Sign in to follow this  
Suldaanka

Exclusive interview with Sheekh Cali Warsame at his hometown of Burao

Recommended Posts

The good sheekh speaks out and underscores that he has a track record of doing what is good for Somaliland and did not deserve what was being rumoured about him in the Somaliland press.

 

---------

Sh_Cali_Warsame.jpg

Mudo Bil ka hor waxa ka amba baxay magaalada Burco Sh.Cali Warsame oo ka mid ah culimada culculus ee Somaliland kaas oo safar dareemo kala gedisan dhaliyey ku tagay magaalada Muqdisho ee koonfurta Soomaaliya. Sidookalena safarka Sh.Cali Warsame oo lagu eedeeyo in ay xidhiidh saaxiibtinimo ka dhaxayso xubno ka mid ah saraakiisha maxaakiimta Muqdisho waxay wargeysyada dalka ka soo baxa qaarkood ifiiyeen safarkiisa oo lagu tilmaamay in uu wafti culus oo wadaada Somaliland kamid ah u hogaamiyey dhinaca Muqdisho iyo waliba in uu kulamo siyaasi ah la yeeshay maxaakiimta.

 

Hadaba Sh.Cali Warsame oo khamiistii hore ku soo laabtay magaalada Burco waxaa waraysi balaadhan kula yeeshay gurigiisa wariyahayaga Yuusuf Ilka Case. Waraysigaasi oo Sheekhu kaga hadlay dhinacyo badan oo ay ka mid ahaayeen jawaabo culculus oo uu ka bixiyey tuhumada laga qabo, xidhiidhka maxaakiimta Muqdisho, dareenka ku saabsan qaylo dhaanta culimada Burco qaarkood, hadafkiisa ku saabsan qadiyada Somaliland, Ururkii Al-itaxaad, khilaafka culimada Burco qaarkood iyo dhinacyo xiiso leh, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan: -

S/Sh.Cali Waxaad ka soo laabatay safar aad ku tagtay muqdisho waxaana safarkaaga lagu xidhiidhiyey in uu halis ku ahaa qaranimada Somaliland ama uu ahaa safar siyaasi ah sideed u aragtaa adigu?.

 

J/aniga socdaalkaygu waxa uu ahaa socdaal caa’ili ah, dadka oo dhana waa ogsoon yahay in reer dhan oo 8 caruur ah iyo hooyadood ay iga joogaan Muqdisho waana ii caado in aan siyaarto sanadkasta mararka qaarkood, markaa aniga oo ka war wareegaya maxaakiimta ayuu u tagayaa iyo halkaasi ayuu ku socdaa awgeed, ayaan in badan ka maqnaa iyaga oo ii baahan. Safarkaygu maaha mid siyaasiya ee sidaas ayuu ahaa waayo? Somaliland-na siyaasad iima diran aniguna kuma tagin in aan siyaasad ka qaybgalo.

 

S/Sh.Cali sidaad ka sheegtay masaajid ku yaala magaalada Burco jimcihii dhawayd waxaad cadaysay in labada garab ee isku haya Muqdisho (Maxaakiimta iyo dawlada Imbigaati) ay yihiin laba dhinac oo aan sinayn oo kala fadilan sidaad qabto, dad badan oo Reer Somaliland ahina waxay is waydiinayaan maxay nasteexada ugu jirta shacabka Somaliland kala dhawaanshahoodu, kol haddii aan midkoodna aqoonsanayn Somaliland?

 

J/anigu ka hadlimaayo Somaliland iyo waxay ka qabaan laakiin qofku dad is haya ayuu kala qiimayn karaa (oo insaaf) u kala samayn karaa, aniguna waxaan idhi in la simo maaha labadaa qolo waayo cadaalad haddii la eegayo waxay ku baaqayaan ama ku yeedhayaan ee lagula dagaalamayaa waa sharciga ilaahay ayaannu xukumaynaa, markaas sidaan qabo ama dad badani ila qabaan lama simi karo labadaas dhinac.

