Sign in to follow this  
Jacpher

Cabdi Qassim Speaks at Press Conference

Recommended Posts

Juje   

Originally posted by General Duke:

One of America's greatest President was FDR and he was wheel chair bound. The fact that Yey has ehalth issues means nothing, he is more than capable to lead the nation for another 6 years.

You know you could be sued for false comparison.

Another six years? Is there a time he has led the nation at all, apart from being a vengeful and brutal governor of Ethiopian mercenaries.

The writing is on the wall Duke - but for all I care you can indulge your fantasy with a garbled poll from calanka.com or seek satisfaction from misleadingly orchestrated facts - you cannot deny the fact that it is the end of Yeey and that he has even lost the support of Zenawi. That is why he has gone on a lap-dancing mission to Museveni and Gadafi.

Untill you realise the political demise of your adeero sxb feel free to throw your pennies in the wishing well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Ok Juje, as ever you seem to be indulging yourself in dialogue. Yusuf is a real President, and has so far succeeded beyond any postwar leader, compare him to Aydeed, Ali Mahdi and the happless Abdiqasin. He is a legend and deserves another term o compete the transition.

 

Last time I checked Ghadafi had influance and money ,Museveni was an important regional leader of East Africa, but hey Yusuf has a knack of building good relationship with important leaders from Salah of Yemen, Zanawi, and even the Saudi's. Thats called diplomacy, and its yet another tool in the old man's armour.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warwarbaahineedkii uu kasoo saaray shirkii jaraa'id uu ku qabtay maalin dhawayd Xamar -- qudbadiis iyadoo qoran hoos ka aqriso. C/qaasin Salaad Xasan waa siyaasi Soomaalinimo ku raagtay waa kaas, oo ka dhab ah Soomaalinimo.

---------------

 

Xaaladda dalku ku sugan yahay maantay waxa ay tahay:

  1. Baantustaano madaxbanaan oo qabaa'ilo ka taliyaan, sida Soomaalilaan, Buntilaan, Jubbolaan, Bakoollaan, Hiiraanlaaad iyo Banaadirlan
  2. Nabadgelyoxumo
Barakicinta laba milyan [oo Soomaaliyeed]
Dilka iyo dhaawaca kumanyaal rayid ah
Ciidamada shisheeye oo Mareykanku soo howl galiyey asagoo ka aargudanaya shacbiga Soomaaliyeed dhacdadii 1993
Xasuuqa ay geysteen ciidamadaas
Sida dalalka Afrika, Carab, Yurub iyo Qaramada Midoobey ay uga aamuseen xasuuqa iyo xadgudubyada ka dhacaya Soomaaliya, oo ka dhanka ah dhammaan axdiyada caalamiga ah iyo xaquuqda aadanaha, mar haddii ay tahay waxa geysanaya dhibaatadaas dowladii ugu awooda badneyd aduunka oo ah Mareykanka
Muddo 18 sano foodda la gashay haatan, ayaa dalka Soomaaliya ku sugnaa dhibaatooyin baaxad weyn leh, oo qaarna asalkoodu ka imaanayey Soomaalida falalka ay isu gaysaneyso, kuwana ay ahaayeen shirqoollo muddo farabadan loo maleegayey ummaddaan, salkana ku haya faragelinta joogtada noqotay oo dowladaha shisheeye, siiba kuwa deriska la ah dalka iyo quwadda weyn oo ku amar ku taagleysa dunida maanta ee Mareykanku ay ku hayeen muddo badan dalkeenna wixii ka dambeeyey maamulkii dowladii ku meel gaarka ahayd ee dalka 2000-2004 oo gaashaanka u daruurtay faragalintaas shisheeyaha kana hortegeysey qorsheyaasha cadawga Soomaalida, ayey suurto gal u noqotay fulinta qorshihii ay la damacsanaayeen shisheeyahu dalkeenna .

