Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Battles rage as Sharif Ahmed is impotent to take action

Recommended Posts

Street battles, targeted killings in Mogadishu in Somalia capital

9 May 9, 2009 - 1:36:59 PM

 

MOGADISHU, Somalia May 9 (Garowe Online) - At least five people were wounded Saturday in the Somali capital Mogadishu as pro-government forces and insurgent militias battled over control of a police station, Radio Garowe reports.

 

The fighting erupted in Mogadishu's Yaaqshiid district, forcing local businesses to shut down and temporarily stopping the movement of human and vehicle traffic in the district.

 

A spokesman for Hizbul Islam rebel faction, who did not identify himself, told Mogadishu media that pro-government forces attacked a police station under the rebels' control.

 

 

"We [Hizbul Islam] were attacked by a government officer named Abdullahi Mo'allim, and the objective was to take control of the police station and we defended ourselves," the unidentified spokesman said.

 

He refused to say whether or not today's battle is connected to sporadic fighting in Mogadishu in recent weeks, but residents said the fighting was strictly between pro-government and anti-government Islamist fighters.

 

Separately, gunfire was heard along Industry Road in Mogadishu with witnesses saying bullets were exchanged between Al Shabaab rebels and the Islamic Courts Union (ICU) militia, a pro-government Islamist faction.

 

Unconfirmed reports said the Al Shabaab fighters included non-Somalis, with some reports describing the foreigners as Arabs, Pakistanis and Afghanis.

 

Two men who were reportedly members of the ICU militia were shot and killed by masked gunmen in Mogadishu's Bakara Market, witnesses said.

 

The killers escaped and business at Bakara came to a complete halt until the two dead bodies were removed.

 

No group has claimed responsibility for the targeted killing, but Mogadishu has seen a spate of assassinations for years.

 

Today's violence comes a day after Islamic scholars declared that the president of Somalia, Sheikh Sharif Ahmed, has accepted a ceasefire.

 

Somalia has not had an effective national government since the eruption of civil war in 1991.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo cusub oo Muqdsiho ka qarxey

9 May 9, 2009 - 5:53:53 AM

 

Ugu yaraan 5-qof ayaa ku dhawacmay dagaal cusub oo maanta ka qarxay Muqdisho, kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo kooxda Xisbul Islaam oo taageersan Al-shabaab.

 

Dagaalka oo si lama filaan ah uga bilowday inta u dhexeysa Isgoyska Towfiiq iyo Isgoyska Farax ee degmada Yaaqshiid ayaa sababay in la xiro dhamaan ganacsiga ayna istaagaan isku socodka gaadiidka iyo dadka.

 

Sarkaal u hadlay Xisbul Islaam ayaa sheegay in dagaalka lagu soo qaaday ciidamadooda ku suganaa saldhiga degmada Yaaqshiid, iyaguna ay iska difaceen; dagaalkuna weli socdo.

 

"Waxaa nasoo weeraray sarkaal ka tirsan dowlada oo lagu magacaabo C/llaahi Macallin, ujeedaduna waxay ahayd in saldhiga la qabsado, kaasoo aan gacanta ku hayno" ayuu yiri afhayeenka u hadlay Xisbul Islaam.

 

Inkastoo saraakiisha dowladu aysan ka jawaabin hadalka mas'uulkan kasoo baxay, hadana waxay dadka deegaanku sheegeen inay dagaalamayaan kooxo iskasoo horjeeda oo kala taageersan mucaaradka iyo dowlada.

 

"Dhankeena ma jirto khasaare na gaaray, waxaan aragnay laba ruux oo dhaawacyo ah, kuwaasoo ka tirsanaa ciidamadii nasoo weeraray" ayuu mas'uulka u hadlay ururka Xisbul Islam.

 

Kooxdan oo gacansaar la leh Ururka Al-shabaab ayaa iska diiday in dagaalka ay kula jiraan dowlada uu xiriir la leeyahay kii dhawaanahan ka socday Muqdisho, waxayna sheegeen in iyagu aysan weerar ahayn.

 

Dhanka kale; xoogaga Al-shabab iyo Maxkamadaha ayaa isku weydaarsanaya rasaas xoogan wadada warshadaha qaybo ka tirsan, iyadoo la sheegay in Maxkamadaha laga saaray goobo ay horay ugu sugnaayeen.

