Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Finance minister meets Kenyan Foreign minister in Kenya

Recommended Posts

Wasiirka Maaliyada Ee Somaliland Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Kenya

Written by Geeska

Mar 23, 2010 at 02:24 AM

 

Hargeysa(Qaran News) -Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Kenya Moses Wantengula, ayaa cudur daar ka bixiyay hadal uu dhawaan ku duray Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii uu dalbaday in la baadho safarkii uu dabayaaqadii kal hore Hargeysa ku yimid guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin.

 

 

Wasiirku, waxa uu hadalkan cudur daarka ah u sheegay Wasiirka maaliyadda Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo hadda safar ku jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, kaas oo ay kulmeen. Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo uu Wargeyska Geeska Afrika, wax ka weydiiyay kulankan ayaa xaqiijiyay inay kulmeen, waxaanu u sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku saabsan Somaliland iyo Kenya, “Haa kulankaasi wuu jiray, waxaanu ahaa kulan muhiim ah.” ayuu yidhi Wasiir Cawil, oo intaas raaciyay, “Waxaanu ka wada hadalnay xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya iyo sidii loo sii xoojin lahaa

 

Wasiirku, wuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo waxyaabaha kale ee uu kala hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Kenya. Laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska u xaqiijiyay in Wasiir Moses, uu kulankaas kaga cudur daartay dalabkii uu dhawaan u jeediyay Baarlamaanka dalkiisa ee la xidhiidhay inay baadhaan safarkii uu guddoomiye Faarax Macalin ku yimid Somaliland, kaas oo uu wasiirku ku eedeeyay inuu dhiiri geliyay madaxbanaanida Somaliland. Wasiir Moses, ayaa sida uu warku sheegay xusay inuu diyaar u yahay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Kenya.

 

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa la filayaa in mudada uu Kenya joogo uu la kulmo Raysalwasaaraha dalka Kenya Raila Odinga.

 

Source Wargayska Geeska Afrika

 

 

Last Updated ( Mar 23, 2010 at 10:55 AM )

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Which one is the Kenyan foriegn minister?

:D A bitter man is a cynic man. Get over and move on Che . LA socotey maakhirna waa kudaba jirtaa.

 

to Xaaji xunjuf. Horta "Cawil tuug" ma xoogaagii dekada iyo Haamihii total, laga soo ururiye ayuu kenyatigii marba mid u xaambarayaa miyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Don't count your chickens before they are hatched.

 

And that was sincere question-couldn't tell who's who

 

The chicken in question have already been hatched oo weliba waa loo wanqalay :D

And about the insincere cynism I'll term it as a blind syndrome of dispair.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@dispair juma-nne war niyahow 20 plus of self induced delusions have screwed your sense of perception.

 

As for wanqalid, the only wan you could have afforded was given to Xaabsade for his unholy efforts-I doubt there was another wan for festivities :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Only if he could outbid Faroole's pirate money. It does like that suit oo huluf hulufka ah lacag in lagu soo ridey.

 

P.S. The foriegn minister doesn't take monopoly money :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Nagadaa ninyahow couple of millions hadii laguu soo tuuro kor baad u boodilaheyd.Kikuye masago xadaya couple of millions ka deyrin lahaa :D

 

P.S. Sharif lacagtiisa Xiin iyo Jujebaa og meeshey marto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this