 

Muddo laga joogo 18 sano ayaan uga digey ummadda Soomaaliyeed waxa ay la kulmi doonto, haddii aan laga waantoobin dhibaatada lagu hayo dalka oo ay saldhigga u ahaayeen hogaamiye kooxeedyo iyo siyaasiyiin hore oo Soomaali ah oo habeen iyo maalinba ku shaqeynayey burburinta dowladdii kacaankii 21 Oktoobar, taas oo wax badanna u qabatay dalkeeda khaladaadna gashay mudadii ay dhisneyd, waagaas 1990 oo aan ahaa ku xigeenka wasiirka koowaad ahna wasiirka arrimaha gudaha ayaan ku sheegay hadal aan u jeediyey shacbiga Soomaaliyeed sida soo socota, waxaan iri:

 

"
Walaalayaalow marxalada maanta umada Soomaaliyeed mareyso ma taagna mu'ayid iyo mucaarid waa soo dhaaftay arrintu waxeyna taagan tahay god qarkiis ayaa ummadu maanta taagan tahay waxey taagantahay calankaas quruxda badan oo aabayaasheen u soo halgameen in uu maanta ciidda ku dhaco, oo gacmo badani doonayaan cad cad in ay u goostaan, haddaba waa ka balaarantahay arrintu arrin kursi ka kacsi iyo kursi fadhigiis ah, jiritaanka shacbiga Soomaaliyeed -- mar kale aan ku celyo jiritaanka shacbiga Soomaaliyeed -- ayaa maanta miisaanka saaran. Halkaa markey taagantahay qof kasta oo Soomaaliya oo Alle iyo rasuul yaqaana oo innaba qiiro Soomaaliyeed ku jirto wax walba waa in uu ka hormariyaa sidii calankaasu uu u dhisnaan lahaa ummadaasina ay mid u ahaan laheyd, ma jirto darajo gaari karto ama qiimaheedu la ekaan karo calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed.

 

Ma jirto horeyna uma jirin hada kadibna ma imaandoonto, darajo qiimaheedu la egyahay calanka iyo qaranka Soomaaliyeed, wax walba qaranka iyo calanka Soomaaliyeed baa ka weyn mar hadey sidaa tahay labana aysan isku diidi karin mucaarid iyo mu'ayid toona, walaalayaal waxaa dowgu yahay ilaaheyna uu ina farayaa qilaafaadka inaga dhaxeeyo wadahadal inaan ku dhameyno."

 

Ha yeeshee markii lagu waano qaadan waayey wixii samaa ee la isfarayey ayey ku habsatey dalkeenna musiibadii ugu balaarneyd uguna mudada dheereyd, ee taariikhdiisa oo dhan soo marta intii uu dalku xorta ahaa.

 

Dagaallo sokeeye oo cadowga Soomaalidu hub, saanad iyo dhaqaalaba ku bixinayey hurintooda iyo joogteyntoodaba, ayna hoggaaminayeen dagaal oogeyaal diirkana Soomaali ka ah, cadowgana u adeega, ayaa halakeeyey inta badan degmooyinka dalka haba ugu darnaato magaala madaxda Xamar. Dagaaladaas ayaana sababay dhibaatooyin aan la koobi karin oo dadweynaha rayidka ee Soomaaliyeed loo geystey, siiba intiisa taagta daran, sida caruurta, haweenka, duqeyda, aqoonyahanka, culimada iyo caamada intaba. Waxaa cad in dhibaatada loo geystay dalkeena ay tahay mid Mareykanku qorsheeyey dabadeedna ku fuliyey Soomaaliya asagoo si toos ahna uga qeyb qaatay weerarkaas, soona howlgeliyey ciidanka Itoobiya qeybo ka mid ah oo uu tababar ku siinayey gobolka Godey laga soo bilaabo 2003-dii.

 

Marka laga yimaado danaha istaratejiyadeed oo Mareykanku ka leeyahay Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, danahaas oo sidii uu u doonayey ugu hirgeli waayey laga soo bilaabo 1969-kii markii kacaankii 21 Oktoobar uu ka curtay geyiga Soomaaliyeed, kaas oo keenay in si weyn uu hoos ugu dhaco xiriirkii dhowaa oo ka dhexeeyey maamuladii Mareykanka iyo kuwii Soomaalida, laga soo bilaabo 1960-kii markii gobanimada dalku qaatay.

