa doonayo inay ku celiyaan qaska iyo jahawareerka waxaana ugu baaqayaa dhamaan shacbiga magaalada Muqdisho ku nool inay gacmaha is qabsadaan sidii ay usoo celin lahaayeen sharafta iyo karaamadii ay lahayd magaalada Muqdisho.

 

Shirkiisa jaraa’id ka dib ayaa su’ aalo laga weydiyey bal inuu faahfaahin ka bixiyo sida ugu haboon ee ay Qunyar socodka Madaxda Maxaakiimtii hore Shiikh Shariif uga qeyb qaadan karaan hanaanka geedi socodka Nabada?

 

Wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu ku jawaabay in bulshada Somalia meel walba ay joogto ay ka qeyb qaadan doonaan dib u heshiisiinta wuxuusa carabka ku dhuftay in qolyaha Argagixsada ka diiwaan gashan inaysan boos uga banaanayn inay ka qeyb qaataan dib u heshiisiinta.

 

Shirka jaraa'iid ee Ra'iisul Wasaaraha ayaa kusoo aaday saacado kadib markii uu sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya C/laahi Yusuf Ahmed sheegay in aysan dowlada aysan ka fadhin doonin wax ka qabashada weerarada ka dhacaya magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay tilaabo adag ka qaadi doonaan.

 

Dhanka kale Ra’ iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa caawa fiidkii uduuli doona dalka France oo kaga qeyb gali doono shir ka dhacaya dalkaasi oo ay isugu imaanayaan dowladaha Afrikaanka ee ku hadla afka Fransiiska iyadoo dowlada Soomaaliyeed lagu marti qaaday.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dhaadhicin doona sidii dowladahaasi ay u taageeri lahaayeen qorshaha la damacsan yahay in ciidamo loogu geeyo dalka Somalia isla markaana taageero loo fidiyo abuurida iyo tababarida Ciidamada Xooga dalka Somalia oo haatan ay kasocoto Garoonka Balidoogle oo ilaa 10kun oo askari la isugu geeyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^It looks quite nice..

 

More on the story.

 

Prof. Gedi: Waxaan dadweynaha reer Muqdisho kula dardaarmayaa inay fursadaan qaaliga ah ay ka faa’ideeystaan aanay u ogolaanin kuwa doonayo inay ku celiyaan qaska iyo jahawareerka

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Nairobi 12/02/07

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg Somalia Prof. Cali Maxamed Gedi ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Safaarada Soomaalida ay kuleedahay dalka Kenya magaalo madaxda Nairobi, shirkaani jaraa’id oo aad u dheeraa ahaana mid socday mudo 30daqiiqo ah ayaa waxa uu ka hadlayay inta badan arrimaha ka taagan Somalia iyo sida mustaqbalka ay dowladiisa ka damacsan tahay iyadoo ay hareer fadhiyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo kuxigeenkiisa Md. Ismaaciil Buubaa, Md. Daafeedoow, Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Badda Md. Cali Ismaaciil Cabdi Giir, Safiirka Somalia ee dalka Kenya Md. Maxamed Cali Ameriko, kuxigeenka Taliyaha Booliiska Bashiir Goobe, Afhayeenka Dowlada C/raxmaan Diinaari iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka.

 

Shirkii jaraa’id oo faahfaahsan ayaa waxa uu ra’iisul Wasaaraha hadalkiisa ku bilaabay:

 

Waxaan la soconaa in maalmihii tagay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen qaraxyo iyo tuuryo la doonayo in lagu qaso jawiga daganaansho ee magaalada Muqdisho,

 

Su’aasha waxay tahay Muqdisho 16sanno ka dib dan ma u tahay magaalada Muqdisho inay sidaan sii ahaato? Su’aashaasi waxaan usoo jeedinayaa dadka reer Muqdisho gaar ahaan Odayaasha dhaqanka, Culuma’udiinka, Siyaasiinta, Haweenka. Dhalinyarada iyo dhamaan dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho.

 

Mudaddii aan joogay magaalada Muqdisho waxaan xaqiiqsaday oo aan ogaaday in dadka reer Muqdisho ay nabad rabaan , Nolol iyo camal iney helaan, 16 sano kadib Markey ku jireen Dagaalo sokeeye,Abaaro,Daadad iyo Culeysyo ka dhashay Dagaalada sokeeye.

 

Waxaa hubaal ah in hadddii Muqdisho hagaagto in dalka iniisa kalana ay dageyso,waxaase in leys weydiiyo mudan yuu xilkaasi saran yahay? xilkaasi wuxuu saran yahay dadka reer Muqdisho Dowladdu siddaan maku fiirsaneyso waxayna Dowladdu qaadeysaa Qorshe baaxad leh oo Nabadda wax looga qabanaayo.

