Sign in to follow this  
Liibaan

Ciidamada Ethiopia Oo Boorama Soo Galay Iyo Mudaharaad Dadku Dhinteen Oo Ka Socda

Recommended Posts

Liibaan   

Quljeednet.com: Warar Degdeg ah

 

mud.jpg

Shacabka oo muujiyey taageereda weyn ee u hayaan Awdal-LAND iyo Calanka Awdal-LAND

 

 

ca.bmp.jpg

 

Dadka Magaalada Boorame oo aad uga soo horjeeda Jabhada qabiil SNM (ee labaxday Somaliland)

 

Waxa magaalada Boorama ka socda mudaharaadyo aad u balaadhan oo dad Afar qof gaadhayina ku dhaawacmeen taas oo la isla dhexmarayo in nin kamida dadkaas dhaawaca ah oo layidhaa Cabdo Dio uu haatan xabad dhuunta kaga dhacday uu u dhintay. Dadka mudaharaadaya ayaa waxay gubayaan calanka Soomaliland iyagoo dhanka kalana lulaya calakna Somaliya iyo calan lasheegay in loo sameeyay gobolka Awdal.

 

 

 

Mudaharaadkaas oo kadhashay kadib markii ciidama Ethiopiana oo rabay in loo dhiibo sadexdii dirawal ee reer Awdal ahaa ee ay falaagadii dalka soo gashay ka afduubtay xeebaha gobolka Awdal, kuwaas oo ahaa ragii soo sheegay in ay ciidamada falaagada ahi soo galeen wadanka.

 

 

 

Hadaba maanta oo ay ciidama aad ubadan oo uu hogaaminayo Janaraalka ciidamada Ethiopia ee kilinka shanaad ee soomalidu soo galeen magaalada Boorama iyada oo dhanka kalan lasheegay in maamulka gobolka iyo booliskaba laga soo amray djinaca Hargeysa in ay ku wareejaan nimankaa dirawaliinta ah ciidamada Ethiopianka waxayna taasi dhalisay in ay gadood iyo kacdoon balaadhan shacabaka booram kudhaqani sameeyaan.

 

 

 

Waxana dhacday markii loo diyaariyay in loo dhiibo nimankaa dirawaliinta ah ciidamada xabshida in ay qaraabadii iyo shacabka boorama kusoo qamaameen iyada oo baabuur kuwa SURFka loo yaqaano lagu soo weeraray baabuurkii ay saarnaayeen nimanku halkaana ay mid kamida dirawaliintii reer Awdal ay kula fakadeen shacabkii gadadoodsanaa.

 

 

 

Shacbka Boorama ayay sida muuqata kamuuqataa cadho ay hayaan maamulka Hargeysaad oo umuuqda in uu eedihii nimanka dablayda ah oo dhan dusha kasaaro dadka dega gobolada Awdal iyo Salal taasi oo looga danleeyahay in la iskaga laaluusho laguna xaal mariyo dawlada Ethiopia oo aad uga cadhaysan sida dhibta yar ee uu cadawgeedu uga soo gudbay xuduuda Somaliland.

 

 

 

Hadaba waxa kamida erayada dadku maanta isla dhexmarayaan magaalada boorama ee ay dadka mudaharaadayi isticmaalayaan erayad ay kamida yihiin RAGAYA LAALUUF LOO BIXIN MAAYO iyo erayo kale oo lidi ku ah maamulka Hargeysaad.

 

 

 

Wixii wara ee kasoo kordha xaalada goblka AWdal ee kacsan kala soco Quljeednet.com

 

 

 

 

Omar Farah

Boorama, Awdal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Itoobiya oo Qabsatay Awdal

 

 

Ciidamada Itoobiya oo beryahan danbaba raadinayay mar-marsiiyihii ay usoo gali lahaayeen xuduudka Somaliland ayaa waxay ku guulaysteen inay dhigaan nidaamkii u sahli lahaa soo galitankooda Awdal/Somaliland, oo ah in ‘maar-maar’ jabhadi soo degtay.