 

Maantana dhibaatada Soomaaliya heysata waxay tahay mid dhaafsan qaaradda Afrika oo idil, waana mid ka dhaxeysa annaga iyo quwadda ugu weyn oo aduunka ku soo hartey xilligan oo ah Mareykanka. Salkeeduna yahay dhibaatooyinkii na dhex maray annaga iyo mareykanka iyo sida uu ugu guul dareystay danihii uu ka lahaa geeska Afrika gaar ahaan soomaaliya. Inta kale ee qeybta ka ah dhibaataduna waxay yihiin kuwo la soo adeegsadey, oo fulinaya ujeedadaas mareykanka.

 

Ka aargudashada Mareykanka waxey salka ku heysaa, marka laga yimaado taariikhdii labadeena dal oo aheyd mid soo martay marxalado kala duwan, oo Mareykankuba xiriir dhow iyo iskaashi sokeeyaba la lahaa Itoobiya, Soomaaliyana ay dan bidday in ay soo dhoweysato iskaashina la sameysato dalalkii Midowgii Safiyeetiga iyo Shiinaha intaba, ayaa hadana sanadkii 1992 markii madaxwenihii hore ee mareykanka Bush (aabaha) uu u soo diray ciidankii Mareykanka oo UNITAF loo yiqiin, asagoo arrintaas kala tashaday madaxweynihii markaas la doortay balse aan weli xilkiisii la wareegin oo ahaa Bill Clinton, ayaa ciidankii Mareykanka oo u yimid Soomaaliya si ay u sugaan ammaaanka iyo gaarsiinta gargaarka bini'aadannimo, oo shacbiga macaluushu baabi’isay loo wadey intaba, ayaa lagu soo dhoweeyey hortiiba caleemo qoyan oo shacbiga Xamar u lulayeen.

 

Muddo bilo ah dabadeedna waxaa howshii la wareegey ciidamo ka socdey Qaramada Midoobey, oo loo bixiyey UNISOM. Howlgalkii Unisom ayaana keenay in ciidamo Pakistaan ah iyo kuwo kaleba lagu laayo Xamar, arrintaas oo sababtay in ciidan Mareykan ah oo kuwooda Delta Force loo yaqaan ah inta la howlgeliyo, in laga soo rido laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, laga soo rido ciidankaas mareykanka. Halkaasna ay ku dhintaan 18 askartaas ka tirsanaa midkoodna la qafaashay, tiro intaas ka badanna la dhaawaco. Halka Soomaalida dhinaceedana ay ku naf waayeen dad noqolaal gaarayey oo rayid iyo malishiyadii dagaalameysey intaba isugu jirey.

 

Waxaana mareykanka shacbi iyo xukuumadba si weyn uga xumaday mid ka tirsanaa askartoodii la diley oo maydkiisii dhulka ay ku jiideen dad careysnaa, arrintaas oo laga daawanayey telefishinada aduunka. Xisaabtii falkaas weeyena waxa ay soomaalidu bixineyso mudada badan oo mareykanku cagta ku hayey. Xadgudubyada iyo xasuuqa loo geysanayo shacbiga soomaaliyeed oo isugu jirey dil aan loo aaba yeeleyn cidda loo geysanayo, ama si toos ah amaseba ayada oo ay haleelayeen madaafiicda iyo hoobiyeyaasha lagu ridayey xaafadaha la deggan yahay ee magaalooyinka ayna ku naf waayeen dad rayid ah oo lagu qiyaasay 7-kun oo ruux ayna ku dhaawacmeen dad gaarayey 2500 oo ruux mudadii u dhaxeysey 2006-2008. Barakaca hadda malaayiinta gaaray ee shacbiga ah, bur burka guud ahaan dalkii oo dhan gaarey, si gaar ahna u haleelay caasimadda, oo baxaddiisu weyn tahay, galaaftayna hantidii guud sida cusbitaaladii, iskuuladii, masaajidyadii iyo suuqyadii lagu ganacsan jirey iyo hantidii gaarka aheyd intaba.

