Sign in to follow this  
Xudeedi

7 Ministers, 5 MP's, Deputy Darwiish Commander along with 1000 troops arrive Sanaag

Recommended Posts

Xudeedi   

Faahfaahin dheraada oo ku saabsan Wasiiro ka socda Maamulka Puntlland Maalinimadii shalay soo gaarey Gobolada Sanaag iyo Hayland kulamano la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada Degaanadaasi.

 

Highland/Sanaag:-Waxaa maalinimadii shalay ka soo socdaalay Magaalada Garoowe ee caasumada Maamulka dowlada Puntland koox Wasiiro ah oo ay tiradoodu gaareyso ilaa 7Wasiir oo ka soo jeeda Degaanada Dowlada Puntland ee Gobolada Sanaag iyo Hayland Xildhibaano ka tirsan Golaha Xukuumada Maamulka Puntland ,Wasiiradan ayaa waxaa ay u kala jabeen gobolada Sanaag iyo Hayland waxaana Weftigii ugu Horeeyey ay socdaal ku Yimadeen Shalay barqinkii Magaalada Dhahar ee Fadhiga u ah Gobolka Hayland oo Maalmo ka hor uu Madaxwaynaha Maamulka Puntland Qalinka ku duugey.

 

 

Wasiirada kale ee iyana u boqoolay dhinaca Sanaag ayaa weli waxaa ay ku suganyihiin degaano ka tirsan isla gobolka Hayland ee Degaanadka ceelbuh ilaa xalay ilamaa saaka kulamo kala duwan kula qaatay qaybaha kala duwan ee Odayaal dhaqameedka iyo Bulshada degaankaasi iyadoo isla shalay ay wasiiradani soo mareen oo kulamo ku yesheen Magaaloyinka Balibusle,Kaladhacda ugu damayntiina saaka ay uga baqoolayaan Dhinacaas iyo Magaalad Badhan oo fariisin u ah Xukuumada Puntland ee dhinaca SANAAG,Wasiiradan ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xasan shire,Wasiirka Arrimaha gudaha C/laahi Axmed Jaamac (Generalilkajiir) Wasiirudowlaha Madaxtooyada ee dhinaca Amaanka C/risaaq Salaad Xamari,Wasiir ku-Xigeenka 1aad ee Amaanka Puntland C/Jamaal Maxamed Cismaan,Wasiir ku-Xigeenka 1aad ee Wasaarada Maaliyada Puntland Maxamed Bootaan,Wasiir ku-Xigeenka 1aad Ee Dekedaha iyo Khayraadka Bada Puntland Abshir Siciid Saalax,Wasiir ku-Xigeenka Wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada shaqada iyo Shaqaalaha ee Puntland ,Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Aaga Sanaag Co.C/laahi Cumar Cashuur,Sidoo kale Waxaa socdaalkan golaha Wasiirada Maamulka Puntland ku Weheliya ilaa 5Xildhibaan oo ay ka midyihiin Xildhibaan C/Xakiin dhooba ******,Xildhibaan Jookha Gelle ,Xildhibaan kutubo,Xildhibaan Ilbir iyoWeliba Qaarkale oo ka mida Mudanayaasha Barlamanka oo ananhelin Magacyadooda.

 

 

Ujeedada Socdaalka Masuuliyiintan ayaa ah mid qota dheer oo ay ku wacyigelinayaan Dadwaynaha ku dhaqan Gobolada Sanaag iyo Hayland oo ah Gobolo lugu bartay Xasilooni iyo Deganaansho buuxa oo dhinaca Amaanka ah,Waxaana ay ku macneyeen Masuuliyiintani oo dhamaantood u dhashay goboladan inay yihiin Dad xil wayn iska saaraya Masuuliyada shacabkooda iyo sidii ay marwalba ula socon lahayeen arrimaha guud ee Gobolada ay ka soo jedaan Xili dhowaan Golaha xukuumada iyo golaha Barlamanku ay isku raceen inay tahay arrinmihiim ah in Gobolkasta ay Socdaal kormeera oo wacyigelin ah ay ku maraan masuuliyiinta ka soo jeeda ee Maamulka Puntland iyadoona aaney ahayn gobolada oo keliya meelaha ay Socdaalka ku marayaan Golayaasha Dowlada ee Xakuumada iyo Barlamanka dowlada Puntland.

