Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Latest from Laascaanood

Recommended Posts

Gudoomiyaha G. Sool ee Somaliland Iyo Taliyaha Booliska Oo Dadka reer Laas-caanood kala hadlay Kheyriyada iyo Maamulkii Puntland Oo Garoowe Gaadhay

 

hadhwanaag 2007-10-15 (Hadhwanaagnews) Laas-caanood(HWN) Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Soamaliland Md. Cali Sandule ayaa maanta dadweynaha kala hadlay fagaaraha kheyriyada ee Magaalada laas-caanood. Kadib markii ay saaka ay ciidamada Somaliland dagaal ay kaga adkaadeen ay kula wareegeen Gacan ku ahaynta Magaalada.

 

Md. Cali Sandule ayaa waxa uu ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan Gobolka Sool in ay ilaaliyaan nabadgelyada, isla markaasna ay dhawraan amniga Magaalada .

 

Sidoo kale waxa isna halkaasi kala hadlay Taliyaha Booliska ee Gobolka Sool Xuseen Taarwaaale waxa uu sheegay isaga oo la hadlayey dadweynihii halkaasi iskugu yimi in aanay dib danbe aanay u dhici doonin kooto laydinku haysto oo ay dadku ku noolaan doonaan horumar iyo bashbash barwaaqo .

 

Xaalada guud ee Magaalada Laascaanood ayaa Galabta degen iyada oo ay Magaalada dhaafeen Ciidamada Somaliland qiyaasti ilaa 15 kilo meter dhinaca Bari

 

Dhinaca kale, sida ay sheegayaan Wararkii ugu danbeyey ee naga soo gaadhaya Magaalada Laas-caanood inay Maamulkii ******teeniya ay u firxadkii gaadheen Magaalada Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo ka warbixiyey khasaaraha dagaalkii maanta ka dhacay agagaarka Laascaanood

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiirka Difaaca Somaliland, mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim ayaa sheegay in dagaalkii saaka Laascaanood iyo hareeraheeda ka dhacay ciidamada Somaliland ay khasaare ballaadhan u geysteen ciidamada Puntland, ka sokow qabsashada magaalada Laascaanood.

 

Wasiirka Gaashaandhigga oo galabta u warramay Radio Horyaal, waxa uu sheegay in ciidanka Somaliland inta la hubo ay dagaalkaa maanta ka qabteen ciidanka Puntland Puntland 56 maxaabiis ah iyo 13 gaadhi oo Tikniko ah. Waxana uu intaas ku daray in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh loo geystey ciidanka Puntland, kaas oo uu sheegay in aanay tiro sugan ka hayn, balse, ay ogyihiin in dhaawac badan ay qaateen oo ay ula carareen dhinaca Garoowe.

 

Wasiirka, mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim waxa uu sheegay in khasaaraha dagaalkaas ka soo gaadhey Somaliland uu yahay mid kooban, waxana uu carrabka ku dhuftay inay ku dhaawacmeen 9 askari, wax dhimasho ahina aanay jirin.

 

Ma jiraan warar madax bannaan oo ku saabsan khasaaraha ciidanka Somaliland ka soo gaadhey dagaalkaas. Warar laga helay ilo ku dhowdhow saraakiisha ciidanka Somaliland ee jiidda horena waxay sheegayaan in ciidanka Somaliland ay ka dhinteen Afar Askari.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in ciidanka Somaliland ay magaalada ka deggan yihiin labada dhinac.

 

Ilaa 28 ka mid ah Maxaabiista ciidamada Somaliland ayaa galabta iyo caawa fiidkii la soo gaadhsiiyey magaalada Burco, halkaas oo hore loogu hayey 17 maxbuus oo horraantii bishan lagu soo qabtay dagaal ka dhacday duleedka Laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wariyaha Qarannews oo gaadhay Laascanood iyo Suxufiyiin kale

 

 

Laascanood(QARAN)-Caawa fiidkii ayaan gaadhnay magaalda Laascanood xagaasi oo markii aanu galanay magaalada ay amnigayga la wareegeen ciidamda qaranka ee Somaliland oo markii ay noo aqoonsadeen in aanu ka socono saxafda Somaliland na geeyay meelo la noogu sii talo galay oo noqon doonta halka aanu ka daganahay magaalada oo ah Hotel-ka mid ah Hotelada magaalada.

 

Waxa ilaa maanta magaalada ku sii qul qulaayay suxufiyiin kala duwan oo ka kala socday warbaahinta Somaliland kuwooda madax banaan iyo kuwa xukumadaba, waxa sidoo kale aanu caawa ogaanay in ay iyana magaalada ku soo fool leeyihiin wariyayaal kale oo qaarkood ay yihiin ajaanabi, oo ka socda saxaada caalmka, magaalada ayaa xasiloon xataa ma maqlaysid xabado iska dhacaaya oo lagu khal khal galinaayo amniga dhamaan ciidamdii magaalada maanta xooga ku qabsaday ayaa ka baxay isla markaasna waxa magaalda ilaalinaaya ciidamo gaar ah oo sugaaya amniga shicibka iyo madaxda Somaliland ee ku sugan gudaha magaalada Laascanood, ayaamaha soo socda waxa ay dhamaan saxaafda Somaliland idiin soo gudbin doonaan wararka gobolka Sool iyo xaga ay marayaan xaalada guud, anoo ka mid ah wariyayaasha booqday caawa laascanood kana socda shabakda QARANNEWS, waxa aan idiin soo gudbin doonaa wararka iyo xaalda guud anoo bari booqan doona jiida hore ee ay ku sugan yihiin ciidamda qaranka oo iyagu meel aad uga durugsan oo dhanka bari ah hada degan.