 

Afduubka ummaddii oo dhami guud ahaan u qafaalan tahay dowladaha shisheeye oo Mareykanku hogaaminayo iyo hogaamiye kooxeedyada qabiilka ku habar wacda, si ay danahooda guracan u fushadaan, kuwaas oo ah wakiilka cadowga dalka iyo dadka soomaaliyeedba. Xadgudubyada aan tiradooda la soo koobi karin oo isbaheysigaas ciidamada shisheeyaha iyo dagaal oogeyaasha u adeegaa ka geysteen dalka, ayaa haya'daha aduunka ee xaquuqda adanaha u doodaa ku tilmaameen in uu yahay midka ugu daran ee ka dhacaya aduunkaan maanta. Hayadaas waxaa ka mid ah "Human Wright Watch" oo Mareykan saldhigeedu yahay, I.S.G (International Crises Group) oo Yurub saldhigeedu yahay, Black Agenda Report oo Washington fadhigeedu yahay, hay'adda Amnesty International iyo kuwo kale oo farabadan, dhanka Soomaalida waxaa ayana si faahfaahsan u qoray xadgudubyadaas loo geysanayo shacbiga, hay'adaha xuquuqda aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale, madasha bulshada rayidka Soomaaliyeed, hay'ada xuquuqda aadanaha ee Elman, odayaasha dhaqanka beelaha Xamar deggan iyo hay'ado kale oo wadani ah ama ururo Soomaaliyeed intaba.

 

Waxeyna sheegeen in dagadlada iyo xaaladda ka abuurantay oo ku tumashada xaquuqda aadanaha ay ka dhasheen dhibaatooyin bulsho oo kala ah:- Dugsiyadii Quraanka, Iskuuladii iyo cusbitaaladii oo in badani xirantahay, shaqo la’aan baahsan iyo suuqyadii ganacsiga oo xirmay taas oo si weyn sare ugu qaaday qiimaha maciishada. Isku socodka dadka iyo gaadiidka oo si weyn u yaraaday markii la xiray jidadkii magaalooyinka

 

Sidoo kale waxey warbixintoodu tilmaameysay in dadkii qaxay ay la ildaran yihiin biyo la’aan, cunto la’aan, hooy la’aan iyo cuduro ay ka mid yihiin shuban biyoodka. Halka kuwoodii gobolada u qaxayna ay la kulmeen ammaan darro isugu jirta dil, dhac, kufsi iyo boobka hantidooda oo ay u geysanayaan dadkaas burcada ku baahdey wadooyinka dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baaritaan ay hay’adahaasi sameeyeen ayey ku sheegeen in tirada cusbitaalada la duqeeyey oo xirmay ay ahaayeen lix cusbitaal oo dadka lagu daaweyn jirey oo kala ahaa cusbitaalkii Alxayaat, midkii Carafaat, midkii Ayaan, cusbitaalkii Alcimra, midkii Alxikma iyo cusbitaalkii Xasan Jiis intaba.

 

Sidoo kale tirada iskuulada ku xirmay dagaalkaas ayaa gaarayey 275 iskuul oo ay dhiganayeen boqol, konton iyo shan kun iyo saddex boqol (155300) oo arday kuwaas oo noqday waxbarasho la’aan. Dhanka jaamacadaha iyo machadyadii dagaalka ku xirmay ayaa ayana gaarayey sadex iyo toban (13), ayada oo ardayda machadyadaas iyo jaamacadahaas dhiganeyseyna ay gaareysey shan kun iyo sideed boqol (5,800) oo arday. Halka dugsiyada quraankana ahaayeen kun iyo sagaashan iyo lix (1,096) dugsi oo xirmay ayna dhiganayeen arday gaareysey konton iyo lix kun todobo boqol iyo lixdan (56,760) arday.