 

S/maxaad uga jeeddaa lama simikaro?

 

J/waxaan uga jeedaa qolo waxay (ictimaadsan tahay) ajaanib, qolona dadkoodii iyo dalkoodii ayey isku halaynaysaa oo ay ugu yeedhayaan in ay yimaadaan. Markaas nin dadkii cadow ku soo hogaaminaya oo yidhi waxaan doonayaa shisheeye iyo nin yidhi anigu dalkaygii ayaan joogaa, waanan ogolahay in aan la heshiiyo qolada aannu iska soo horjeedno laakiin dalkayga shisheeye uma ogoli, dee aniga iyo qofkii caqli lihiba waxaan u aragnaa in aanay isku miisaan ahayn.

 

S/Sh.Cali maadaama aad ahayd nin culus oo saaxiibo ku lahaa madaxda maxaakiimta adigu wax kulamo ah ma la yeelatay maxaakiimta, mase kala hadalashay faragelinta ay ku hayaan Somaliland?

 

J/arintu aniga maadaama aanay Somaliland ii xilsaaray wax aan ugu tagaa siyaasadoodu waa faduul way jireen afraad aannu isugu nimi masaajiada, munaasibado diini ah iyo rag aannu jiiraan iyo rixim nahay oo aannu is aragnay, laakiin shir iyo kulan rag aannu isku aragnay ma jirin, maxaa yeelay siyaasad Somaliland kagamaan wakiil ahayn, siyaasad aniga ii gaarana maan wadan.

 

S/laakiin Sheekh sidaan wararka ku hayno waxaad ka qayb gashay intaad Muqdisho joogtay munaasibad lagu qabtay Hotel naaso hablood oo ay maxaakiimtu kugu marti galiyeen?

 

J/horta xaflad ama shir aan ka qayb galo waxaa jirtay munaasibad diini ah oo ku saabsan hadyado la siinayey caruurta xifdi quraanka oo lagu qabtay Hotel-ka aad sheegtay oo aannu isugunimi rag aannu macaaniif ahayn oo nimankaas maxaakiimta ah oo igu yidhi nagala soo qayb gal, waana kala qayb galay, waana lagu arkay warbaahinta oo dhan (internetka) laakiin midkale oo siyaasi ah oo aan tagay ma jirto.

 

S/raggaas aad macaariifta ahaydeen maysla soo qaadeen arimaha siyaasadda?

 

J/maya ma jirin wax aannu isla soo qaadnay goob siyaasadeedna mabay ahayn.

 

S/laakiin wararku waxay sheegayaan in aad munaasibaas ka sheegtay hadalo siyaasiya ah oo odhanaya in la kala joojiyo tuuryada siyaasiga ah (maxaakiimta iyo Somaliland)?

 

J/arintaasi anigu siyaasad kale ma galin, anigu quraanka munaasibadiisa ayaan ka hadlay waxaanan idhi quraanka doorkiisii waa yimi, waxa weeye maanta waana laysku xukumay, hadalao caynkaasi ku saabsany ayaan idhi.

 

S/Sh.Cali sidaad adiguba xustay horay waad u tagi jirtay Muqdisho adiga oo shaqsi ah ayaanad ka iman jirtay, balse safarkani waa ka duwanaa oo aad ayaa laguu soo dhaweeyey ilaa Berbera maxaa is bedelay?

 

J/waxa is bedelay anigu war kama hayo, ishaacaad ayaa aniga I soo gaadhay laygu yidhi xukuumadu waxay tidhi haddii sheekhu yimaado ha la qabto, wararkaasina waa iska soo daba dhacayeen markaas waxaan filayaa qolada I soo dhawaynaysay waxay is tidhi bal meesha wadadka lagu qabanayo taga.

 

S/markaas maxaad la kulantay adigu, wararkaasise yey kaa soo gaadheen?

 

J/wararkaasi anigu xaqiiqo uma hayo laakiin dadka ayaa hayey wax dhibaato ah oo aan la kulmay iyo cid ii timi midna ma jirto.