 

 

 

La soco sawiarada iyo warbixinadaba bari iyo waxii ka danbeeya hadii Ilahay ogolaado

 

 

 

Axmed Xuseen Saalax

 

Qarannews

 

Laascanood

 

Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland oo Bandoo ku soo rogtay Laascaanood

 

 

hadhwanaag 2007-10-16 (Hadhwanaagnews) Laascaanood(HWN) Gudoomiyaha gobolka sool iyo masuuliyinta amaanka ee gobolkaas ayaa maanta laga bilaabo bandaw ku soo rogay magaaladaasi ka dib markii shalay ay magaaladu gacanta ku wada dhigeen ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyada somaliland dagaal ka dib.

 

Bandawdan saaka oo aan la ogayn inta ay socondoonta hadana waxa la sheegay in aanay ahayn bandaw dhaqdhaqaaqa la wada joojiyay ee waa mid lagu sugaayo amniga m agaalada iyadoo saaka amar lagu siiyay meherada magaaladaa in la wada xidho tan iyo ilaa amar danbe ka soo baxaayo Maamulka gobolka .

 

Dhanka kalena wariye Madax banaan oo ku sugan magaalaadaas Laascaanood ayaa shabakada Hadhwanaag u xaqiijiyay in ilaa xalay ay amniga magaaladu ka soo reynaayay iyadoo anay wax rasas ahi dhicin hadana magalaadu waa degenayd.

 

Si kastaba ahaatee magalada laascaanod waxay umuuqataa mid amnigeedu uu ka roonyahay markiii ay ka talin jireen maleeshiayda ******teeniya oo dadka tacadi iyo isku *** kula dhex jiray

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Boosaha Somaliland Iyo Wefti culus oo uu hogaaminaayo oo u amba baxay Laascanood

 

 

 

 

Hargeysa(Qaran)Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland,Mudane Liibaan Ducaale Casayr,oo ay weheliyaan xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Somaliland [Wakiilada iyo Guurtida] kaga jira Gobolka Sool,ayaa galabta u kicitmay Magaalada Laascaanood,si ay uga qeyb-galaan qorshaha xasilinta iyo maamul fidinta ah,ee ka socda deegaankooda.

 

 

 

Weftigan,Wasiirka iyo Xildhibaanada Gobolka Sool,ayaa sida wararku sheegayaan waxay shirar iyo kulamo la yeelan doonaan Waxgaradka,Aqoonyahanada iyo dadweynaha ku dhaqan gobolkaasi,ka dib markii Isniintii todobaadkan ay Ciidamada Somaliland jabiyeen maleeshiyadii Puntland ee deegaankaasi farogelinta ku hayay, isla markaana la wareegeen gacan ku hayntii magaaladaas.

 

 

 

Wasiirka Boosaha Iyo isgaadhsiinta Mudane Liibaan Ducaale Casayr iyo mudanayaasha kale,waxa, socdaalkoodu uu ka dhashay Kulan xalay ay magaalada Hargeysa ay ku yeesheen masuuliyiinta xukuumada iyo Golayaasha Baarlamaanka kaga jira Gobolka Sool,kaasi oo lagu falan-qeeyay furdaaminta xaalada magaalada Laascaanood iyo doorka ay iyagu ka qaadan karaan,taas oo weftigan lagu go’aamiyay inay u baxaan gobolkaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cumar Maxamed Faarax

 

Qarannews/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir Lagu Lafaguray Arimaha Gobolka Sool

 

hadhwanaag 2007-10-16 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN)- Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland ee ay maanta ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa guud ahaanba lagu lafa-guray Wejiga Cusub ee ka hilaacay Magaalo Madaxda Gobolka Sool ee Laas-caanood,ee ay ka taliyaan gacan ku haynta Magaalada Maamulka Xukuummada Somaliland.

 

Sida waxa shabaka Wararka ee Hadhwanaagnews.com u Xaqiijiyey warar ku dhow dhow Golaha Wasiirada.

 

Sida ay tibaaxayaan Warar lagu kalsoon yahay oo u dhuun-daloola Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta ku qabsoomay xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Rayaale amar ku siiyey Inay Wasiirada iyo Xildhibaanada dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Sool [***********] ay tagaan Magaalada Laas-caanood, si ay uga qeybqaataan qabyo tirka Maamulka Somaliland ee la wareegay shalay gacan ku haynta Magaalada Laas-caanood ee Gobolka SOOl, Isla markaana Xaalada Kacsan ee Magaalada u dejin lahaayeen.