 

 

Wasiiradan ayaa waxaa kala Horkacaya Wasiirka Xanaanada xoolaha oo isagu ay la socdaan Wasiir ku-Xigeenka Amaanka iyo Wasiir ku-Xigeenka Isboortiga iyo 2Mudane oo ka mida Barlmanka Puntland Halka DHinaca Badhan ee Sanaagna ay Marayaan 2Wasiir iyo ku Xigeeno oo hor Socdo General ilkajiir oo markan la sadaaliyey inuu dib u soo kicinayo Ciidamada Xooga Goboladaasi si dadka iyo dalku u Noqdo mid Difaaciisu yahay Muqadas.

 

 

Sidoo Kale Idaacada SPR ayaa kuwargelinaysa inay daqiiqad daqiiqad u soo gudbin doonto kulamada ay dadkan masuuliyiinta ah laqaadanayaan shacabka iyo Madaxda ku dhaqan goboladaasi oo aysan kulmin mudo dheer tan iyo Markii Xukuumadan cusub ee Wasiiradan farahabadan ay ka socdaal inatay dalka ka talinaysey.

 

 

Hadaba la soco Wararka Puntlan ee Masuuliyiintan oo kulamadoodu ay maanta si rasmi ah uga Bilaabmeen Goboladaasi..

 

 

Maxamed Ahmed Issa

 

 

Idaacada SPR/Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   
Dhahar (SPR): Wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaano oo soo gaarey degmada Dhahar ee xarunta gobolka Highland ayaa waxay soo gaareen degmada Dhahar. Wafdigan ayaa ka warbixiyey socdaalkooda iyo umada Hayland ugu bishaareeyey gobolka uu madaxweyne Dr. C/raxmaan Faroole ku dhawaaqeysi heersare ah iyadoo lagu soo dhaweeyey beerta derista ee magaalada. Waxaa goobtaasi ka hadley dhamaan isimada gobolka, wasiirada, xildhibaanada, iyo ururada bulshada

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Dhagayso----Wefdi wasiiro iyo xildhibaano ah oo booqasho ku tegey xarunta Haylaan ee degmada Dhahar.

 

 

9304.jpg

 

spr.fm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Wafdiga wasiirka arimaha gudaha oo gaarey magaalada Ceelbuh, kuna sii jeeda… iyo wareysi aanu la yeelanay xoghayaha arimaha gudaha Ismaaciil Yuusuf Ciise

 

Ceelbuh (SPR) : Wareysi ay idaacada Somali Public Radio ay yeelaney xoghayaha wasaarada arimaha gudaha iyo hormarinta reer miyiga, Ismaaciil Yuusuf oo nooga warbixiyey socdaalka wufuuda u kicitantey gobolka Sanaag, iyagoo haatan ku sugan magaalada Ceelbuh, barina laga filayo in ay tagaan magaalada Badhan. Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaaya wasiirka arimaha gudaha Gen. Ilka Jiir iyo wasiira kale iyo xildhibaano ayaa ku wehelinaaya safarka.

 

dhagayso:

 

dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Waxaa maanta u ambabaxay Gobolada Sanaag iyo Haylaan laba wefdi oo ay kala hogaaminayaan Wasiirka Arimaha Gudaha Gen. Cabdilaahi Axmed Jaamac (ilkajiir) iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire .

 

 

 

Labadan wefdi ayaa waxa ay u kala ambabexeen labada Gobol ee deriska ah Sanaag iyo Haylaan , waxaana ku weheliyey safarkooda masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka

Puntland oo u badan taliyayaal ciidan.

 

 

Wasiirka xannanada xoolaha Siciid Xasan Shire ayaa isagu gaadhey magalada Dhahar

ee magaala madaxda Gobolka Haylaan, si wanaagana loogu soo dhoweeyey halkasi.

 

 

Dhanka kale ayaa la filayaa Galabta soo gaadho Wasiirka arimaha Guddaha

Gen. Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) iyo wefid uu hogaaminayo Gobolka Sanaag

Gaar ahaan Magaalada Badhan .