 

Prof. Cali Maxamed Gedi ayaa sheegay in Odayaasha, Culumadda iyo Dhamaan waxgaradka ku nool waxaan weydiisanayaa inay gacan ka geystaan sidii nabadda magaalada loo sugi lahaa iyadoo la waafajinaayo Habka deriseynta ee degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxaan ugu yeerayaa in degmo waliba ay is abaabusho sameystaana Ciidan deggaanku leeyahay oo Booliska gacan ku siiya sugida Amniga soona sheega kuwa raba iney dilaan Magaca Magaalada Muqdisho si ay Ummaddu ugu sii jirto dhibaatadda.

 

Waxaan rabaa in aan idiin caddeeyo in Dowladani la lahaa waa fadhiid, waa dabacsan tahay, waxaan dhoowreynay in Shacabkeenu aanu Dhiig danbe ka daadan maadama lagu soo jira 16sano oo uu qulqulaayay dhiigga Ummadda Soomaaliyeed, waxaanse rabaa maantay in aan ku faano hadddii aan nahay DFKMG in aanan duullaan amo colaad aanan abuurin muddadaasi,haseyeeshee aan ka shaqeyneynay isu soo dumid, dib u heshisiin iyo in la samata-bixiyo Ummadda Somaaliyeed.

 

Dowladdu wey sii waddeysaa Dib u heshiisiinta sida uu Madaxweynuhu balanqaaday si loo gaaro Nabad waarta, soo celinta Qaranimadii, sharaftii iyo karaamaddi Qaranka soomaaliyeed lahaa oo aan dib ugu soo noqono kaalintii aan Besha caalamka kaga jirnay intii aanu dagaalka sokeeye dhicin.

 

Dowladdu ma doonaneyso Qabiil gaar ah, mana jirto Colaad gaar ah oo ay qabiil u heyso, balse waxay ka shaqeyneysaa inay ka soo wadda qeybgaliso Shirarka dib u heshisin ee ay Qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo qeybaha Siyaasadda kaga qeybqaadanayaa sidii dib loogu dhisi lahaa Qaranka Soomaaliyeed loona abuuri lahaa Soomaalida cusub ee hiigsaneysa inay ka qeybgasho Tartanka loogu jiro gaarsiinta Bulshada Horumar, Nabad iyo Xasilooni suurtagalisa in Ummadda Soomaaliyeed gaarto isku-filnaasho oo aan hubo in lagu gaari karo Nabadda oo aan si wadajir ah uga wadda Shaqeyno.

 

Haddii aan si kooban uga hadlo Dib u Heshiisiinta Beesdha Caalamku ku baaqeyso waan soo dhaweyneynaa, sidaan horay u sheegay, balse waxaa haboon in mid aan caddeeeyo taas oo ah in Shirar is barbar socdo lagu baaqayo in dadalaka qaarkiis lagu qabto Shir, taasi waa nasoo daashadeen,maanta waxaan wadnaa shirar dib u heshiisiin oo bilow u ah qabashada shirweyne ay kasoo qeyb galaan dhamaan qabaa’ilada soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee siyaasadeediyo ururrada bulshada Rayidka.

 

Umadda soomaaliyeed dan uma ahan in shirba shirka kale lagu dumiyo, shirka dib uheshiisiintana waxaa lagu qabanayaa dalka gudahiisa waxaana awoodnaa oo aan hido iyo dhaqan u leenahay in aan geed hoostiisa fariisano oo ku dhamaysano.

 

Wixii qilaafaad ah oo jira maanta soomaaliya waxaa u curtay waa cusub waxaa jirta fursad qaali ah oo lagu kaalmayn karo dowlada iyo shacbiga soomaaliyeed su’aasha kale ee in la isweydiyo ay haboon tahay waa Somalia maanta maxay u baahan tahay?

 

Taa jawaabteeda waa in la taageero dowlad soomaaliyeed si ay usoo celiso amaanka iyo kala danbaynta loona abuuro qorshe wax looga qabanayo dhinaca amaanka tababarna lagu siinayo ciidamada loo diyaarinayo Booliiska, Militariga, Asluubta iyo ciidanka amniga si loo xaqiijiyo amaanka dalka Somalia gaar ahaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

 

Kooxihii laga adkaaday ee sheegan jiray midowgii maxkamadaha Qatar kuma ahan guud ahaan amniga dalka gaar ahaan kan gobolka, balse waxaa loo baahan yahay in sida uga dhaqsi badan laba arrimood ay beesha caalamka gacan uga geysato

 

 

In sida uga dhaqsi badan loo soo dedejiyo ciidanka Midowga Afrika ka socda ee la keenayo dalka Somalia si ay gacan u siiyaan dowladda tababar ay ugu fidiyaan ciidamada DAlka Somalia.