 

Waxaanu warku intaa ku daray inuu Madaxweyuhu ku wargeliyey Golaha Wasiiarada inay ku Guuleysteen Dagaalkii ay la galeen Ciidamada Maamulka ******teeniya oo ay Maamulka Magaalada Laascaanood gacanta ku hayaan Ciidamada Somaliland iyo Maamulkii Gobolkoodi ay Xukuumadu u igmatay

 

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo la sheegay inuu Shirkaasi ka cadeeyey inay khasaare baladhaan, ay Ciidamada Somaliland u geysteen Maleeshiyo beeleedkii ******teeniya oo ay maxaabiis dhan ka qabteen 35 Maxbuus iyo Dhow iyo toban Baabuur oo ay ka qabsadeen, isla markaana ay u geysteen khasaare balaadhan oo dhimasho iyo Dhaawac-ba leh .

 

Md. Rayaale waxa uu ugu bushaareeyey Golihiisa Wasiirada inay Ciidamada Somaliland ay ka shisheeyaan, Magaalada Laas-caanood qiyaas ahaan 37 Km, waxaanu intaa ku daray in loo baahan yahay in loo hawlgalo sidii loo adkeyn lahaa Guusha ay soo hooyeen Ciidamada Somaliland oo taakuleyn, Xoojin Ciidameed iyo Saadba loola gaadhi lahaa Ciidamada iyo dadka ku nool Gudaha Magaalada Laas-caanood oo loo wacyigelin lahaa.

 

Waxa kale oo uu Warku intaa ku daray Sidii arrimihii Maamulka Wax looga qaban lahaa, isla markaana wuxuu Madaxweynuhu hawl-geliyey Guddi Dhaqaaleed iyo Siyaasadeed oo dhawaan la magacaabay sidii ay arrimaha Gobolka Sool ugu hawl-geli lahayd wax ka qabashadooda.

 

“Guusha Waxa lagu ilaaliyaa Cabsi” ayuu ka sheegay Madaxweyne Rayaale Shirkii Golaha Wasiirada, taas oo uu Madaxweynuhu uga jeeday isaga oo la hadlayey Ciidamada Jiida hore gacanta ku haya Maamulka Magaalada Inaanay isku dhigan Cadowga, iyo weliba sidii Maamulka Xukuumada Somaliland loogu fidin lahaa aagaasi.

 

Sidoo kale waxay la sheegay in Shirkaa Golaha Wasiirada lagu bililiqeystay aqalkii Xabsaade ee ku yaalay Garoowe.

 

Dhinaca kale, Hormadii ugu horeysay Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Liibaan Ducaale Caseyr ayaa maanta u anbabaxay Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool, kaas oo ka koobnaa Wasiiro iyo Xildhibaanada ka soo jeeda dhalasho ahaan Gobolka Sool [Dhul-bahante], oo uu Madaxweyne Rayaale maanta ka dalbaday inay tagaan Magaalada Laas-caanood si ay kaalin wax ku ool ah, uga qaataan Xoojinta Maamulka Somaliland ee gacanta ku haynta Magaalada iyo si ay u dejiyaan Xaalada meesha ka jirta, halka kuwa kalena la filayo inay beri si degdega u tagaan.

 

Sida waxa shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com u Xaqiijiyey Wareysi ay la yeelatay Caawa niskii danbe Gudoomiyaha arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Cabdiqaadir Maxamed Xasan [indho- indho] oo ka mid ah Weftigaasi.

 

Mar aanu weydiinay Gudoomiyaha u jeedada ugu weyn ee ay u tagayaan Weftigoodu Magaalada Laas-caanood, iyo waxay ku soo kordhin karaan Wakhtigan Xaaladan ka taagan Gudaha Laas-caanood waxa uu yidhi “ Waxa ugu weyn ee aanu u tagaynaa waxa weeyaan sidii aanu u jedin lahayn Xaalada meesha ka taagan iyo dhameystirka Maamulka Dawlada Somaliland ee gacanta ku haya magaalada”

 

Gudoomiye Cabdiqaadir Maxamed Xasan waxa kale oo uu Wareysigiisa ku sheegay inaanay jirin Wakhti u cayiman oo ay joogidoonaan Magaalada, balse ay joogidoonaan inta ay hawshaasi sidii loogu talagalay ay ku dhameynayaan

 

Waxaay Weftiga Magacyadoodu kala ahaayeen sidan:

 

Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Liibaan Ducaale Casayr Gudoomiye

Wasiirka Deegaanka Fu’aad Aadan Cadde.

Wasiirka Cadaalada Axmed Xasan Cali Casoowe.

Wasiiru Dawlaha Waxbarashada Maxamuud Garaad Maxamed.

Xildibaan Cali Cumar Axmed

Xildhibaano Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Xildhibaan Siciid Xaaji Af-weyne.

Xildhibaan Dhakool

Xildhibaan Cawil Cabdilaahi Caydiid.

 

 

Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]

Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this