 

 

Socdaalkan Wefdigan ayaa waxaa la sheegay in uu ka danbeeyo in ay ka hortagaan

Dooroshoyinka maamulka Somaliland oo laga Baqi qabo in ay ka dhacaan deegaano

tirsan ah G/Sanaag.

 

 

Isku soo wada duuboo waa markii u horeysey ee wefdi caynkan oo kale ah uu yimaado Deegaanka Maakir, Gen. Cabdilahi Axmed Jamac [ilkajiir] ayaa sidii loo doortay aan weli iman deegaanadaasi, wuxuuna safarkiisani ku soo beegmay xilli uu ka hortegayo Doorashooyinka somaliland , sababta u wayn ee uu socdona ay tahay aritan doorashoyinka Mamulka Somaliland iyo Sidii looga hortegi lahaa.

 

 

Hadaba ma lays odhan karaa wefdigan ka socda Maamulka Puntland ee soo gaadhey

Gobolada Sanaag iyo Haylaan ma yihiin kuwa u socda danaha iyo horumarinta Deegaanka

Maakhir , mise waxa ay u socdaan oo keliya ka hortaga doorashooyinka somaliland?

 

Hadaaftimo Media Center

Naalaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Wafti balaadhan oo ka kooban Golayaasha Puntland oo uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowladda Puntland Gen Abdullaahi Ahmed Ilkajiir ayaa goordhayd soo gaadhay Magaaladda Ceelbuh Waxayna Safaro kala duwan ku galaa bixin doonaan Deegaano katirsan Gobolada Sanaag iyo Haylaan.

 

Waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Gen Abdullaahi Ahmed Ilkajiir ayaa Waxay kusoo beeg maysaa kadib markii ay Saaka Wafti heer sarre oo isna uu Hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xassan Shirre oo ay booqasho rasmiya ku tageen Xaruunta Gobolka Haylaan.

 

Waftiga uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Waxaa lagu wadaa in ay maraan Dhamaan Degmooyinka Gobolada Sanaag iyo Haylaan Waxayna bari ku bixi doonaan Magaaladda Badhan ee Casimada Gobolka Sanaag.

 

Safarka uu ku tagay Magaaladda Ceelbuh Wasiirka Arimaha Gudaha aya Waxaa ku weheliya Wasiir Kuxigeenka Dekadaha iyo Khayraadka Badda, Wasiirka Madaxtooyada Ali Xamari iyo Xildhibaan Ilbir Waxaa sidoo kale kamida Safar Wasiiro iyo Xildhibaano kale.

 

Sidoo kale Waxaa Maanta Safar heer sarre ah ku tagay Magaaladda Dhahar ee Xaruunta Gobolka Haylaan Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xassan Shirre oo ay kamid yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano.

 

Safaradaan ay Masuuliyiintan ka Socda Dowladda Puntland ku tagayaan Gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa Waxay u muuqdaan kuwo wax badan ka badalaya Arimaha Goboladaas oo hore Wax qabad la'aan tirsan jiray Waxaa Sidoo kale booqashadani kusoo beegmaysaa Magacaabista Gobolka Cusub ee Haylaan iyo Wasiir Kuxigeenka koowaad ee Amniga.

 

Liibaan Abdirashiid Siciid

Liibaan5711@hotmail.com

Laasqoray.NET

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dawlad Hoose C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ayaa Gaadhay Sanaag Degmooyin ka mid ah sida Badhan iyo Ceelbuh, Safarka Wasiirka waxa ku weheliya Saraakiil Ciidan Xildhibaano iyo Masuuliyiin Gobolka ka soo Jeeda, Safarkooda ayaa daba socda Mid ay Wasiiro ku Joogaan Hayland iyo Caasimada Dhahar waxana Loola Jeedaa sidii dadka deegaanka looga Midha dhalin lahaa dhanka Horumarka.

 

 

Ilka Jiir ayaa la sheegay inuu Odayaasha deegaanka la Kulamayo ayna isla Meel dhigayaan Arimo badan oo Cakiran sida Horumar La’aan dadka deegaanku ka Tirsanayaan Maamulka Haatan Jira iyo kuwii Hore ee Soo Maray Puntland.