 

 

Sida dad badani tuhunsan yihiin, Itoobiya iyada ayaa ka danbaysay dadka la sheegay inay kasoo dageen xeebaha Awdal, ee deetana galay buuraha, isla iyada ayaana ku sheegtay inay yihiin jabhadda ********iya, waana si ay kusoo gasho dalka. Labada kooxoodna waa isla wada Xabashi iyo xulafadooda, waxayna haatan ku wada caweynayaan carrada Somaliland.

 

Imika iyo haatanna cutobyo ciidamada Xabashida ah oo tiradoodu ku dhawdahay 1000 askari, ayay wararku sheegayaan inay ku sugan yihiin degmada Xariirad, ee gobolka SALAL. Waxa kale oo wararkaasi ay intaa raacinayaan in dad soomaaliyeed oo u dhashay degmooyinka Xariirad ay yihiin kuwa iyagu u sahlay inay ciidamada Xabashidu labada jeerba soo galaan dalka Somaliland, oo badda iyo berrigaba kasoo galaan, iyagoo u ah gadhwadeenadooda iyo sir doonkooda. Dadkaas iyaga ah ayaa waxa la sheegayaa inay dan siyaasadeed ka wataan, oo xabashida ay ka sugayaan inay dhul u soo dhiciso.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxay su’aali ka taagan tahay awooda sirdoon ee xukumada Somaliland, oo ogaan kari waayay shirqoolka loo maleegayay, isla markaana ku dhicisoobay inay isla markiiba xaqiijiyaan dadka kasoo dagey xeebta Awdal. Wixii warar kale ee faah-faahsan dib ayaanu idiinku soo sheegi doonnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Jacaylbaro:

quote: Itoobiya oo Qabsatay Awdal

:D:D:D:D:D:D:DWhat's so funny JB....isn't it alleged that a force of 300 ONLF where able to go through this area untouched? So what's so funny about Ethiopia going into the area?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Demonstrations are allowed in our country nothing to worry about

 

Libaan did you get bored with the Khusuusi.
:D

Does Somaliland also allow hundreds of armed men to land on its shores and cross through its borders or is that just an embarrassing security breach?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dadweynaha Reer Boorame oo xoog Booliiska kaga furtay Dirawaliintii waday Gaadiidkii Ciiddamadda ONLF kireysteen iyo Magaalada oo Qas ka taagan yahay

 

Hargeysa(Waaheen) Reer Boorame ayaa la sheegay inay xoog iyo Qori caaradii kaga furteen ciidamadda Booliiska ee Boorame laba kamid ah sadexdii Dirawal ee watay Gaadiidkii qaaday Ciidamadii ONLF ee ka soo degay Xeebaha Galbeed ee Somaliland, kuwaasoo sida la sheegay Booliisku u soo dhaadhicanayeen dhinaca Hargeysa

 

Dhacdadan ayaa la sheegay inay Dadweynuhu ku talaabsadeen markii sida la sheegay ay ka war heleen qaadista Sadexda Dirawal oo la sheegay inay Ciidamadda Booliisku u dhiibayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaaladda Goraya-cawl oo u dhaxaysa Boorame iyo Diila.

 

Qaar ka mid ah Eheladda Sadexda Dirawal ayaa Baabuur Surf ah la beegsaday baabuurtkii Booliiska ahaa ee lagu siday Dirawalada kadibna Rasaas ooda kaga qaaday Booliiskii, iyadoo ay u suurtogashay inay laba kamid ah xoog ku qaataan halka kii sadexaad ay ciiddamada Booliisku markii danbe kala hadheen

 

Talaabadan ay dadweynuhu ku furteen labada nin ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay hal qof kadib markii ay isku dhaceen gaadhiga Booliiska iyo ka kale ee hawlgalka loo adeegsaday, waxaana mar kaliya magaaladda Boorame ay isla oogsatay buuq iyo isku soo bax iyadoo gabi ahaanba ay xidhmeen Meheradihii Ganacsigu

