Sign in to follow this  
Juje

Janaqow oo Booqday Xabsiga Dhexe + PICS

Recommended Posts

Juje   

Janaqow oo Booqday Xabsiga Dhexe sheegayna inay Caadalada horkeenayaan Maxaabiista ku xiran

U qaabilsanaha DKMG ah Wasiirka Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada Sheekh C/raxmaan Maxamuud (Janaqoow) ayaa maanta kormeer shaqo waxa uu ku tagay Xabsigii Dhexe ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis Farabadan oo danbiyo kala duwan lagu soo eedeeyay.

Janaqow ayaa markii uu Booqday Xabsiga waxa looga warbixyay Xabsiga iyo xukuno kala duwan oo lagu fuliyay Maxaabiista, waxaana uu ka dhageystay warbixintaasi Saraakiisha ka mid ah Saraakiisha Xabsiga.

Taliyaha Ciidamada Asluubta oo ka waramayay sida uu haatan u howl galo xabsiga ayaa waxa uu yiri”xabsiga inta uu shaqaynayey maxkamadaha waxay fuliyeen xukun dil ah oo lagu fuliyay illaa iyo sodon iyo kow qofood waxaa sidookale cadaalada lahorgeeyay laba iyo toban qofood waxaa xabsiga laga siidaayey oo cafis loofidiyay labakun ooqofood tirada guud waxaynoqonaysaa labakun boqol todobaatan iyo sideed waxaana cadaalada.lahor gaynin illaa iyo konton iyo sagaal qofood “.

Intaa kadib ayaa hadalka waxaa qaatay Wasiirka Cadaalda iyo Garsoorka Janaqoow waxa uuna sheegay “wax badan waa laqabtay wax kalena waa harsan yihiin waa waxa na loo yeeray inaan ka shaqayno Garsoorka iyo Cadaalada waxaan ka shaqayn doonnaa sidii Dadka Cadaalada aan la horgaynin loo fududeynlahaa cidii danbi gashay danbigeeda loogu qaadi lahaa kuwa kalena xorriyada loogu soo celin lahaa”.

Waa markii ugu horeysay oo uu Janaqow oo u qaabilsan DKMG ah Wasiirka Cadaalda iyo Garsoorka Booqasho ku tago Xabsiga Dhexe oo ay ku xiranyihiin Maxaabiis kala duwan oo qaarkood lagu soo eedeeyay Danbiyo kala duwan sugayana in la hor geeyo Cadaalada.

215.jpg128.jpg

 

314.jpg413.jpg

 

512.jpg612.jpg

 

710.jpg

Janaqow & Taliyaha Ciidanka Asluubta

 

137.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seems that the new TFG has appointed good people to key positions which will make it's success much easier. Like appointing a minister of justice someone who knows about justice based on Quran and Sunnah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this