 

Si loo joojiyo qaska iyo weerarrada dhuumaaleysiga waxay dowladu beesha caalamka ka dalbaysaa in loo fidiyo gurmad deg deg ah si loo sugo amaanka guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, oo looga qeyb galiyo nabadeeynta magaalada (Comminute Policing).

 

 

 

Waxaan soo dhaweynayaa dadaalka ay wada beesha caalamka sida Contact group, iyo taageerada dowlada Mareykanka ay u fidinayso dowlada iyo shacbiga Soomaaliyeed sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa midowga Yurub kaalmo wax ku ool ah ugu deeqay shacabka Soomaaliyeed.

 

Waxaan kaloo mahad balaaran u jeedinayaa wadamada IGAD guud ahaan gaar ahaan dalalka deriska Kenya, Ethiopia iyo Uganda iyo dalka aan walaalaha nahay ee Yemen oo dhamaantood si hagar li’ ah ugu taagan sidii dalka Somalia ay dhibaatada ugu bixi lahayd.

 

Waxaan dadweynaha reer Muqdisho kula dardaarmayaa inay fursadaan qaaliga ah ee soo martay ay ka faa’ideeystaan aanay u ogolaanin kuwa doonayo inay ku celiyaan qaska iyo jahawareerka waxaana ugu baaqayaa dhamaan shacbiga magaalada Muqdisho ku nool inay gacmaha is qabsadaan sidii ay usoo celin lahaayeen sharafta iyo karaamadii ay lahayd magaalada Muqdisho.

 

Shirkiisa jaraa’id ka dib ayaa su’ aalo laga weydiyey bal inuu faahfaahin ka bixiyo sida ugu haboon ee ay Qunyar socodka Madaxda Maxaakiimtii hore Shiikh Shariif uga qeyb qaadan karaan hanaanka geedi socodka Nabada?

 

Wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu ku jawaabay in bulshada Somalia meel walba ay joogto ay ka qeyb qaadan doonaan dib u heshiisiinta wuxuusa carabka ku dhuftay in qolyaha Argagixsada ka diiwaan gashan inaysan boos uga banaanayn inay ka qeyb qaataan dib u heshiisiinta.

 

Shirkiisa jaraa’id uu maanta qabtay ra’iisul Wasaaruhu waxa ay kusoo beegantay xili magaalada Muqdisho ay rabshado ka wadaan kuwo aan heybtooda lagaranayn iyagoo madaafiic iyo baasuukayaal la dhaca meelaha ay dowladda degan tahay sida Hotelada, Madaxtoyada iyo meelo kale.

 

Dhanka kale Ra’ iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa caawa fiidkii uduuli doona dalka France oo kaga qeyb gali doono shir ka dhacaya dalkaasi oo ay isugu imaanayaan dowladaha Afrikaanka ee ku hadla afka Fransiiska iyadoo dowlada Soomaaliyeed lagu marti qaaday.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dhaadhicin doona sidii dowladahaasi ay u taageeri lahaayeen qorshaha la damacsan yahay in ciidamo loogu geeyo dalka Somalia isla markaana taageero loo fidiyo abuurida iyo tababarida Ciidamada Xooga dalka Somalia oo haatan ay kasocoto Garoonka Balidoogle oo ilaa 10kun oo askari la isugu geeyey.

 

Maxamed Cabdulle Xasan (SIIDI)

siidmohamed@hotmail.com

siidi@somaliweyn.com

Somaliweyn Media Center

Nairobi Office

 

 

 

 

 

WIFI gives you the capability of connecting to the internet at high speed via your lap top, but now also via your mobile phone – allowing you to do lots of standard things you would do on the internet on your phone at broadband speeds in WI FI areas! We have a selection of mobile phones, all of which can be used in this way:

 

 

 

Web You Domainame

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Why it is evey time he is addressing the Muqsisho residents that he is not around? Or he is affaid to address the residents of Muqdisho when he is with them....hmmmmmm.... I wonder who listens to a traitor like him....Nacalatullaah dabadhilifs.....

 

 

Go figure:................

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ He has adressed mogadishu residents. He was even involved in an assasination gone wrong a while back. Remember inside mogadishu stadium? Geedi still adresses Mogadishu residents. However he will probably not make any moves like being out in the open for some random crazy man on clan revenge to kill him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this