 

"Waxaan arkay rag cadaan ah oo isugu jiray Carab, Mareykan, Afghanistan iyo Pakistaniyiin kuwaasoo ku sugnaa goobihii maalmahaan lagu dagaalamayay, waxay na weydiiyeen su'aalo ay ka mid ahaayeen halka aan ka nimid iyo halka aan ku socono" ayuu yiri ruux diiday in magaciisa la sheego.

 

Dagaalada socda ayaa la codsanayaa in la joojiyo iyadoo wasiiro u hadlay xukumada ay sheegeen in dowladu aysan dagaal doonayn, sidaa daraadeedna ay kooxaha kale ka dalbanayaan inay xabada joojiyaan.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalyaho cadaana oo markii ugu horaysay lagu arkay magalaada muqdisho

Posted to the MOL May 9, 2009, 1:22 pm

 

 

Dagaalyahana cadaana oo shisheeye ayaa markii ugu horaysay lagu arkay magaalada muqdisho sida ay warbaahinya usheegeen maanta oo sabti ah goobjoogayaal ku sugan magaalada muqdisho.

 

 

haweeney da, ah oo ka gaabsatay in magaceeda la xuso sababo xaga amaanka ayaa sheegtay inay isgosyka towfiiq ku aragtay maanta laba nin oo cadaana islamarkaana watay qoryo oo isla sheekaysayey.

 

 

sidoo kalle qof kalle oo isna diiday in magiciisa lasheeciyo ayaa sheegay inuu arkay nin cadaana oo garabkana uu usaarnaa Qoriga Ak47 kaasoo marayey deegaanka ifka xalane oo udhow staduim muqdisho halkaasoo kooxaha islaamiyiintaa ay ku dagaalamyeen sadexdii bari ee ugu dambaysay.

 

 

dhinaca kalle laba nin oo dhalainyaraa ayaa maanta lagu toogtay suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho kadib markii dablay ku hubaysan bistoolada ay ku toogteen gudaha suuqaasi.

 

 

dad ka agdhawaa goobta falku ka dhacay ayaa mudugonline usheegay in kooxihii falka geystay ay carareen kadib markii ay toogteen labadaasi wiil ee dhalainyaradaa lamana yaqaan sababta loo bartilmaameedsaday balse shirqoolada iyo mishinada qarsoon ayaa indhawayto ka dhaxeeyey kooxaha islaamiyiintaa ee gacanta ku haya magaalada muqdisho oo haatana dagaalo hor leh kasoo cusboonaadeen ayadoo sadexdii maalmood ee ugu dambaysay dadka ku dhintay dagaaladaasi lagu sheegay 3omeeyo sidoo kalle agaasime ku xigeenka isbitaalka madiina ee magaalada muqdisho daahir maxamed ayaa sheegay in dhaawacyada la keenay isbitaalka sadexdii maalmood ee ugu dambaysay ay gaarayaan 130 qof walow uu sheegay inay tiradu intaasi kasii badan karta , dadka muqdisho ayaa walaac xoogan ka muujiyey dagaaladaasi soo noqnoqday ee ka dhacaya magaalada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal xooggan oo ka bilowday Muqdisho

 

Dagaal xooggan oo safkiisu balaaran yahay ayaa waxaa uu waxyar ka hor ka qarxay degmooyinka Yaaqshiid iyo Huruwaa, waxaana uu u dhexeeyaa dagaalkani kooxaha Islaamiyiinta ah ee maalmahanba dirirayay.

 

Dagaalka maanta oo ka duwan kii shalay iyo doraad socday ayaa waxaa kusoo biiray sida ey wararku sheegayaan kooxda Xisbul Islaam (garabka Xasan Daahir & Cumar Iimaan), waxaana ey la safteen kooxda Al-Shabaab oo iyagu dirir ka dhexeysay maalmahan Maxkamadaha Islaamka.

 

Madaafiic iyo hub cul-culus ayaa la isla dhacayaa, mana cada wali khasaaraha dhabta ah ee uu geystay dagaalkan daqiiqadaha ka hor bilowday.

