Sign in to follow this  
Nasir

Dhallinyaro reer London ah oo sheegay inay weerari doonaan hadii cadowga Somaliland

Recommended Posts

Nasir   

London ( Halganews) Waxa maalmihii u dambeeyey is abaabul iyo tabaabushe xoog leh ku jirey koox dhallin yaro ah oo degen magaalada London iyo hareereheeda, iyagoo sida ay wararku sheegayaan qorshaystay inay jawaab diirran ka bixiyaan hadii ay cadowga Somaliland isku dayaan inay ku mudaharaadaan socdaalka madaxweynaha Somaliland. Kooxdan oo sida ay wararku sheegayaan ka madax banaan abaabulka soo dhaweynta madaxweynaha, una badan dhallinyaro ayaa waxay sheegeen inay weerar ku qaadi doonaan cidii isku dayda inay ka mudaharaado socdaalka madaxweynaha Somaliland.

 

Dhallin yaradan oo maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqooda laga dareemayey meelaha ay dhallinta Somaliland ku kulmaan ee magaalada London, ayaa telefoono kula xidhiidhayey dhallin yarada kala degen xaafadaha magaalada London, iyagoo sidoo kale diiwaan galinayey qof kasta oo sheega inuu ka qayb qaadanayo abaabulkooda. Mid ka mid ah dhallin yaradaa oo qoraal na soo gaadhsiiyey ayaa wuxu sheegay inay ka cadhaysan yihiin in kuwii dadka gumaadi jirey, markii la iska cafiyey ay hadana isku dayaan inay car-qaladeeyaan socdaalka madaxweynaha iyo qadiyada Somaliland, balse aanay taasi u suurto geleyn ee ay kala carraabi doonaan fagaaraha ay iskugu yimaadaan dhiig iyo ilko daata.

 

Masuuliyiin ka tirsan dadka wada abaabulka soo dhaweynta madaxweynaha ayaa wer-wer xoog leh ka muujiyey tallaabada dhallin yartaasi, iyagoo sida la sheegay ka codsaday inay is dejiyaan oo aanay ku kicin falal gacan ka hadal ah. Sidoo kale waxay masuuliyiintaasi digniin u soo jeediyeen kuwa la sheegayo inay ku mudaharaadaan socdaalka madax weynaha, iyagoo sheegay inay taasi kordhin doonto nacaybka iyo kala fogaanshaha labada umadood ee Somaliland iyo Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this