 

S/Sh.Cali siday kugu tuhmaan dad badan Somalilander ahi waxaad ka mid ahayd hogaankii sare ee ururkii burburay ee al-itaxaad, sidaa awgeedna aadan ka gacan madhnayn saaxiibadaada maxaakiimta Muqdisho, sidee u aragtaa adigu?

 

J/Horta masaladaasi waan jeclaa in lay waydiiyo waanan kugu burqanayaa ee I dhagayso (inta uu sheekhu horay uga soo fadhiistay kursigii uu ku fadhiyey, si uu hadal horleh ugu tabaabushaysto) waxaan leeyahay masaladaas ururkii al-itaxaad la odhan jiray anigu abaal weyn ayaan ku leeyahay Somaliland waayo? Wax weyn oo aanay ogayn ayaan u taray. Waanad ogaydeen dagaalkii wadaada iyo reer bariga ka dhex dhacay waxay wadaadadu ku qabsadeen magaalada Laasqoray markay mudo haysteen shir ayaa ka dhacay Gar’adag beelaha Somaliland ayaa isugu yimi, beesha warsangeligu way ka mid ahaayeen ragga nabadda qaadanaya oo wakhtigaas mucaarad may ahayn kolkii xagga nabadgelyada layska waraystay ayey warsangeligu yidhaahdeen waa nala haystaaye maxaa naloogu soo gurman waayey, waxa na haysta wadaado miyeydaan na ogayn in aannu (muxtaliin) nahay markaas markii talada lays waydiiyey ee la yidhi wadaada ma ku duulaa waxa laga badin waayey in la yidhaahdo waar nimankaasi yaa loo dirikaraa intaan dagaal dhicin oo wax ka qabankara, markii la faaleeyey waxa laga qaadi waayey in Sh.Cali oo Burco jooga ay ka danbayn karaan wadaadau oo ay maqlayaan, markaa halkan (gurigan) aad maanta igu waraysanaysaan ayaa todobo nin oo waftiyi oo dawlada ahi iigu yimaadeen waxaanan ka xasuustaa ragaasi; C/laahi Maxamed Ducaale, Maxamed kaahin, Dhagaweyne, todobada nin warsangelina waxbaa kaga jiray waxa laysoo bandhigay in aan arintaasi wax ka qabto waxaan idhi arintaasi waa laysku dayayaa in aan wax ka qabankaro ee I suga, waxaan tagay meeshii ciidanka wadaadu joogeen iyaga oo guulaystay oo C/laahi Yuusuf todoba goor jabiyey oo isu haysta niman aan loo soo dhawaanayn, waxaan ugu badheedhay in aan halkaasi ku kala diro si aan dhiig badani u daadan oo aan dhibaatadu sii socon, iyada oo aanay waxba ku ahayn in ay xabad igu kala jeexaan inmada yar yar ee jibaysan ee aan cidna ka baqayn.

 

Waxaana igu weheliyey laba nin oo kale oo Reer Sool ah oo kala ah: - C/laahi Xaashi iyo C/naasir X.Axmed markii arintu in badan rafanaysay labadii nin ayey aniga igaga tageen arintii ilaahayna waa igu guuleeyey in aan ciidamadii intaas leekaa kala diro oo idhaahdo ninwalowba gurigiinii qabo, waayo waxaan ku idhi dal may haysaataan, shacabna ma haysataan, cidkale oo idin saacidaysaana ma jirto oo sidaas guul ku gaadhimaysaan, waxaanan uga jeeday dhibtu waxay ka jirtay dhul Somaliland ah, dhawr goor ayaa arintaa laygu sigay oo laygu dili gaadhay, rag mucaarada ayaa wakhtigaa igu yidhi waar ciidankan maad xeebaha bariga keentid anaga ayaa ku taageenaynee, haddii aan ka maqlo sidaasi dad shacabana waan heli lahaa dhulkuna ma xidhnayn usuuliyiin oo dhan meel allaale iyo meeshay joogaan ayaan halkaa kaga xorayn lahaa, xataa haddii laga adkaado iyaga oo sanado badan dagaalamayey oo dhibaato badan geystay ayaa la jebin lahaa .

