Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: TFG bust foreign counterfeit organisation

Recommended Posts

Ciiddamadda DFKMGS, oo la sheegay inay maanta gacanta ku dhigeen Rag shisheeye ah oo u kala dhashay dalalka Afganistan iyo Pakistan.

 

Somaliweyn(Mog. , May 26 ,2007)SMC

 

Ciiddamo ka tirsan kuwa DFKMGS, ayaa waxay duhurnimaddii maanta hawlgal ka sameeyeen Xaafadda Suuqa Cawska ee Degmadda Shibis, iyagoo go'doomiyey, isla markaana galay Guri gaar ah oo looga shakisanaa inay ku sugan yihiin Dad shisheeye ah.

 

Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan inay Ciiddamadda DFKGMGS gacanta ku soo dhigeen saddex nin oo caddaan ah, kuwaasi oo lagu sheegay inay u kala dhasheen dalalka Afganistan iyo Pakistan.

 

Goobjooge codsaday inaan la carabaabin, oo goor dhow u waramayey Idaacadda Somaliweyn, ayaa sheegay inay Ciiddamaddu halkaasi kala baxeen Kartoomo waa weyn oo ay ka buuxaan Lacagaha Kun-kunka Shillin iyo Makiinad la sheegay in lagu daabaco Lacagaha Dollarka iyo Shillin Soomaaliga.

 

Goobjoogaha, waxaa kaloo uu sheegay inay Ciiddamadda DFKMGS oo watay dhowr Tekniko ah ay kaxaysteen raggaasi Ajnabiga iyo qalab kale oo la sheegay in lagu farsamayn jirey Lacagaha Been Abuurka iyo Dukumentiyo kale.

 

Dhinaca kale, mar aan isku daynay inaan wax ka weydiino Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintaasi.

 

Ma cadda inay raggaasi gacan-saar la lahaayeen Ururkii Maxkamadaha Islaamka iyo inay iska ahaayeen dad caadi ah oo ku xoogeysan jirey samaynta Lacagaha iyo Dukementiyadda been abuurka.

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC)Mogdishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

No saxib, adeer Yey wants the central Bank to run this business, a simple fact you seem to be lost with. He is the President of the country.

Oh go to Islamabad and Kabul and set up a printing money business, they will spare you cause you are fellow Somali Muslim..lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Howlgal ciidamada dowladda ay sameeyeen oo lagu soo qabqabtay ajaaniib.

26. Maj 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Howlgal ay maanta sameeyeen ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayey waxay ku soo qabteen sadax nin oo ajaaniib ah kuwaasi oo ku dhuumaaleysaney guri ku yaala degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

 

Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya sadaxdan nin ee la qabtay oo ka soo jeeda qaarada Aasiya, ayaa waxaa dadka deriska la ahaa dadkaasi ay inoo sheegeen in barqanimadii maanta ciidamada dowladda oo howlgal ka fulinayey xaafadaasi ay ku yimaadeen gurigii ay ku jireen iyagoo ciidamada garaacay guriga markii danbena awood ku galay gurigii iyagoo qalabeysan waxayna ciidamadu qabteen sadaxdaas nin oo guriga xiligaasi ku sugnaa.

 

Nimankan ayaa waxay guriga ku sameynayeen lacago shilin Somali iyo Dollarka la dhaqo iyadoo ciidamadu ay lacagtaasi iyo daawadii lagu dhaqayey ay ku wareejiyeen saraakiisha dowladda KMG.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ganacsato Soomaaliyeed ay gurigaasi soo dejiyeen sadaxdaasi nin oo howlo ka waday guriga dhexdiisa iyadoo sidoo kale lala xiriirinayo in ay xiriir la leeyihiin Maxkamaddihii Islaamiga ee laga awood roonaaday.

 

Tallaabadan lagu soo qabtay xubnahan u dhashay Qaaradda Aasiya ayaa waxay guul u tahay dowladda KMG oo ku raad joogo xubno looga shakisan yahay iney ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this