Sign in to follow this  
SOO MAAL

ARIN LA YAAB LEH HADDII AAY RUN TAHAY

Recommended Posts

SOO MAAL   

ARIN LA YAAB LEH HADDII AAY RUN TAHAY

 

Waxaan kamid ahaa Martidii ka qaybgashay Shirweynihii ka dhacay magaalada Lund ee dalka Sweden ...shirkaas oo sanadwalba lagu qabto magaaladaas aayna kasoo qaybgalaan aqoonyahanno iyo buuniyaal ka tirsan waddamada africa gaar ahaan Geeska Africa ,waxaana shirkaasi badanaaba diiradda saraa sidii loo furdaamin lahaa mashaakilka murugsan oo ka taagan geeska Africa gaar ahaan dalka Somalia oo muddo 15 sano ah arrimihiisa loo caalwaayey.

Sanadkaan waa ka gaddisnaa kuwii ka horreyey wuxuu kusoo beegmay iyada oo aay dhisan tahay dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay inkasta oo nasiib darro aay kala qaybsan tahay ...shirka waxaa lagu casumay in aay kasoo qaybgalaan Raíisulwasaaraha dalka Soomaaliya Geedi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif oo isagu madasha yimid hasayeeshe Prof.Geddi wuu ka cududaartay imaanshaha shirka hawl qaran darteed ,mana uu soo dirsan cid ka wakiil ah sidii la filayey .

 

Shirku wuxuu furmay maalin Jamce ah oo bisha Oktoobar tahay 14 ,habaynimadii waxaa dhammaan wufuudii shirka kasoo qaybgashay casumay Duqa Magaalada Lund

waxaana casumaadu ka dhacday xarunta wayn ee degmada ,cuntada iyo cabitaanka waxaa la safay miis dushi ,qofkastaana isaga ayaa isdabirayey oo soo qaadanayey

waxaana lala imaanayey oo cuntada la dul saaranayey miisas dhaadheer oo wareegsan iyadoo la istaagan yahay.

 

Maritidu iyada oo cuntadeeda wadata ayeey hadba dhinac u dillaamaysay ,koox koox ayaa loo sheekaysanayey ,ajnabiga meesha joogay Soomaalida ayaa ugu badnayd

Waxaa dadku si aad ah u salaamayeen Saadiq Almahdi iyo Shariifka oo ahaa labadii shakhsi oo ugu darajada waynayd dadka shirka kasoo qaybgalay ,xildhibaanada la socday Wafdiga shariifka waxaan ka garanayey oo qur ah prof.IIbbi inta kale wajiyadoodu waa igu cusbaayeen .

 

MAXAAY TAHAY ARINTA LAYAABKA IGU REEBTAY

Intii cashada lagu jiray waxaa miisaskii istaagnaa oo cuntada lasaaranayey mid kamid ah isugu yimid aniga ninkale oo Soomaali ah iyo xildhibaan kamid ahaa Wafdigii shariifka .Xildhibaankaas horay uma anaan aqoon hasayeeshe waxaan ka sheekaysanay siyaasadda Soomaaliya iyo kala qaybsanaanta dawladda ,iyo labada garab oo dawladdu u qaybsan tahay sababta aay isugu tanaasuliwaayeen si loo soo cesho midnimadii iyo qarannimadii Somaaliya .

Xildhibaankii wuxuu nagu yiri:"Runta haddii aan idiin sheego ...Shariifku dawladnimo ma rabo " waxaan moodnay in xildhibaanku kaftamayo waxaan ku iri hadalkaasi ma kaftanbaa mise waa kaa dhab ....wuxuu yiri:"Si daacad ah ayaan idiin ku waramayaa wallahi sharafku dawladnimo ma rabo " dhawr jeer ayuuna ku celceshay waxaan warsaday xildhibaanka sababta shariifku uusan dawladnimada u doonayn wuxuu nagu yiri :"Shariifku waa maalqabeen ,maalkiisa ayuu ilaashanayaa".

Arinta kale oo layaabka leh waxaay ahayd in xildhibaanku uusan naga codsan in aanu qarinno hadalka uu noo sheegay oo aanu u arkaynay sir culus .

Habaynkii markii aan qolkii aan huteelka ka jiifay aan soo galay waxaa igu soo duxday oo maankayga gaday ereyadii xildhibaanka oo aan kaligay ka faalooday

-Mar waxaan is iri amaa xildhibaanku yahay : Baadida ninbaa kula daydayi daalna kaa badane oo aan doonahayn in aad heshana daaim abidkaaye ..dadkuna moodi duul kula jira oo aan wax u dahsoonayne"

-Marna waxaan ku qancay naadriyadda Oranaysa"Muslinoow run sheeg muslimowna uga qaado" ..iyadoo aanan u jeedin sabab ku kalifikarta xildhibaanka in uu been ka sheego wadaygiisii kasoo xushay xildhibaanada kale wafdigiisana ku darsaday .

Ninkii kale oo ila joogay markii xildhibaanku xogta dhiibahayey dibadmbe uma sheekaysan annaga oo aan firaaqo isku helin baana shirkii dhammaaday ,waxaanse dareensanahay in uu qudhiisu ila mid yahay o hadalkaasi maskax faar ku riday.

 

Haddii hadalkaas uu noo sheegay xildhibaanku uu run yahay ....ilaahay run kama dhigee ...Soomaaliya waxaa soo balleeyey musiibo qaran

iyo qawaacid rujinkara dawladdii curdanka ahayd oo aan ku soo yagleelnay sanad kahor magaalada Nairobi.

 

Source:

ARIN LA YAAB LEH HADDII AAY RUN TAHAY

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this