 

Waa maalinkii sadexdaad oo ey dagaalamayaan kooxaha Islaamiyiinta, waxaana uu sababay isku dhaca maleeshiyaadkan qax iyo barakac weyn.

 

Dhanka kale maanta duhurkii ayaa waxaa gudaha suuqa Bakaaraha lagu dilay labo dhalinyaro ah oo ilaa iyo iminka meydkooda yaalo gaabtii lagu dilay, waxaana dilkooda geystay kooxo ku hubeysan bastoolado oo goobta isaga cararay.

 

Ma muuqdaan wali wax dadaalo ah oo lagu doonayo in lagu dhex-galo kooxahan Islaamiyiinta.

 

Wixii kusoo kordha kala soco Calanka

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaaji_xundjuf:

no sherban intani wa hordhacii lol the bigmealkii ba ina sugaysa lol

war ileen inagaa wax aragnay nin kufaraxsan umad muslimiin ah oo is dhameeyneeyso? intaani waa horo dhac kulahaa. war heedhe alaah ka xishoo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalada Muqdisho oo kolba meel u guur guuraya iyo mid cusub oo hada ka qarxay Isgoyska Florence iyo Saldhiga Wardhiigley

 

Dagaal cusub oo hor leh ayaa goor dhow ka qarxay Isgoyska Florence iyo agagaarka Saldhiga Degmada Wardhiigley, waxaana dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday gawaari Tikniko ah oo ay wateen Xoogaga Maxkamadaha oo kaashanaya Ciidamada Dowladda.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka uu yahay mid aad u culus, isla markaana uu u dhaxeeyo kuwa Xisbul Islaam iyo Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Maxkamadaha ee Dowladda ku biiray.

 

Dagaalada ayaa u muuqda kuwo kolba meel u guur guuraya, iyadoona dagaaladii labadii maalmood ay ahaayeen kuwo dhowr jiho oo Magaalada ka tirsan ka dhacay, kaasoo u dhaxeeyay Kooxaha Islaamiyiinta ee asal ahaan ku abtirsada Midowgii Maxkamadaha Islaamka.

 

Hubka noocyadiisa kala duwan ee ay is weydaarsanayaan labada dhinac ayaa aad looga maqlayaa Magaalada inteeda kale, waxaana xaalada Magaalada ay u muuqataa mid cakirnaan sii galeysa.

 

Dagaalkan ayaa sida wararku sheegayaan ku bilowday markii la weeraray Gawaari dagaal oo gurmad ahaan uga soo baxay Aqalka Madaxtooyada, kuwaasoo ku soo jeeday aagagii maalmahan dagaalada ka socdeen.

 

Ma cada waxa ku soo beegay Dagaalkan cusub oo caawa fiidkii ka qarxay Isgoyska Florenca iyo agagaaraha Saldhiga Wardhiigley oo horay ay ugu sugnaayeen Xoogaga Xisbul Islaam.

 

Dhinacyada Islaamiyiinta firqaha badan ayaa ah kuwo isku soo jeesanaya oo kolba meel dirirta ka wada, waxaana taas keeneysa kala fikrad duwanaanshaha u dhaxeeya.

 

Xadiga dagaalka caawa ka socda Isgoyska Florenca iyo Saldhiga Wardhiigley ayaa ah mid ka culus kuwii maanta ka dhacayay Xaafadah Degmada Yaaqshiid, una dhaxeeyay Maxkamadaha Islaamka iyo Alshabaab.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DEG DEG AH: Xisbul islaam garabka Cumar Iimaan oo dagaalka toos ugu soo biiray caawa, kadib markii ay ku gubeen gaari ay maxaakimta lahaayeen saldhiga Wardhigley.

 

(09-05-2009)Dagaalo xoogan ayaa mar kale goor dhaw ka bilawday saldhiga Degmada wardhiigley halkaas oo ay daganaayen ciidamo taabacsaan Xibul islaam garabka Cumar Iimaan Abubakar.

 

Dagaalka ayaa bilawday markii ciidamada Xisbul islaam ay weerareen kolonyo tikniko ah kana soo dhaqaajiyey Xarunta Madaxtooyada oo ka tirsan ciidamada Maxaakimta, kuwaasi oo u socdey Garoonka Istadiyo Muqdisho.

