Sign in to follow this  
ansaar17

Villa Baydhabo attacked!!!

Recommended Posts

ansaar17   

Weerar xoogan oo Caawa lagu qaaday Xarunta Villa Baydhabo kuna sigatay in Mujaahidiintu ay halkaasi la wareegaan.

 

Muqdisho,10,February-07 ( Qaadisiya.com) Weerar xoogan ayaa caawa lagu qaaday Xarunta Villa Baydhabo oo ay degan yihiin Saraakiil Xabashi ah.

 

 

 

Weerarkani lagu qaaday Villa Baydhabo oo la isku adeegsaday Rasaasta noocyadiisa kala duwan ayaa Mujaahidiintu waxa ay kudhawaadeen in ay lawareegaan Xarunta Villa Baydhabo inkastoo Markii Dambe Ciidamada Tikreegu ay lasoo baxeen Kaaro iyo waxyaabo kale.

 

 

 

Dagaalka kadhacay Xarunta Villa Baydhabo Caawa ayaa waxa uu socday inkabadan 30-daqiiqo iyadoo intii uu socdayna la waayay cid u soo gurmata Xabashida kusugan gudaha Xarunta Villa Baydhabo.

 

 

 

Ugu dambeyntii Mujaahidiinta ayaa isaga baxay Goobtii ay aaga ka galeen ee Villa Baydhabo iyadoo Tikreeguna ay ku sigteen in ay halkaasi isaga baxaan lakin markii Mujaahidiintu ay arkeen in ay kaaryaal soo diyaarsadeen Tikreega ay u arkeen Maslaxadda Shacabka in ay halkaasi isaga tagaan si Tikreegu uusan u weerarin Goobaha rayidka ay ku badan yihiin.

 

 

 

Majirto illaa iyo iminka wax khasaare ah oo laga soo sheegayo weerarkii caawa ka dhacay Xarunta Villa Baydhabo, waxaana qoryihii loo adeegsaday ugu badnaa caawa qoryaha yaryarka oo uu ugu weynaa BKM, waxaana Maalmaha soo socda la arki Inshaa Allaah Saldhigyo kamid ah kuwa ay tikreegu fadhiyaan in ay kala wareegaan Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeyneysa sidii ay dhulkooda u xureyn lahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this