 

Telefishinada, Jaraa'idka iyo wakaaladaha wararka kuwooda ugu afka dheer aduunka ayaa maqal iyo muuqaalba ku soo saara maalin walba xasuuqa loo geysanayo shacbiga. Kuwaas oo ay ka mid yihiin joornaalada mareykanka kuwa ugu waaweyn, sida
Washington Post, Newsweek, Herald Tribune
, I.W.M. Kuwa reer Yurub iyo idaacadahooda sida weyn loo dhegeysto sida BBC-da, waxeyna arrintu hadda mareysaa in xaaladdaasi noqotay mid aan sinaba loo dabooli karin kaliftayna in wasaaradda arrimaha dibadda mareykanku ay ku cadeyso warbixinteedii sanadlaha ahayd 2007, heerka ay gaartey dhibaatada xadgudubka iyo xasuuqaba isugu jirta oo shacbiga soomaalida loo geysanayo mudooyinkaan dambe.

 

Hayeeshee waxaysan warbixintu sheegin in Mareykanka maamulkiisa Buush hogaamiyo yahay midka ka dambeeya xadgudubyada ciidamada shisheeye oo kuwiisu ka midka yihiin ay ka geysanayaan dalkeenna, dhibaatooyinka aadanahu u geystay shacbiga waxaa barbar socdey kuwo dabiici ahaa oo xag Alle ka yimid, sida abaaro, cudurada faafa sida daacuunka, amaan dari, daadadka, fatahaada wabiyada, dalag yarida beeraha, cunaqabateynta ku dhaceysa danyarta markii ascaartii cirka isku shareertay, wixii dibadda loo iib geyn jirey sida xoolaha oo marar badan loo diidey suuqyada Khaliijka,
dowladaha Khaliijka siiba Imaaraadka oo xalaaleystay nabaadguurinta dalkeena, diidayna in ay dalalkooda ka mamnuucaan dhuxusha lagu xaalufinayo dhirta Soomaaliya, inkasta oo aan si rasmi ah ugu qoray madaxweynaha Imaaraadka in ay ka joojiyaan dalkooda dhuxushaas
.

 

Walaalayaal dhibaato kasta Ilaaheen ayaa keena asagaana saara. Allana iskama keeno dhibaatada ee wixii aan geysaney oo dembiyo ahaa, ayuu waliba in ka mid ah nagu ciqaabaa. Sidaas darteed waxaa waajib ah in Ilaaheen loo noqdo si uu nooga dul qaado ciqaabta aan ku jirno, waana in aan Ilaaheen barinaa. Marka ku xigta qurbajooga soomaaliyeed ee wax garadka ah ee adduunka ku nool waxaa laga rabaa in ay inta isu tagaan, kuwooda mareykanka jooga, kuwa yurubta jooga intaba xubno wax garad ah u saaraan in ay la hadlaan dowladaha ay dalalkooda joogaan, in badanina ay jinsiyadooda heystaan dowladahaas oo mareykanku ugu horeeyo, in ay maamuladooda iyo goleyaashooda sharcidejinta, ay culeys ku saaraan in soomaaliya sida loola dhaqmayo ay wax ka badalaan, oo dagaalka lagu baaba’ay reer galbeedkuna ka dambeeyo siiba mareykanku laga daayo dalka. Soomaalida waxgaradkeedana waxaa laga rabaa in ay isku tagaan, oo kuwooda Eritrea jooga, kuwooda cabdullaahi yuusuf hogaamiyo iyo inta kasii badan ee dalka joogta in ay intuba ku heshiiyaan sidii dalka loo samata bixin lahaa.

 

Dalka dantiisa in laga hormariyo midda qofka ama kooxda. Dalka wanaagiisa in loo heshiiyo iyo sidii distuur loo dhiga lahaa dalku yeesho
, aftina loogu qaadi lahaa distuurkaas dadweynuhu u codeynayo, ayada oo horta la tira koobay shacbiga ku dhaqan dalkeena waqtiga ay munasibka noqoto oo distuurku qorayana, in ciddii doontaa ay xisbiyo furan karto. Sidaas ayaana looga bixikaraa dhibaatada dalka heysata, dhanka kalena beesha caalamkana waxaa laga doonayaa in ay oggolaato wixii Soomaalidu ku heshiiso in ay meel maraan oo ay sicad gacan uga geysato meel marinta qodobada lagu heshiiyo.

