Sign in to follow this  
Gabbal

Ethiopia soldiers once again enter Somalia via Gedo Region.

Recommended Posts

Gabbal   

modules.php?name=News&file=article&sid=1

 

Ciidamada Cadowga Soomaliya Ee Itoobiya Oo Qabsaday Degaano Ka Mid Ah Gobalka Gedo

 

Ciidamada cadowga Soomaliya ayaa lagu arkay degaano ka tirsan gobalka Gedo ayaga oo ay soo hogaaminayaan kooxo gacan saar la leh oo hadda ka hor laga saaray magaalada B/Xaawo.

 

Ciidamada cadowga soomaliya ee itoobiya iyo huwantooda gacansaarka la leh ayaa ku noqotay talaabo lama filaan ah odayaashii iyo waxgaradkii ku noolaa degmada B/xaawo oo intii muddo ah deggaynd oo waanwaan lagu dhameeyey khilaafkii u dhexeeyey beelahii ku diraray magaalada B/Xaawo.

 

Warar aanu ka soo xiganay waxgaradka B/Xaawo ayaa noo xaqiijiyey in odoyaashii iyo dadwaynihii la rafaadsanaa colaada iyo abaaraha iyo nabadaynta lagu amray inay diyaariyaan martisoorka ciidamada cadowga Itoobiyanka ah ee ku soo fool degaanka Daawo oo ay dadweynahu aan raali ka aheyn imaanshaha ciidanka cadowga soomaliya.

 

Sida la wado ogsoon yahay ciidamada cadowga soomaliya ee itoobiya ayaa ku dilay in ka badan 10,000 qof degaano ka tirsan gobalka Gedo, kufsi iyo barakac fara badan ku hayey shacabka Gobalka Gedo.

 

NB:Akhristayaasha Gedonet ayaa si toos ah idinku soo gudbin doonta dhibaatooyinka ay geystaan ciidanka cadowga soomaliya.

 

Xamdi (Yare) A.Cali, BSc Chemistry

Gedonet, Daawo, Gobalka Gedo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

December 31, 2004

 

 

Ciidama Ethoipian ah oo imanaya Gobalka Gedo

 

Wararka naga soo garay Dolow baa sheegaya in Ciidama Ethoipiyaan ah ay imanayaan Gobalaka Gedo, gaar ahaan degmada B/xaawo, kadibna ay uga sii gudbayaan Gobalka intiisa kale. Wararka nasoo garay waxay sheegayaan in ay tahay ujeedada imanshaha ciidamadaas in ay xoojiyaan nabadii ay ku soo heshiiyeen garabyada ururka SNF/SSRC ee uu dhawaan shirka iyo wadatashiga uga socday Magaalada Dolow. Arintaan oo aan ka xaqiijistay sargaal katirsan ururka SNF/SRRC inay jirto inay imanayaan ciidamo hadana ay joogayaan Gobalka.

 

Wararka kale waxaa ay sheegayaan in xitaa cidamada ururka SNF/SSRC ay wataan agende ah in ciidamada hoos yimaado Ururkaas meel la'isugu geeyo oo ay noqdaan hal ciidan oo uu leeyahay Ururka SNF/SRRC, ayada oo ay ka mid tahay meelaha la'isla magacaabay in ciidankaasi la geyn doono ay tahay meel magaalada B/Xaawo ka baxsan una jirta 7 KM oo ah Tuulada Malkariyey, halkaana tababar loogu furi doono. Arrintaan ayaa isla maanta loogu gogol xaaray Degmada B/Xaawo lana filayaa inay soo gaaraan maanta Ciidamadaas.

 

 

 

Cabdulahi Cali Kaalmoy

Beled-Xaawo, Somalia

cabdul33@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Caveman   

Originally posted by HornAfrique:

 

Wararka naga soo garay Dolow baa sheegaya in Ciidama Ethoipiyaan ah ay imanayaan Gobalaka Gedo, gaar ahaan degmada B/xaawo, kadibna ay uga sii gudbayaan Gobalka intiisa kale.

Horn sxb, maadaama aanan warkan wali maqlin ciidamada Ethoipia in ay imanayaan gedo baa lafilayaa miyaa? mise wax dhab ah baa la hayaa in ay hada soo galeen?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ciidamada cadowga Soomaliya ayaa lagu arkay degaano ka tirsan gobalka Gedo

Caveman sxb wayba imaadeen. The reason I posted both articles is to show you the division of Gedonians. When it comes to news about Gedo region, Gedonet (the first article) is affiliated with Isaak Biixi and the SNF while AllGedo is affiliated with Mohamud Sayid Aden and the SNF/SRRC.

 

Gedonet (Golaha Samatabixinta/Anti-Ethiopia) cries of an invasion while ALLGedo (SRRC/Pro-Ethiopia) merely downplays it to a "peaceful coming."

 

 

It's obvious which I listen to ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Caveman   

Horn Question 4 you?…

 

I never visited AllGedo website,,.. But I’ll take your word for how they distort Ethiopian involvement in Gedo region. I can understand some feeble minded individual in Gedo who is supporting Ethios, through greed and ignorance, but why is’t a Diaspora based organizations and other’s like allgedo continue on this vicious cycle of prolonging the suffering of their people?, I am sure its not financial or economical reasoning. So, what is their gain on misinforming pll and supporting Ethio’s tyranny and inflicting more pain for the inhabitants of Gedo?.

The Camel Herding Nomad in Gedo, who is illiterate knows the true intentions of Ethiopian regime. I also know this problem is a microcosms of all Somalia, where one organization or group supports causes that are harmful to their fellow communities.

 

 

Salam!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Horn

 

are you suprise that they are in gedo or any part of somalia considering the 200+ fools in kenya are all agents of addis sababa and take their orders direcly from them in return for money and weapons so its only matter of time before they make their intentions clear

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

where one organization or group supports causes that are harmful to their fellow communities.

Caveman sxb don't let the name SNF/SRRC fool you..they aren't pro-Ethiopia or support their interests, they just need the Ethiopian support to have some weight in Gedo.

 

As for AllGedo's blatant denial of events happening...well all I have to say is it's a case of misplaced loyalty contributing to journalistic failure. They believe they are doing their constituency (SNF/SRRC and affiliated) a favor.

 

 

Horn

 

are you suprise that they are in gedo or any part of somalia considering the 200+ fools in kenya are all agents of addis sababa and take their orders direcly from them in return for money and weapons so its only matter of time before they make their intentions clear

I'm not surprised Qudhac...Ethiopia has been interested in all of Somalia and somewhat especially of Gedo for a long time. First it was to route out Al Itixad, and then for other reasons.

 

As for the 200 "fools" (I agree :D ) that you mentioned are in Kenya as of the moment...sxb what can we do? We the people didn't pick those gacan-ku-dhiiglayaal to represent us! We the people, however, are hoping they kiss and makeup and form a transitional government or stay there long enough ;) to lose the grip they have in Somalia (as is already happening in gedo region).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this