Sign in to follow this  
General Duke

Mugadishu Somalia's security is good UN envoy

Recommended Posts

ahmedou.jpg

Muqdisho amaankeedu waa wanaagsan-yahay

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 23-Sebtember-2007

 

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah oo malintii shalay booqday magaalada Muqdisho ayaa carabka ku adkeeyay in amaanka magalaada Muqdisho uu wanaagsan yahay isla markaana uu kasii wanaagsanaanayo maalinba maalinta xigta .

 

Ahmed Ould Abdallah oo shir jaraa`id ku qabtay magaalada Nayroobi ayaa sheegay in si weyn uu ugu faraxsanahay ifafaalaha nabaeed ee Muqdisho ka jira uuna ku boorinayo dowlada in ay sii dar dar giliso.

 

Waxa uuna intaa raaciyay Ahmed Ould Abdallah in madaxda dowlada KMG ah ay ka wada hadleen nabad soo celinta Soomaaliya iyo sidii Qaramada Midoobay uga qeyb qaadan lahaayeen soo celinta nabada Soomaaliya.

 

Wakiilkaani cusub ee u dhashay dalka Morataaniya ayaa sheegay in madaxweynaha dowlada KMG ah uu ku war giliyay in ay codsanayaan ciidamo carbeed iyo kuwa african ah taani la dar dar gilinayo .

 

Ahmed Ould Abdallah ayay u tahay markii ugu horeeysay oo uu soo gaaray magaalada Muqdisho ,iyadoo uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in wax weyn uu ka qabto howlaha nabada Soomaaliya.

 

Maryama Xuseen Axmed

seymuun@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayroobi: QM oo sheegtay in nabadgalyo ka jrto Soomaaliya.

23. september 2007

 

Nayroobi(AllPuntland)- Qaramada Midowbay ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya nabadgalyadiisu soo hagaageyso isla markaana dowlada Soomaaliya iyo ciidamada dowlada Itoobiya oo taageeraya ay ku guuleysteen nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya gaar ahaana Magaalada Muqdiso.

 

Wakiilka cusub ee Qaramada Midowbay uqaabilsan dalka Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah oo shalay tagey magaalada Muqdisho ayaa Shir Jaraa'idka oo ku qabtay Magaalada Nayroobi wuxuu sheegay in uu ku farxay nabadgalyada ka jirta Magaalada Muqdisho.

 

Wuxuu sheegay Sarkaalkan in magaalada Muqdisho inkastoo ay joogaan ciidamo fara badan oo ka tirsan dowlada Soomaaliya balse wuxuu sheegay in laga guuleystay kooxaha ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.

 

"Waxaan aad iyo aad ugu farxay nabadgalyada ka jirta Magaalada Muqdisho ,waxaana arkay ciidamo fara badan oo magaalada jooga laakiin kuwaasi waxa ay ilaalinayaan nabadgalyada ay keeneen ciidamada dowlada Itoobiya iyo kuwa dowlada Soomaaliya "Ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midowbay ee arimaha Soomaaliya.

 

Wakiilku wuxuu sheegay in ay isla soo qaadeen Madaxda dowlada Soomaaliya markii uu shalay la kulmay nabadku soo celinta dalka iyo sidii UN-ka uga qebqaadan lahaayeen sugida amaanka ee dalka Soomaaliya.

 

Wuxuu soo dhaweeyey masuulkan codsi ay jeediyeen Madaxda Qaranka Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalida Md.C/laahi Yuusuf Axmed oo ku aadanaa in ciidamo ka socda Carabta iyo Africa la keeno Soomaaliya si buu yiri ay ubaxaan ciidamada dowlada Itoobiya oo waqti dheer ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Ugu danbeyntii wuxuu sheegay sarkaalkan in uu ku faraxsan yahay howlaha dowlada Soomaaliya laamaheeda sharcigaa ka wadaan magaalada Muqdisho isagoo ku booriyey dowlada Faderaalka ee Soomaaliya in ay kor uqaada howlaha loogu gargaarayo umada Soomaaliyeed oo dowlad la'aan ahaa 17 sanno waqti ku dhow.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka socda QM waliba sarsare oo Muqdisho soo gaaray

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 22-Sebtember-2007

Wafdi uu hor kacayo ergayga cusub ee Qaramada Mdoobay ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho , iyadoo iminka ay kulamo la leeyihiin madaxda dowlada KMG ah.

