Sign in to follow this  
me

Dhaawacyo tiro badan oo hada la keenay magaalada Gaalkacayo

Recommended Posts

me   

dhaawacyo tiro badan oo hada la keenay magaalada Gaalkacayo iyo diyaaradaha dagaalka oo ka qayb qaat

Warkii 24-Dec-2006 iyo Qormadii: axmed claahi

 

wararka naga soo gaadhaya magaalda Gaalkacayo ayaa waxa ay sheegayaan in lakeenay dhaawacyo tiro badan oo laga keenay dhinacaa iyo bandiiradlay dhaawacan oo lagu qiyaasay in kabadan 20...

 

Warar ka naga soo gaadhaya ayaa sheegay in dhaawacan la dhigay isbitaalka wayn ee magaalada Gaalkacayo dhaawacan oo ah kii kusoo dhaawac may dagaalkii saaka ka dhacay magaalada bandiiradlay oo magaalada ujirta 70km dhaawac yadan ayaa isugu jira kuwa halisa iyo kuwo meel dhaxaada...

 

 

Dagaalada ayaa xaqiiqada dhabta ah laga heli karin sabab dagaal awgood oo ay wali kasii soconayaan dagaalkan ayaa waxaa ka qayb qaatay diyaarada dagaalka ee dalka itoobiya iyadoo ay weerar saf balaadhana ay ku qaadeen dhamaan dalaka soomaaliya oo hada wixii ka horaysay ay odhan jireen ciidan nagama joogo dalka soomaaliya laakiin ay hada qirteen in ciidamadoodu kadagaalamayaan dalka soomaaliaya gihiisa...

 

Dagaalada saaka dhacay ayaa dhinac waliba ay guulxoogan ku sheeganayaan iyadoo cid madax banaan oo xaqiijisayasan jirin dagaaladan saaka kasoo cusboonaaday gobolka mudug oo ah meel ay aad ugu hirdamayaan labada dhinac oo dhinac kasta qiimo wayn uleh inay lawareegto magaalda...

 

Axmed c/laahi

 

afnugaalnews

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Duqayntii Diyaaradaha IToobiya U gaysteen Beledeyne iyo nawaaxigiisa

Warkii 24-Dec-2006 iyo Qormadii: yaasiin faytin

 

Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in halkaas ay duqeeyeen Diyaaradaha Dagaalka Ethiopia, waxaana la sheegayaan inay duqeyn u geysteen Buunadada Magaalada Baladweyne.

 

Sidoo kale waxuu warku intaas ku daraa inay Halkaas Qasaaraha dhabta ah ee la Og yahay lagu sheegay Hal Qof oo Haweenay ah oo Uu ku Dhacay Gantaal ay soo riday diyaraadaha dagaalku islamarkaana dhabarka ka kala jaray ,sidoo kale lama oga inta ay tiro leeg yihiin Diyaaradaha dagaalka ee duqeeyey magalada beledweyne , balse wararka Qaar ayaa waxay sheegayaan in duqeyntu ay sababtay kala carar iyo Qax lagu carary Buuraha dhaadheer ee ku xeeran magalada beledweyne isla markaana ay xirmeen dhammaan iskuullada degmadaas.

 

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in goobaha ganacsiga Degmada Baladweyne ay xiran yihiin ayna socdaan dadka magaaladaas iyagoo u socdaalaya dhanka goobaha laga diiwaan gelinayo ee dagaalladu laga qayb qaadanayo si ay uga qaybqaataan dagaallada ay isaga soo horjeedaan Maxkamadaha iyo ciidamada Ethiopia.

 

Ma jiraan warar Dheeraad ah oo xaqiijinaya khasaaro kale oo duqeynta diyaaradaha Ethiopia u geysteen magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaana la sheegayaa in dagaallada ay yihiin kuwo sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa.

 

yaasiin maxamed cali (faytin)

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Faaf faahin Duqaytii diyaaradaha dagaalka Ethiopia ee gobolka

 

News (B/weyn}24.12-06Diyaaradaha dagaalka Ciidamada Ethiopian-ka ayaa bilaabay duqeyn xagga cirka ah oo ay ku qaadayaan deegaano dhowr ah o ku yaalla gobolka Hiiraan isla marakana ay kamid tahay magaalada Beled Wayn ee xarunta gobolka,sida ay xaqiijiyeen dadka ku dhaqan Hiiraan

 

Wararka halkaasi aanu ka heleyno ayaa sheegaya in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ethiopian-ka ay duqeyn u geysteen xaruntii dhaqan celinta iyo tababarada Maleeshiyaad ee maamulka Islaamiga ah ee gobolka Hiiraan,inkastoo cid aysan wax ku noqon duqeyntaasi.

 

Duqeymaha oo ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka ee Miigaga loo yaqaano ayaa waxaa khal khal cusub ay ku abuureen dhacbiga rayidka ah ee ku dhaqan gobolka Hiiraan,iyadoo dadka ay bilaabeen in ay kasoo baxaan deegaanada ku dhaw dhaw soohdimaha Ethiopia ay la wadaato Soomaaliya.

 

Xoghayaha guud ee Golaha Shurada Maxaakimta Islaamka Sh.Max'ud Sh.Ibraahim Suuleey ayaa ku waramay in shacbiga Soomaaliyeed ay ka jawaab celin doonaan dhibaatooyinka ay kusoo qaadeen ciidamada Ethiopian-ka waxaana uu ku hanjabay in dhibaato daran ay u geysan doonaan waxaa uu ku tilmaamay ciidamada Ethiopian-ka ee weerarka ah.

 

Shalay ayey ahayd kolkii qaramada midoobay iyo Jaamacadda Cararbtuba ay sheegeen in dagaalka la joojiyo, waxaase muuqata inaan aritaas cidina dheg jalaq u siin.

 

News Desk WidhWidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this