 

Howsha intaas le,eg waxaan uga jeeday inaan dadka diigiisa kala Badbaadiyo oo fidno dhicin sland-na aanay mushkilad ku noqon, maanta abaalkayga may ahayn in lay yidhaahdo Sh, cali ayaa shir- qool wada , hadaan shirqool wado ciidanka intaas le,eg ee aan is lahaa slnad-ba way ka awood badan yihiin ayaan ku qabsan lahaa , maaha maanta in lay yidhaahdo shiqool ayuu wadaa iyo wax buu soo hogaaminayaa.

 

Itixaad qolo waliba xaafadoodii ayaan u kala diray intii xafadan(sland) ahaydna waa niguu hubkii ka dhigay ee idhi nin walowba suuqaaga agl.,markaas nin ka fidno dalka ka badbaadiyey ma dshici kartaa in waxyaabo saqajaana aan maanta ku kaco, ma dhici karto ayaan lee yahay ma aha mid (laa’iqa) iima aha, intii hawshaasi ka danbaysayna waxaan isku dayey inaan dadka dhalinyarad ah ee had iyo goor dareenkoodu kacsan yahay inaan dejiyo , waxaana hadafkayga laga ogaanayaa muxaadaraooyinkayga iyo masaajidadada wana wada duuban yihiin inaaan shabaabka dejin jiray oo tadarufka iyo seef la boodnimada aan ka wacyigelin jiray, waanan ka xumahay in aniga oo xilkaas qabtay in ishaacaad iyo dacaayaad suuqa laygeliyo ama jaraaidka laygu qoro ama xukuumada hadal layga keeno waa nasiib daro.

 

La soco waraysiga qaybta labaad oo sheekhu kaga hadlay Hadafkiisa ku wajahan khilaafka culimada, qadiyada S.land iyo qaar ka mida wadaada Burco .

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Af jooga looma adeego..

 

Once again the old man has articulated his position very clearly.

 

Suldan, how long before Shariah is implemented in Somaliland or what will it take?

Share this post


Link to post
Share on other sites

how long before Shariah is implemented in Somaliland or what will it take?

It all depends as to what interpretation of Sharia you are refering to. To my knowledge, Somaliland already practices the traditional form of Sharia Law. The constitution includes a clause that makes Sharia Law as the foundation for overall law and order in the country.

 

But if what you are implying is an Islamic government, then I must say an Islamic government will come when it goes through the proper path to power. That means, the Sheikhs need to walk the long corridors to power like everyone else. Which means if they want to play part in the Somaliland Politics, they need to establish their own Political Party and take their chances at the ballet box. There are no shortcuts mate.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Inkasto Islaamku Ogolayn Kala Googo’o, Haddana Duruufta...."Qaybtii Labaad Ee Waraysiga Sh.Cali Warsame

Somaliland.Org — Burao, Somaliland — 08 November, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hiyi-kac iyo Hanqal-taag Caadifadaysan anigu Taageeri maayo, Itixaadna maalintii aan kala diray ayuu Dhamaaday

 

 

Qaybtii Labaad ee Waraysiga Sh.Cali Warsame

 

 

Intii la socotay waxaannu hore idiinku soo gudbinay qaybtii koowaad waraysi Sh.Cali Warsame oo hadda ku sugan magaalada Burco kadiba markii uu ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalada Muqdisho. Haddaba wareysigaas oo ahaa mid aad u xiiso badan qaybtiisi labaad waxa ay u dhacay sidan: -

 

 

S- Sh.Cali inkastoo aad ku dheeraatay hawshii nabadaynta ee aad ka qabatay ururkii Al-itaxaad taa macneeda ma waxaad u jeedda wax xidhiidh ahi hadda kama dhaxeeyo ururka Al-itaxaad iyo maxaakiimta?