 

Ahmedou Ould Abdulla iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka ka dambeeya safarkooda , iyadoo warar hoose ay sheegayaan in arimaha bani`aadanimada Soomaaliya ay kala hadlayaan madaxda dowlada.

 

Waxaana la filiyaa in saacadaha soo socda ay saxaafadda la hadlaan si ay u siiyaan warbixino ku aadan wax yaabaha ay kala hadleen Yuusuf iyo Geeddi.

 

Ahmedou Ould Abdulla ayay u tahay marki ugu horeeysay oo uu soo gaaro Soomaaliya tan iyo markii xilkaasi uu qabtay , iyadoo uu kala wareegay Mr.Fall.

 

Waxa uuna safarkaani soo baxayaa xilli maalintii shalay magaalada ay soo gaareen wafdi uu hogaaminayo Ghanim Al-najar oo Qaramada Midoobay u Qaabilsan dhanka xuquuqul insaanka Soomaaliya.

 

Maryama Xuseen Axmed

seymuun@hotmail.com

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir ku xigeenka difaaca Qaranka Salaad Jeelle” Muqdisho rabshado meelo kale laga soo abaabulay ayaa loosoo musaafuriyay hadana kuwii loo soo dhiibay iyagi ayaaba gaba gabo la marsiinayaa”

 

Wasiir ku xigeenka difaaca qaranka Soomaaliyeed Salaad cali Jeele ayaa ka dhawaajiyay in mar dhow xaaladaha amaan ee magaalada Muqdisho ay wax weyni iska badalidoonaan

 

Dhagaha dadkuna ay ku diimi doonaan maqalka qaraxyadah iyo tacshiiradaha mararka qaar dhaca.

 

“Amaanka Muqdisho hadda waa sugan yahay wax yaabo yar yar ayaana dhiman dhawana gacan bir ah ayay magaalada oo dhamki geli doontaa”ayuu yiri wasiir ku xigaha difaaca qaranka Soomaaliyeed Salaad Cali Jelle oo hadalkanka sheegay munaasabad madax farabadan oo Soomaaliyeed ay ka qeyb galeen oo maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho laguna mamuusayay fguritaanka xafiiska dalladda Bulshada rayidka deegaanada Banaadir oo uu guddoomiye ka yahay General Axmed jilicow Caddow .

 

” Muqdisho rabshado meelo kale laga soo abaabulay ayaa loo soo musaafuriyay hadana kuwii loo soo dhiibay iyagi ayaaba gaba gabo la marsiinayaa”ayuu mar kale yiri wasiir ku xigaha difaaca qaranka Soomaaliyeed salaad cali jeele oo intaa ku daray in dagalka argagixisada ka dhanka ahi uu marayo meel gabo gabo ah dhawaana lasoo afjaridoono.

 

“Shacabka Muqdisho waa ognahay in ay nabadda u oomanyihiin ayna jecelyihiin dowladooda,laakin kuwo aad u tira yar ayaa isku dayaya in ay dhibaato hor leh abuuraan,waxaanse kuwaa iyaga ah u sheegayaa in ay waantooban hadii kale ay cawaaqib xumo aanay kasoo kabsan la kulmi doonaan “ayuu ku goodiyay wasiir ku xigaha difaaca qaranka Soomaaliyeed Halyey salaad Cali Jeelle.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho.

Contact:carmooyin@hotmail.com,carmooyin@gmail.com

 

