Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

Puntland Accepted Islamic Courts to be ruling Puntland Region

Recommended Posts

Howshaan waan sugeynay wax badan, ilaahey ayaa maanta xaqii ka dhawaajiyay! And for now, Cadde Muuse is out, and the new system is to emerge soon, IA.

 

 

 

Cadde aqbalay Culimada PL

18 Nov 18, 2006, 11:45

 

 

 

 

Warar hoose oo Garowe Online heshey ayaa sheegaya in Madaxwynaha DGPL Maxamud Xirsi Muse uu aqbalay talo soo jeedintii Culima'udinka PL kadib markii ay xalay kulan kula yeesheen magaalada Galkacayo.

 

Madaxwaynaha ayaa sida wararkan sheegayaan aqabalay in DGPL ay qaadato ku dhaqanka sharaacada Islaamka isla markaana magaalo madaxada DGPL lagu qabto kulan looga arinsanayo mustaqbalka Puntland kaas oo ay isugu iman doonaan dhamaan dadka ay ka go'do talada gobolka.

 

Wararkaan ayaa intaa ku daraya in Madaxwayne DGPL uu aqbalaadiisa la socodsiiyay Madaxwaynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf oo asal ahaan ka soo jeeda Puntland balse uu ku gacansayray qorshaha Cadde Muse iyada oo sida la sheegayo khilaaf xoogan uu soo kala dhexgaley labada xubnood.

 

Sidoo kale kulankan ayaa waxa lagu magaacabay guddi afar xubnood oo ka tirsan labada dhinac kuwaas oo soo diyaarin doona kulanka la qorsheynayo in looga arinsado mustaqbalka Puntland.

 

Ku dhaqanka sharecada Islaamka ayaa meesha ka saaraya xukuumada Cadde Muse oo musuq-maasuqu ragaadiyay isla markaana wadada u xaaraysa in Dastuurka Puntland la wafaajiyo shareecada islaamka.Halka ka akhri warar la xiriira

 

Dhinaca kale Website- la sheegey in DGPL leedahay ayaa waxaa lagu soo qoray qoraal sidatan u qoran:

 

Shir wadatashi oo ka dhacay Gaalkacyo qodobana ka soo baxeen

 

Madaxweynaha DGPL ayaa xubno muhiim ah oo kamid ah culimada diinta islaamka ee reer Puntland.

 

Wadatashi kala yeeshay xaaladaha siyaasadeed iyo nabadgelyo ee maanta ka jira guud ahaan soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo dersiyadeeda koonfur iyo waqooyi.

 

Waxaa ka soo baxay talooyinka soo socda oo loo arkey in ay ka tarjumayaan masalaxada shacabka reer Puntland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliya.

 

1.In la taabo geliyo ku dhaqanka sharciga Islaamka, sida ku cad Dastuurka Puntland

2.In madaxweynuhu magacaabo gudi ka talo bixiya habkii wax loo sixi lahaa kana kooban golayaasha dawlada culimaaudiinka isimada iyo aqoonayahada DGPL

3.In la dhawro amniga iyo xasiloonida Puntland

4.In soomaaliya lagu xaliyo arimaheeda wadahadal iyo is afgarad.

 

Isha wararka: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this