 

inkasta oo ay dhacdadani goor dhaweyd dhacday oo aan wax tafaasiil ah oo intaa ka badan laga hayn hadana dad goob joog ah oo aanu la xidhiidhnay ayaa sheegaya in ay jiraan warar sheegaya Boorame inay Joogaan Saraakiil Itoobiyaan ah oo hawlgalo ka wada jiidaasi, balse wixii ka soo kordha waxa aad kala socon doontaan wararkayaga danbe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Borame News

 

War-Deg-dega:Mudaharaad Xoogan oo ka socda Magaalada Borama

 

Borama(Bnn) Mudaharaad xoog badan ayaa waxa uu goor dhawayd ka bilaabmay magaalada Borama, mudaharaadkan ayaa waxa uu ka daneeyay markii ay magaalada soo gaadheen , maxaabiis laga keenay ,Saylac iyo Buuraha Maar-maar, maxaabiistan ayaa waxa ay iskugu jirtay, Dirawaliintii gaadiidkii Falaagadu raacday waday, iyo Saddex ka mid ah , falaagadii ragii maalintii ugu horeysay la soo qabtay.

hadaba markii magaalada Borama la keenay ragaasa ayaa isla waqtigaas waxaa soo galay, Gudoomiyaha Degmada Awbare ee kilinka shanaad oo ay ciidan soomaali iyo itoobiyan ahi la socdaa, isaga oo u yimid xog waraysi labada dhinac waa somaliland iyo itoobiya, kaas bishiiba mar dhaca, labada dhinacna ay isku tagaan bishiiba mar.

Hadaba markii la keenay maxaabiista saldhiga dhexe ee degmada Borama, ayaa waxaa isla markiiba saldhiga hortiisa soo buux dhaafiyay, dadwayne aad u cadhaysan , taas oo shaki ku abuurtay itoobiyaanka jooga iyo maxaabista xiligan la keenay, iyaga oo ka shikisanaa in lagu wareejinayo, saddexdan dirawal ee aan danbiga lahayn waa sida ay hadalka u sheegayeene, waxa ayan lahaayeen, saddexdan falaagada ah ee ONLF,anagu ma diidani in ay qaataan itoobiyaanku, laakiin saddexdan muwaadin raali kama nihin, in loo gudbiyo itoobiya, wixii ay danbi galeen halkan ha lagu maxkamadeeyo ayay lahaayeen.

iyada oo xaaladu sidaas ay tahay waftigii itoobiyaanka ahaana uu rays u shaahdoontay, ayaa waxaa saldhigii Borama ka dhacay arin aad iyo aad u la yaab badan, taas oo ahayd, ragii maxaabiista ahaa ee dirawaliintii ayaa waxaa la soo saaray gaadhi toyota landcruieser si loo geeyo jeelka dhexe, isla waqtigii uu ka soo baxay ilinka hore ee saldhiga dhexe ee degmada, ayaa waxaa ku soo dhaqaaqay gaadhi seeraf ah, gaadhigii booliska ahaa, ee ay saarnayeen maxaabiistii dirwaliinta ahayd, gaadhigii marii uu u soo dhawaaday, ayaa waxaa uu afka ku dhuftay fuqa hore ee gaadhigii maxaabiistu saarnayd, halkaasna waxaa ka dhacay arin la yaab leh , waxaana halkaas kala baxsaday dirawalkii , booliskii iyo dadwaynihii halkaas joogay iyaga oo ka baqa qabay in gaadhigu qarxayo, waxaana halkaas ka fakaday, laba ka mid ah maxaabiistii Dirawaliinta ahaa, iyaga oo markiiba dhex galay dadwaynihii,dabadeed dadwaynihiina waxa ay dhagax u qaadeen booliskii eryanayay maxaabiista, dabadeedna waxaa halkaas ku fakaday,saddexdii dirawal laba ka mid ah.