 

Teknikada maxaakimta oo ahayd ilaa 5-gaari ayaa mid ka mid ah waxaa la sheegay in lagu dhuftay madaaficda garbaha laga gano kadibna waxa u noqday mid gubta oo holac uu ka kaco

 

Goob joogayaal ayaa u sheegay dalkanews.com in dagaalka uu is heysto isgoyska Xararyaale ilaa saldhiga Wardhiigley , waxaana la isku adeegsanayaa hub nuucya kala duwan leh .

 

Afhayeenka xisbul islaam muuse caraale ayaa si kooban saxaafada ugu sheegay in ay soo weerareen kooxda Jabuuti , waxaana uu shegay in ay faahfaahin doonaan halka ay xaaladdu ku biya-shubato.

 

Waa marki ugu horeysay ee ay dagaalka maalmahaan socdey ay soo galaan xisbul islaam garabka Cumar Iimaan uu hogaamiyo oo dhawaan sheegay in ay dhaxdhaxaad yihiin.

 

Kooxda xisbul islaam ee dagaalka ku soo biirtay ayaa un xaalada ka dhigeysa mid sii cakiranta.

 

dalkanews.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal culus oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo galabta kooxo islaamiyiin ah ku dhexmaray degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

 

Posted: 5/10/2009 1:35:00 AM

Shabelle: MUQDISHO

Dagaal culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta labo kooxood oo iska soo horjeeda ku dhexmaray degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

 

 

 

Dagaalkani oo bilowday duhurnimadii maanta ayaa waxaa uu salka ku hayay gacan ku heeynta saldhiga booliska ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo muddo bil ka hor ay ku dagaalameen isla kooxaha galabta ku hardamay gacan ku heeynta saldhigaasi.

 

 

 

Dagaalka oo markii hore ka bilowday agagaarka saldhiga booliska ee degmada Yaaqshiid ayaa markii dambe ku fiday xaafadaha Carafaad iyo Juungal ee degmada Yaaqshiid,waxaana sidoo kale dagaalku uu saamayn ku yeeshay gaadiidkii isticmaalayay wadada 30-ka gaar ahaan laga bilaabo isgoyska Cali Kamiin ilaa iyo Isgoyska Fagax halkaasi oo rasaasta labada dhinac ay is weydaarsanayeen si toos ah ay u soo gaaraysay.

 

 

 

Sida Idaacada Shabelle ay u xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan ugu yaraan 7-qoofood oo 5-ka mid ah ay yihiin dad rayid ah ayaa ku geeriyooday dagaalka oo soo gaaray ilaa gabaldhicii galabta,waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10-qofood oo u badan dad rayid ah.

 

 

 

Dadka geeriyooday ayaa qaarkood waxaa ay ku dhinteen xaafadahooda kadib markii ay ugu tagtay rasaas habow ah iyo madaafiic labada dhinac ay isku ridayeen,waxaana ugu dambeeyay wiil yar oo ciyaara kubadda Cagta islamarkaana isagoo ka rawaxay barxad uu kubad ku ciyaaray oo ku taala xaafadda Boondheere ay xabad wiifto ah dhabarka kaga dhacday kadibna ku geeriyooday halkaasi.

 

 

 

Dhinacyada ku dagaalamay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo ugu yaraan mudo labo jeer ah ku kala wareegay gacan ku heeynta saldhiga degmada Yaaqshiid ayaan la sheegin cid ilaa iyo hadda si rasmi ah u kala dhexgashay,waxaana jira in ilaa iyo haatan la maqlayo rasaas ayna jirto xiisadda u dhaxeeysa labada dhinac inkastoo markii uu gabalku dhacay dagaalku si iskiis ah uu u qaboobay.

 

 

 

Dagaalka ka taagan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya sedax maalmood oo iska hor imaadyo toos ah ay u dhaxeyeen ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee ku biiray dowlada iyo xoogaga Al Shabaab kuwaasi oo isku heysta gacan ku heeynta xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale tuhuno dhinacba uu dhinaca kale ku eedeynayo in uu doonayo in uu kala wareego gacan ku heeynta goobaha ay maamulaan,dilal qorsheysana ay u maleegayaan.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this