 

 

J- Ururkii Al-itaxaad urur ayuu ahaa wakhti soo maray magacan aad sheegayso maalintii aan kala diray ayaa ugu danbaysay, waa maalintii aan ku idhi ninwalowba gurigaagii qabo, kii Itoobiya ka yimi Itoobiya ayuu galay kii koonfurna koonfur ayuu galay kii barina Puntland, kii Somaliland-na S/land, magacii Al-itaxaad la odhan jirayna maalintaas ayuu dhamaaday mana garanayo cid danbe oo uu xidhiidh u dhaxeeyo

 

 

S- Haddaan u soo noqono Somaliland waxa dhacday intii aad maqnayd in wadaado seef la bood ah qaarkood ay masaajidada iyo goobo kaleba ay dadka ku dhiiri gelinayeen kacdoon jihaada, taasi oo dad badani u qaatay in ay xidhiidh la leeyihiin maxaakiimta Muqdisho ayna ku gabanayaan Sheekha xidhan iyo xukunka shareecada maxay tahay aragtidaadu adiga?

 

 

J- Waxa weeye waxa jirta in arrimo iska kacaan oo iyada oo awalba la qaylin jiray oo la odhan jiray shareecada inagu xukuma haddana markay wax kale yimaadaan layska hiyi kaco, waayo? Haddii adiga oo abaar fadhiya meel roob ka hilaaco waad u kacaysaa kolay haddaad xataa xoolahaaga ku gaadhaysid waad hiyi kacaysaa oo waxaad odhanaysaa tolow yaa roobkaa taga., haddii xoolahaaga xataa xayeesh yihiin. Laakiin anigu waxaan u arkaa hiyikacaasi iska caadifada ah inaan loo baahnayn xaq ayaa loogu leeyahay xukuumadda Somaliland shareecada in ay dabaqdo, iyada oo aan cidina debedda wax inooga keenin, waayo, horaynu distoorka ugu qoray oo Ilaahay ayaa ina faray waana waajib in aynu dabaqno. Dadkuna hadday yidhaahdaan xaq ayey u leeyihiin laakiin haday dadkale u hanqal taagaan waa qalad waayo nin waliba meeshiisa ayuu wax ka qabanayaa wax ninkale u soo waariday ama debedda ka keenay u noqon maayo wax isaga u cuntama ama wax wax u taraya.

 

 

S- Sheekh xukuumada inta badan waxay kaga cabataa culimada gobolka Togdheer in aanay intooda badani la shaqayn ee ay naqdin uun u soo jeediyaan oo aanay qirin wax qabadkooda, sidee u aragtaa adigu?

 

 

J- Xaqiiqadu waxa weeye taasi waxbaa ka jira, laakiin waligeedba waxa iska jiray (sawtul fahaahim), meeshaa Hargeysa la yidhaahdo anagu reer Burco ahaan waligayo khayr kalamaanu kulmin dacaayad nagaga timaada mooyaane oo yidhaahda Reer Burco qas ayey wadaan, markaa waxaan anigu u arkayaa (ridul ficil) iska dacaayad aan sees lahayn oo marwalba dadka loo kala geynaayo, taasina waxay keentay xaasaasiyad iyo mucaaradad dawladuna inta badan ma dejiso, taasina halkii ayey ka socotaa waana shay iska tawaatura.

 

 

S- In shareecada la dabaqo ma waxay saran tahay oo kaliya xukuumada miyaanay ahayn in laga bilaabo qoyska, Beesha, Suldaanka ilaa bulsho la gaadhayo.

 

 

J- Arintani waxay tagtay taxadka oo meel hoose ayey gaadhay anaguna ma diidanin in tadriij lagu sameeyo oo (shay’an fa shay’an) lagu dabaqo, laakiin waa inay muuqataa oo diyaar garow laga arkaa xukuumadda waayo iyada oo xukuumaddu sheegayso in ay dabaqayso hadana tashriicaad kale oo la sheegayo ayaa jira oo la leeyahay in masuuliyiintu ka bixiyeen tasriixaad oo ay leeyihiin cilmaaniyiin ayaannu nahay taasina haddii la fasiro waxa weeye anagu diin shuqul kuma lihin, taas ayaa tuhumadda keenaysa in aan dawladdu u jeedin in ay dabaqdo Shareecada.