wixii intaas ka danbeeyay waxaa la isku fara saaray afaafkii hore ee saldhiga booliska shacabkii godoodsanaa iyo ciidanka amaanka, waxaana halkaas la isku waydaarsaday rasaas iyo dhagxaan.iyada oo ay balaadhatay mudaharaadkii iskuna badalay kacdoon socday mudo, soddon daqiiqo ah, rasaastana ciidanku waxa ay u ridayeen kor.si ay u kala eryadanaan shacabkan gadooday.

waxaana ilaa imnka la maqlayaa Rasaasta iyo guhaadka mudaharaadlayaasha

wixii ka soo kordha iyo sawiradaba gadaal ayaan idinkula soo socodsiin doonaa

 

Reporter:Jaabir Ali Omer

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xiin, warka waa la hubaa, see Awdal websites like Quljeednet and Hiildan

 

 

 

 

 

 

Somalia: Ethiopia troops arrive in Somaliland to hunt down ONLF rebels

14 Sep 14, 2010 - 11:33:56 AM

 

 

 

A group of rebels who were reportedly "surrounded" by security forces in Somalia's separatist Somaliland region have successfully crossed the border into Ethiopia, while Ethiopian troops have entered border towns in northwestern Somalia (present-day Somaliland), according to reports reaching Puntland-based Radio Garowe.

 

Somaliland Interior Minister Dr Mohamed Abdi Gabose told reporters Monday that the ONLF ethnic Somali rebels who are fighting against Ethiopia's government were being searched for by Somaliland security forces in Awdal region, at a mountain range where the international borders of Somalia, Ethiopia and Djibouti intersect.

 

 

Somaliland President Ahmed Silanyo

Somaliland officials claim that the group of ONLF fighters, who reportedly number between 200 and 700 men according to conflicting reports, landed secretly at Zeila coast in Awdal region of northwestern Somalia (present-day Somaliland).

 

Dr Gabose, the Somaliland government's interior minister, alleged that the suspected ONLF rebels wer "trained in Eritrea."

 

But a senior member of ONLF who identified himself as the rebel group's deputy commander told Mogadishu-based radio stations that "no ONLF fighters are trained in Eritrea." He also denied that any ONLF fighters landed in Somaliland.

 

Some Somaliland-based media agencies have reported that fighting broke out in the mountain area, but these reports have not been independently verified. Inside sources say the reports of fighting could be an attempt to "save face" for the performance of Somaliland security forces.

 

Ethiopian troops arrive

 

Somaliland-based Jamhuuriya newspaper has reported that a force of 1,000-strong Ethiopian troops has entered parts of Awdal region in northwestern Somalia (Somaliland) to conduct military search operations in the mountain range.

 

There are reports saying that the group of suspected ONLF fighters have "already crossed into Ethiopia," where the ONLF has waged an insurgency since 1984 and is seeking self-determination for the Somali-inhabited ****** region of southeastern Ethiopia.

 

Somaliland has enjoyed relative peace and stability for nearly two decades. But analysts say the continued unrest in southern Somalia and the low-level insurgency in ****** region of Ethiopia is affecting Somaliland's security.

 

The bulk of Somaliland's security forces were sent to Sool region in 2007, leaving parts of the region vulnerable to security risks.

 

Reports that heavily armed anti-Ethiopia rebels landed on the coast and traveled by land for hundreds of kilometers creates problems for Somaliland's new administration, led by President Ahmed Mohamed Silanyo.

 

Since President Silanyo's election in June, Ethiopian government officials have expressed frustration with the new Cabinet ministers, some of whom Addis Ababa accuses of having links to Al Shabaab militants in southern Somalia.

 

In 1991, Somaliland unilaterally declared independence from the rest of Somalia but has not been recognized internationally. Somaliland claims colonial-era boundaries, but neighboring Puntland contends that Sool and Sanaag regions belong to Puntland due to centuries-old kinship and blood ties.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this