Sign in to follow this  
Nasir

Gabay for paltalk most of you can relate to

Recommended Posts

Nasir   

Meel aan barkimo qaadin, oo boqol ku haasowdo

Oo sida hudheel baaxad wayn, la iskusoo booqdo

Oo baashiraad iyo sallaan, lagula boobaayo

Nin bartaana kaba baaqsankarin, baloow adigaale

 

Hadba hadalka baabkii furma, eey bogasho kuu hayso

Inaad gacanta kor u baacisaa, laga bilaabaaye

Safka lagama boodee waxaad, kor u baqooshaaba

Halkaad beegsanaysiyo markaad, baarka sare gaadho

Waa loo badheedhaa halkii, kula balaadhnayde

Dumarkaaabay qaar baaanisaha, barro nadhaafeene

Barashada sinaantiyo xornimo, paaloow adigaale

 

Hadaad qolo bayaankeeda, iyo baaqa garan waydo

Biyo diidku uu furanyahee, adiga oon buuqin

Baabuurna adigoon kaxayn, bacadna dheemaalin

Qol kalaabad uga siibaxdaa, paloow adigaale

 

Bilis xaawalay iyo rag, waa kalama baydhaane

Cidlo lagama beermeen, hadii layska baal maro’e

Carmal baashaheedii wacnaa, boogi kala gaadhay

Oo beenta way necebtahee, barasho waayeele

Iyo qaar sidii geenyo ba’an, weli yar buubaala

Iyo qaar haduun baaluqoo, sheeko baranaaya

Gidigood rag waw baahanyee, paloow adigaale

 

Ragga qaar caruur badatay, iyo beel u talinaaya

Oo baddaha waawayn in badan, lacag ka baadhaayay

Iyo qaar haduun soo baxoo, barka fidhanaaya

Bartan aay ku wadda doodayaan, paloow adigaale

 

Qaar baadigoobkii cilmiga, wada bidaaraystay

Oo maadadii ay barteen, Bon ka dhaga haatan

Iyo qaar ba’daba aan aqoon, alufna aan boowsan

Meel aan laka buug sarayn, paloow adigaale

 

Bidhaantiisa ruux aanad arag, baydna kula joogin

Ood dunida baasheda kale, uga balwaynaayso

Boholyoowna kugu reebikaara, paalow adigaale

 

Bigta kamarada iyo luuqa, waa la isku baadhaaye

Nin waliba siduu doorbidaa, wow banaantahaye

Arimaha badh waan qarinayaa, paaloow adigaale

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^^I love it! Nasir, who is the author? you?

This is a nice poem; keep them coming sxb plz.

 

Bilis xaawalay iyo rag, waa kalama baydhaane

Cidlo lagama beermeen, hadii layska baal maro’e

Carmal baashaheedii wacnaa, boogi kala gaadhay

Oo beenta way necebtahee, barasho waayeele

Iyo qaar sidii geenyo ba’an, weli yar buubaala

Iyo qaar haduun baaluqoo, sheeko baranaaya

Gidigood rag waw baahanyee, paloow adigaale

Indeed!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nasir   

lol@baashi

no sxb I am not the author I wish

I was cruising around the internet and found this poem I found it really funny

 

ps i'll try to get his name

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^ :D Ma boodin ee waxa aan aad ula dhacey xikmada, sideedana suugaanta Somalida xushmad badan baan u hayaa.

 

Annigu Qallanjadeydii waa horaan rag kala dhex baxay ama paltalk aan ka doono ama si kale aan wax ku keenee sxb waan hayaa mid aan la quudhi karin oo Maanka iyo indhahaba deeqda. :cool:

 

Armaad adigu tahay ninka wali tiisii heybinaya oo xataa beentii wax ku keeni waayey icon_razz.gif

 

Hadii aad ku sari weydid ha la i tilmaamo dheh ileeyn taasu ceeb ma ahee :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Baashi ha ila yaabin waxaan arkey uun baan fasirtey.

 

Hadaad Ragga leedahay wax baan la qabanayaa dee rag kala weyn ee bal odeyasha ka soo bilow,sida Sam Warrior, Sophist,Oodweyne,Smith Horn iyo Libaax iyo inta qarsoon ...anigu listka meel dhaxa baan markaas ka soo galayaa. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Doob dareen baa dileydii baa dhabowdey! Nasirka aan wareystey iyo libinta aan ninka abwaanka ah aan u qirey miyaad ka daalacatey sida iyo meelaha aan hablaha kala haasaawo ama kula caweeyo?

 

Raga aad ka sharqmisey dareen ba'an iyo day-dreamka aad ku jidho kulama qabaan ee akhyaarta oo idil ha la tilmaamo ninkaa Gediid ah yaan ula jeedey!