 

Hadaba si loo samatabixiyo ummadda Soomaaliyeed, intii dagaaladda ku tagtay waaba socdeene inta soo hartay sidii loo badbaadin lahaa ayey arrintu joogtaa maanta. Sidii qaxootiga faraha badan oo ka barakacay deegaanadoodii ay ayaga oo nabad ah ugu soo laaban lahaayeen guryahoodii ayey arrintu tahay, soomaaliya in inta hartay la samata bixiyo, in ay ayada oo nabad ah, sameysato axsaabta ay dooneyso, doorashada dimuqraadiga ah oo dantu ugu jirto, oo ay dooneysana in ay sameysato, cidii ay dooneyso oo xubnaha parlamaanka ah, iyo madaxdii qaranka iyo dowladaba hogaamin lahayd oo ay rabaan shacbigu in ay doortaan sidaasna in inta dalku dhibaatada uga baxo, in uu la soo baxo kheyraadka dhulka hoostiisa ku jira oo ama macdanta ah, amaseba shidaalka ah, kuwaas oo aan rajeynayo in ay ballaaran yihiin iyo sidaas oo kaleba kuwa dhulka dushiisa yaalla oo beeraha ka soo baxaya, marka la beero dhulka baaxadda weyn leh oo biyaha webiyada iyo roobkaba lagu beeri karo oo dalku leeyahay.

 

Waxaan aamin sanahay in xalka arrinta soomaaliya ay furo u yihiin qodobada soo socda:

  1. In ciidamada Itoobiyaanka laga saaro dalka lana keeno kuwo ka socda Qaramada Midoobey
  2. In ciidamada maleeshiyooyinka laga saaro magaaladda, xabbad joojinna lagu dhawaaqo
In la soo daayo dadka la hayo ee layska aruuriyey oo xabsiyada ku jira
In lagu soo celiyo dadkii barakacay guryahooda, miliishiyaadkana laga saaro xaafadaha
In wadahadal lagu baaqo laysugu imaanayo dalka gudihiisa, ayada oo dhinac walba uu haysto kalsooni uu shirka kaga qeyb geli karo
In uu jiro gudi madaxbanaan oo xaliya wixii laysku khilaafo
In ay shirweynaha dib u heshiisiinta ka qayb qaataan xubno matalaya qeybaha Bulshada Soomaaliyeed ka kooban tahay sida:

  1. Madaxda dhaqanka
Culimada
Siyaasiyiinta
Haweenka
Ganacsatada
Aqoonyahanka
Qurbajooga

Hadaba dad xor ah ayaa ku wada hadli kara meel xor lagu yahay. Waxaan rajeynayaana in ay ka baxaan dalkeena ciidamada soo galay ee dowladda Itoobiya, dalkana laga dul qaado wixii kale oo dhibaatooyin ah, oo lagu hayo. Sidaas oo kalena in mareykanku ka daayo soomaaliya faragelinta joogtada ah oo uu ku hayey muddo badan.

 

Inta aan si buuxda loo fulin qodobadaas lagama maarmaanka u ah dib u heshiisiinta ummadda cidii ku dhawaaqda dib u heshiisiin ayaa la qabanayaa, amaseba tiraahda waxay ka hirgelikartaa dalkeenna waxay noqoneysaa mid riyo been ah tiigsaneysa amaseba hadalkeedu yahay mid looga golleeyahay dicaayad waxba kama jiraan ah oo ummadda lagu marin habaabinayo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdiqasin was Siyad Barres boot boy for 21 years.

Then he was a USC member

Then he let his clan occupy the lower Shabbele and the Juba's taking over native lands.

 

He produced Yusuf Siyad IndaCade, Goobanle, Seeraar and Barre Hiiraale. Thats Abdiqasin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this