 

Waa Waftigii igu Miisana Cuslaa ee Gaadha Gobolada Hayland iyo Sanaag Tan iyo Markii Hogaanka Faroole iyo Xulufadiisu la wareegeen Horaantii Sanadkii 2009- Bishii Janaayo.

 

Gen Ilka Jiir ayaan Cag soo dhigin Gobolka Ilaa Mudo laga Joogo Sanad iyo Badh ama Intii Maamulka Cusub ee Pl Jiray Gen-ka ayaa Gobolada Hayland iyo Sanaag waxa Ugu Danbaysay Wakhtigii Olalah Doorashada Pl oo uu dadka deegaanka Kalsooni badan ka Rabay hase ahaatee markuu qaatay Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa dad badani Cadhuufada dib u Laqeen oo ay ka Biya diideen Gen-ka.

 

MM Dheere

 

Galgalanews@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Dhahar (RBC) Wafdi ballaaran oo uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Puntland Gen. C/laahi Axmed Jaamac (Ilka jiir) ayaa maanta gaaray degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag.

 

Wafdigan oo u kala qeybsanaa labo qeybood ayaa waxaa xubno ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xasan Shire, Wasiir ku xigeenka amniga C/Jamaal Cismaan Samatar, Wasiir ku xigeenka sportiga, shaqada iyo shaqaalaha Siciid Daahir Qodax iyo labo xildhibaan oo ka tirsan barlamanka Puntland.

 

Wafdiga uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha Gen Ilka jiir oo ka soo ambabaxay magaalada Garowe ayaa iyagu gaaray degmada Baran oo si diiran loogu soo dhoweeyey, halka qeybta labaad ee wafdiga oo uu horkacayo wasiirka xanaanada xoolaha ayaa iyaguna lagu soo dhoweeyey degmada Dhahar.

 

Masuuliyiinta gobolka, kuwa degmooyinka Dhahar iyo Baran, cuqaal iyo dadweyne ayaa ka qeybgalay soo dhoweynta wafdigan ballaaran ee maanta gaaray degmooyinka gobolka Sanaag, waxayna noqoneysaa markii ugu horeysay oo wafdi heerkaasi gaaraya oo ka socda maamulka Puntland ay gaaraan degmooyinka gobolka.

 

Ujeedada booqashadan ayay xubnaha wafdigan ku sheegeen inay tahay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaalada ka jirta gobolka, waxayna ku soo beegmeysaa iyadoo wareegto uu soo saaray madaxweynaha Puntland uu ku magacaabay gobol cusub oo la magac baxay Hayland kaasi oo ku soo biiraya gobolada Puntland.

 

Sida wararka na soo gaaraya ay sheegayaan waxaa la filayaa in booqashada wafdigan ay qeyb ka noqoto dhismaha maamulka cusub ee gobolka Hayland sida gudoomiyaha gobolka, taliyaha ciidanka iyo xubnaha kale ee maamulka oo la magacaabi doono.

 

Mudada wafdigan ay joogaan gobolka waxay kulamo la qaadan doonaan maasuuliyiinta iyo odayaasha degaanka, waxaana la filayaa in booqashadan ay ku maraan degmooyin kale oo ka tirsan gobolka.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Oodweyne: Adeer your geographically misinformed saxiib. I've not responded to you for far too long after realizing your lack of comprehension. Adeer, Makhiri family identity is stronger than what qaran news coveys to you. Folks in Ceerigaabo are Makhiri's, as evidenced by the Borama administration (Somaliland) appointment. Riyaale knows that Coronel Muuse runs the city and therefore ensures to cut his check on time or .....

 

Badhan is in Central Sanaag and Ceerigaabo is geographically western Sanaag. Carmale, Damala Xagare, Daar-As salaam, Shimbiraale and Biyogadaduud are all Makhiri teritories in western Sanaag. Lets also keep in mind, that Sanaag region is larger than Togdheer and Waqooyi Galbeed combined. From Ceerigaabo to Bosaaso is 375 Killometers, roughly the distance from Ceeri to Berbera.

 

again, i have no time for a minority with an inferiority complex.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xudeedi you don’t have to tell us about the geographical location of Ceerigabo we know where its located the issue here is , the maakhiri delegation stayed in the empty no mans land in dhahar , which is eastern sanaag that’s the point.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this