 

Oodweyne hadii haatan uu wali doob yahay hadde a annagu ma caawin karno oo shisheeye yuu noo arkaa oo xagaa iyo talyaani buu nagu urinayaa ma aqaan hadii aad addigu passport aad siineysid qallanjada loo tilmaamo ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Nasir

Horta adiga kula yaabimaayo bcuz I know waqtikeedi baad ku jirta ee odeyga Paltalk ku jira meeshuu tobada ku dadaali lahaa baan la yabey........... icon_razz.gif

Baashi

Malaha Oodweyne kuwaa UK joogo baa inagaga fiicaan in eey wada xajoodaan iyagaa isugu faano accentkeeygu waa tii Oxfordian iyo waa Cockney..........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Gediid,

Awoowe khaatumada Allah ha na waafajiyo horta! Koley caalim annigu ma ahi laakiin waxaan cilmi dhegood ku maqley in towbada saqiir iyo kabiirba looga baahan yahay.

 

Paltalkna maba aqaan hadiise humaag kuu muuq-muuqdey oo aad iga dhex aragtey ruwaayada kuu shidan hadde shido ma leh oo waan iska qaatey. Sideedana waa macne igu cusub nin ina rag ah oo waliba baar-qab oo labaatankii sare u dhaafey oo misana leh caruur baan ahey oo hebellaa iga weyn oo miis rag leeyahey fac tiris la soo shir tagey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

OOdweyne waan Sii socdaa kow dheh waxaan la soo kulmana anaa kula soocodsiin doona.Dhinaaca iyo Hargeysana anaa warka kaga keeni doona IA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Geedi maxuma in odey la isku sheegee, laakin hade, anigu amaan kaa weynin beenoow?

 

Sida Baashi, Anigu kormuraayadleey mar hore ayaan calmadey! rabi nolol dheer hanoogu guuleeyo. Adigana hade, hadii kobtaas aad joogtid aad kaga sari weydey, heerin baan kuleeyahay! ;) .

 

Mr oodweyne, Hade, waqaan jiro oday iima duurxulin. Adigu hade, isku xeydaar baad sheegeysaaye, walaahaan damaareheenuna daran uwada daaqin! Anigu sanaag ayaan ka imi adigana hade magacaaga ayaaba sheegahaya-- calaa kuli xaal, kaama suurtowdo xitaa inaad haasawdo caadiyan! siyaasad nin ey saranka kagashey ayaad tahay. anyhow, hadii labaaro gene-keyga xileyhey wuxuu kufuran yahay oo caradiii jiidali midh midh looqaadaa inaan laga heleyn ciida oodweyne! laakiin boosaaso iyo garoowe lagahelayo. Pure noble blood weeye adeer :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Samurai iyo Sophist inkastoo ay yihiin rag mudan in wax la weydiiyo haddana hadiiba halka aad beegsatey waan gartey oo nin hadal loo dedo maahi. Oodweynoow waa runtaa oo innagu weynu kala durugsanahey oo ood-wadaag ma nihin. Misana Somalidu hablaha waa kala guursataa oo dee waxuba waa isku fir.

 

Xagayagana sideedaba hablaha tii mudan baa qeymo leh koley danaakiliyo iyo meheri ku tahay bal iska daa Somali e. Sidaas oo ay tahay cidi haatan aannu wada xididno kuma odhan.

 

Waa adiga 60-kii ka sharqamiyey e, berrigii waqtigaa ka horeeyey adigaan sooyaalka taariikhda mindhaa wax ka aqoon ee innaga yaa nala tuhmi jidhey oo naruur ayeyba u aheyd cidaan wax ka guursano ;)

 

Waa nimanka deeqdii hanbaday, hibo Ilaaheeye,

Waa niman intay hodon yihiin, hoog ku sii daraye,

Waa niman gob baa lagu hirtaa, lagu hagaagaaye.

 

Waa nimanka daaraha hurdiyo, harac dallaal weyne,

Waa niman xariira huwanoo, huga ku laafyoone

Waa nimanka haashaarka gole, marada haafeeyne.

 

Waa nimanka doonyuhu Hindiga, uga himbaartaane

Waa niman haruur iyo bariis, hoyga loo dhigaye

Waa nimanka haanfuuqayee, timirtu hoos taale.

 

Waa niman haleeliyo horweyn, heel ka buuxsadaye

Waa niman adduun lagu huroo, maal hareeriminne

Waa niman intay wada habceen, heeshiguun dhiciye

 

Waa niman hingaar lama watee, haybad guursada e

Waa niman hablaha ay qabaan,halalac leeyaane,

Sida heegadoo curatay bay, shuqul hillaacaane

 

Haddase macne badan baa is bedalay oo dadkii diin iyo xikmad baa u siyaadey oo waa leys dhexgaley oo leys guursadey. Anaa ubax sare ah iyo anaa miidii ah hablahu muraad kama leh marakan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Baashi walaalkiis, Alaylehe meeshaan ka heenseynlahaa ayaad kaqabatay. Malaha gabanku (da'a maaha hade) selected amnesia ayuu leeyahay.

 

Gabartii ey isku cida ahayeen waxay tiri:

 

Sheeqaanta cidu shaaci bixiwaaye,

Shanta shuun ee Herti hadaan utago ama

Layara sheekeysto, oo shir..... utago sharaf mawaayeen eh.

 

Watuu awoowgeen yiri:

 

Nin la maagay aasaan midho yaraan lagu malaynaynin oo maansada ilaahay baroo macalinkeeda in ma dhoodho loo soo tirshaa wa macno la'aan

 

Baashi, waad mahadsantahay Walaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this