Email Story Printable View

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

War ninkan Duke ah anigu ilama aha inuu nin soomaali ah yahay. Waayoo wuxuu u hadlaa sida "Robert Murdoch owned TV commentator AKA Fox channel" Si cad oo aan bareer lahey ayuu khabaarka beenta ah u soo tabiyaa. daliil waxaa u ah bishii hore ayaan halkaan ugu sheegay dowladani xaalkeeda inaan si toos ah ula socdo oo aan ka warqabo waxa ay ka waddo soomaali tusaale waxaan ku idhi xubnaha sare ee dowladdani iyagoon baa mindiyo hoos isaga soofaysanaya, goor aan dheerayna way soo shaac baxaysaa, shacabna kama warqabaan oo toodii baaba meel ay gaystaan u la'. dotobaadkaan gudihiisa waad ka wada warqabtaan waxa soo shaac baxaya. Isna imika wali wuxuu lataaganyahay QM nin ka socda baa leh soomaliya nabad baa ka jirta, uma muuqato, waxa SL iyo PL kala haysta, waxa ka soo billow Mudug ilaa iyo Jubada hoose ka dhacaya qabaa'illada maalin walba is dilaya, waxa xamar ka taagan iska badaa oo xisaab maleh. waxa calaacal ka yeeraya raggi Xamar la keenay in dunida loogu sheekeeyo heshiis bay soomaali gaareysaa.Inagoo ayuu doonayaa inuu naga dhaadhiciyo QM baa awood u leh inay ka hadasho dhabta dunida seddexaad ka taagan iyadoon ka heysan fasax dowladaha kuraasta ma guuraanka ku leh..War nin yahow siyaasadda soomaliya iyo geeska afrika ka taagan waanu kaaga khabar roonahay oo si toos ah baynu ula soconaa dadka ugu tunka wayn iyo xagga ay marayaan, runtina kuwa aad ku daba lunsan tahay waa ugu liitaan oo awood ciidanna ma heystaan mid siyaasona mab gartaan micnaheeda asaliga ah. waa rag la wato, hadalkeygana maant si fiican u dhuuxi, waana laga takhalusi mardhow say u wada dhan yihiin, goortii la hello raggii lagu badali lahaa, ogowna waa la diyaarsaday. Mar aan sidaa u dheeray waad arkidoontaa iyo laga dhigay mid la dilay mid dhuumaalay ku nool iyo mid la xidhay. 80% Intaas oo dhib ahna waxaa u gaysan doona ragga meesha iyaga keenay, intii taa laga gaarayo nassibkii kan mucaaradku helaan.Waxaan maqli jiray haweenka soomaaliyeed oo isugu heesa heblaayo waa ismoog oo aqalkii bay aslaysaa imana oga.Marka walaal ragga aad u sacaba tumayso laba mid weeyo ama cadow u qarson baad tahay oo doonaya inaad dadka ku sii dirto and doqon sidooda baadan war uhayn waxa u soo socda oo si cilmiyey waxba uma aragtaan makhaaxiga sheekoyinka laga wado baad run moodaan hooraa loo yiri maangabtu madax u salaaxay moodaan in maslaxo loogu keenayo.Caawa ka dibna been beentaada ka hadli maayo ilaa aad indhahaaga wax ku aragto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

He must have said those remarks under a gun point or else he is as retarded as them yeeyo vampires...

 

Daily violence bleeds life out of Somalia's largest market http://afp.google.com/article/ALeqM5gMbJYmHeCP7gxaIeV4iQgkY7OaSg

 

Three killed as heavy fighting rocks Somali capital (7 hours ago) http://afp.google.com/article/ALeqM5jI9wOUbxzGfpIbA7pBwo_Nr7iJtA

 

Row erupts in Somali government (13 hours ago)

http://afp.google.com/article/ALeqM5gFMX0k0B7fcdWmVNjuv30UujN-yA

 

UN Rights Envoy Says Fear Growing in Somalia

 

A United Nations human rights expert says people in Somalia are more afraid then ever of being targeted by fighting in the capital, Mogadishu.

 

Ghanim Alnajjar, the United Nations' independent expert on human rights in Somalia, is interviewed as he visits Mogadishu, 20 Sep 2007

Ghanim Alnajjar said Friday that civilians are afraid of being killed and of being arrested by insurgents, government troops and Ethiopian forces. He also accused all sides of recruiting children to fight in the conflict.

http://www.voanews.com/english/2007-09-21-voa43.cfm

 

Somalia: Bomb attack wounds police officers

http://somalinet.com/news/world/Somalia/12968

 

Dilal Muqdisho ka dhacay Saacadihii la soo dhaafay

http://www.hiiraan.com/news/2007/sept/wararka_maanta23-1961.htm

 

Biyo la’aan daran oo soo food-saartay Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho

http://www.hiiraan.com/news/2007/sept/wararka_maanta23-1957.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reer-Banadir, there will always be and have been clashes between Somali clans, over water holes and grazing areas. This has been true in the past and will be in the future so long as our mentality does not change. Yes there are many security concerns. However things are getting better.

 

The security is improving no doubt since there is an unfair balance of power towards the TFG.

Thus the recruiting, training and rebuilding from scratch all the security apparatus will take time.

 

Somalia is not unique there are developing countries with much higher murder rates even though they have functioning governemnts, such as Brazil, Colombia, Jamaica and even South Africa.

 

Is it improving?, Yes.

 

If you want to reduce the violence, do not glorify it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this