 

 

S- Maxaad ku cadaynaysaa in masuuliyiinta aad sheegaysaa ay sheegteen cilmaaniyiin?

 

 

J- Way cadahay, taas hadda gelimaayo.

 

 

S- Sheekh Cali xanta kale waxay tahay in khilaafka culimada gobolku ay sababtay inay timaado duulduulkan siyaasadeed ee culimada qaarkood lagu eedaynayo , sidee looga gudbikara si aanay u iman doodo kale oo la tuhmaa?

 

 

J- Waa shay bashariya khilaafku oo aragtiyaha ayaa laysku khilaafi karaa umuuro kale oo afraad gaari iska wataan ayaa dhicikarta waana shay dabiici ah waanan isku dayey in aan isu keeno haddana Eebbe subxaanahu wa tacaalaa isaga ayaa quluubta iska leh oo isu keena illaa haddana waa socotaa mana dhicin in 100% in ra’yi kaliya ay culimaddu wada yeelato.

 

 

S- Su’aasha ugu danbaysa ee aan ku waydiinayaa waxay tahay shacbiga Somaliland codkaagan ayey u sugayeen iyadoo sababtu tahay dareemada didmada leh ee horey lagaaga qabay maxaa cadaymo ah ee aad is leedahay fursadan waad uga faa’iidaysan kartaa si laguu aamino?

 

 

J- Waxaan u jeedinayaa dadka Somaliland anigu waan jecelahay wadankayga Somaliland sidaan horey uga dhawaajiyey inkastoo Islaamku aannu ogolayn in la kala googo’o . Haddana markay duruufta Muslimiintu noqotay mid u kala qaybsan (iqlimiyaad) oo qolo waliba meel yar oodatay waxa weeye qof waliba in uu meeshiisa yar ooto oo hagaajisto oo aannu ninkale ku soo faro gelin. Kuwii iyagu is afgartaa ee is waafaqaa waa heshiinayaan, laakiin waxa loo danaynayaa in qolo waliba meesheeda hagaajisato oo Islaamka ku dabaqdo oo dad midaysan oo aan iska soo horjeedin ay noqdaan. Markaa waxaan leeyahay Ilaahay aan ka cabsano oo ha lays aamino, wadankeenana aan kor u qaadno, diinteenana aan dabaqno oo diinteenu intay dhulka taal aduunyadeenu kor noqonmayso, dadkaa inoo gacan haadinayaa haddaad wax noqoto halkaaga ayuu kuugu imanayaa. Mucaaradadana ha la iska daayo, anigu maalin ayaannu is aragnay Madaxweynaha waxaan ku idhi anigu mucaarad ayaan ahay laakiin mucaarad kursi doonaya oo kaa ridanaya ma ihi, mana ihi nin doonaya in uu khidmad dagaalo ku raadiyo. Laakiin inta shareecadu meesha ka maqan tahay mucaaradkaygaa ayaan ahaanayaa, dagaalna cid ku qaadimaayo, weerar iyo balaayana afuufimaayo oo dadka rabshad gelin maayo oo dadka waxaan la rabay wax ka daran gelin mayo. Markaa waa in aynu noqonaa dad midaysan oo

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by Suldaanka:

 

But if what you are implying is an Islamic government, then I must say an Islamic government will come when it goes through the proper path to power. That means, the Sheikhs need to walk the long corridors to power like everyone else. Which means if they want to play part in the Somaliland Politics, they need to establish their own Political Party and take their chances at the ballet box. There are no shortcuts mate.

That is probably the best way to go about this business.I fully agree,but we need that to happen really fast,its' urgent,Riyale and those kadaba naageeya must go.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this